Kooxda La Baxday Guurtida Caalamka Oo La Kulmay Madaxwaynaha Dalka Ruushka.

0
86

Moscow(Waaheen)-Kooxda Guurtida (The Elders) oo booqasho ku joogey dalka Ruushka ayaa Arbacadii kulan kula qaatey magaalada Moscow Madaxweynaha dalkaaas Vladimir Putin.

Guurtida oo la baxay ‘The Elders’ ayaa waxaa ku mideysan Madaxweynayaal hore, Madaxdii sare ee Qaramada Midoobey iyo shakhsiyaad kale oo caan ah.
Guurtida & Duqeyda ayaa ka shaqeeya nabadda caalamka, waxaana ay isku dayaan in kuwa xiriirkoodu xumaado ay isu soo jiidaan isla markaana furaan daaqad ay ka wada hadli karaan, waxaana kamid ah kuwo horey ugu guuleystey abaal marinta caalamiga ah ee Nopel Peace Prize.

Xoghayihii hore ee Qaramada Midobey Kofi Annan oo kamid ah guurtida ayaa sheegey in ujeedkoodu ahaa in xasaradda la ayareeyo isla markaana ay dhisaan kalsooni, si loo helo wada hadal heerkiisu sareeyo oo macne leh, marka la eego xasaradda ka dhalatey xaaladda Ukraine.

Kooxda Guurtida ayaa sidoo kale la kulmey muddadii ay Moscow joogeen Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ruushanka Sergei Lavrov, Madaxweynihii u danbeeyey ee Midowgii Sofiyeyti Michail Gorbatjov, iyo Raysalwasarihii hore ee Ruushka Jevgenij Primakov.

 

The Elders group visits Russia

 

 

Kooxda Duqeytida waxaa asaasey madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela sanadkii 2007, waxaana kamid ah, xubnaha ku midoobey Koffi Annan, Jimmy Carter, Marti Ahtisaari, Mary Robinson, Lakhdar Brahimi, Desmond Tutu iyo qaar kale oo badan.

Kooxdan ayaa lagu wadey in ay maalinta Khamiista ah ay booqasho ku tagaan marinka Qasa ee dhulka Falastiin si ay beesha caalamka indhaha ugu soo jeediyaan, laakiin safarkaas waa baajiyeen iyaga o aan sheegin sababta.