Xilka dhalinyarada ayaan Qabiil lagu xidhin

0
94

MaxamudSomaliland dawladnimadeedu waa mid himilo iyo hanleh oo maalinba heertaagan waxana ay samaynaysaa hor-u-socod  aad udheer waa marka habka ay ku bilawday dawladnimada la’eego, waana qaran aan aqoonsi wali helin, waa qaran dawladnimada ka soobilaabay meel-hoose oo dhulka ah, waxana xusuus mudan arintu siday ahayd, hadaynu dheehano waagaa waxa ay ahayd arin tilmaanteedu ahayd dadka oo wadhan banaan oo aanay jirin hayn iyo aduun iyo nidaam dawladi-leedahay, sidaa awgeed dadka Somaaliland meel-adag ayay wax ka soobilaabeen oo ay hanaanka dawladnimadi uhamiyeen, waxana ay ahayd run haantii xaalad aad u adag balse waxa ay nasiib Somaliland uyeelatay Duqay, Aqoon-maal, Arin-maal iyo dad wanaagsan, waana sababta ay udubka ugu joojiyeen dawladnimada Somaliland ee maanta aad arkaysaan quruxdeeda iyo qiimaheeda.

Hadaba marka arinta ay soomartay dib loo-dheegto, dib loo’eego, dib loo’jaleeco,waa sida calaf yahay ee Allah uu uqaybshay nolosha, sidaa awgeed waa qaran ay madaxbadani soomartay dhanka talada madaxwayne-nimada ee qaranka hogaamintiisa, sidaas oo ay tahay ninkastaaba waxa uu la’kulmay Xili iyo Waayo kaladuwan, sida badan marka aynu dheehano taariikhda ayaa aad dareemaysaa duruufaha wakhtikasta ku gadaanaa, hadaynu faahfaahino waa cayaarta layidhaa cado-loolka amase cayaarta layidhaa oradka iyo qori isudhiibka waana sida ay isubadaleen dhamaan madaxdu oo midba meel marka uu soogaadhiisyay ayaa uu midkale udhiibay Xilka dawladnimada Somaliland.

Hadaan dulucda hadalka taabto maanta amase xiligan aan ku jirno waxa loo-baahan yahay in dawladnimada laga qaybgaliyo dhalinyarada dalka iyo dadka Somaliland, haa waa jiraan dhawr amase midhadhkii ugu horeeyay ee xilal loodhiibay balse muhiimadu waa in loobadiyo xilalka dalka meesha ay qaban karayaan, waana tilmaan ay Somaliland ubaahan tahay xiligan lagu jiro, waana sida ay dunidu maanta marayso oo dunida waxa laga shaqaysiiyaa dadka firfircoon ee aqoonta leh, sidaa awgeed dhalinyarada halasiiyo Xilal oo halaga daayo danaha qabiilka ee lagu xidho xilka dhanlinta, sababtoo ay tahay waa  caqabada uu qabiilku leeyahay oo ayaan la’odhan  hayb-hayb, waana barmadaw oo dadnimada dhalinyarada  saamigeeda hortaagan.

Maanta amase hada iyo xiligan lagu jiro waxa loobaahan yahay dhaliinta aqoonta leh, waana ubax dadka Somaaliland meel gaadhsiinkara, sidaa oo ay tahay waa in xilalka sare, xilalka dhexe laga qayb-galiyaa, dhanka kale hadaan iftiinsho meelaha ubaahan waa xilalka Agaasimayaasha Guud, Xilalka Safiirada iyo dhamaaan Xilalka Agaasima waaxeedada, dhanka kale waxa lagu ladhi-karaa  dhamaan shaqooyinka dhalinyarada lataliyayaal aad khibrad uleh, sida ay tahay ee maqaalka gundhigiisu yahay waa baaq, waana tabashada dhalinyarta dalka Somaaliland.

Dhamaan dhalinta Somaaliland ee hanka iyo himalada leh, waxaan idinku dhaafayaa tilmaan maanso kooban oo aan bildhaanshay waayo-dhawayd mar aan eegayay qaranimadu sida ay tahay, waxanan jeclahay inaan magaceen ku muujino meesaanka qaranimadu leedahay oo aynu ka fogaano ficilada qoqobka qabiilka, sidaa oo ay tahay waxa hadan loobaahan yahay inaan dadkeena iyo dalkeena uga faa’iidayno aqoonta iyo xooga fayaw ee aan hayno maanta, hadaba waxa ay leedahay maansadu sidan.

Maansadii  Qaranimo

  1. 1.                  Qaranimadu waa nolol
  2. 2.                  Dadku ay wadaagaan
  3. 3.                  Qormo weeye nagiyoo 
  4. 4.                  Quman yahay dadkeeduye 
  5. 5.                  Ogoow waana qaybis nololeed

 

  1. 6.                  Qaranimadu waa nolol
  2. 7.                  Qiimaheedu culan yahay
  3. 8.                  Qareen gobeeye loo’xulay
  4. 9.                  Qaydoo tilmaan mudan
  5. 10.              Waana qaran dhamaystiran

 

  1. 11.              Qaranimadu waa nolol
  2. 12.              Waa quwad dad leeyahay
  3. 13.              Waana haykal qurux badan
  4. 14.              Oo qorsheeya naacaw
  5. 15.              Qastigiisu meel yahay

 

  1. 16.              Qaranimadu waa nolol
  2. 17.              Hadii qabiilku dulin yahay
  3. 18.              Uu qayb-qaybsho aadmiga
  4. 19.              Waa halka qoonta lagu dhayo
  5. 20.              Af qaloocday lagu saxo

 

  1. 21.              Qaranimadu waa nolol
  2. 22.              Hadii qawsaar dakano-galo
  3. 23.              Diric qoorta soo jaro
  4. 24.              Waa halka lagu qisaasaa
  5. 25.              Ee qoorta lagu jaro

 

  1. 26.              Qaranimadu waa nolol
  2. 27.              Hadii qaar laduudsiyo
  3. 28.              Qaran boolisbaa jira
  4. 29.              Qiimeeya dulucdaa
  5. 30.              Qabtoo tuuga soo xidha 

 

  1. 31.              Qaranimadu waa nolol
  2. 32.              Qorshaheedu waa nuur
  3. 33.              Waa meel Qiimaysa noolaha
  4. 34.              Waana qawl waalnimo
  5. 35.              Dadku ay qadariyaa

 

Aragtidii:         Mohamoud Jama Gudaal

Telphone:        063-4409401