Salaadda Roob Doonta Oo Somaliland Laga Tukaday iyo Madaxweynaha Oo Shacbiga Kala Qayb Galay

0
113

RHargeysa(Waaheen)April Waxaa Saaka Dalka Somaliland oo dhan laga tukaday Salaadda Roob-doonta oo uu Madaxweyuhu hore u iclaamiyey in la tukado. shacbiga Somaliland ee Degmooyinka iyo Gobolada, Tuulooyinka, ayaa saaka Oogay salaadda Roob doonta ah oo Illaahay lagu wadiisanayay Naxariistiisa iyo Raxmaad Khayr leh, kadib markii Roobabka gugu daaheen inta da’dayna ahayd mid aan badnayn oo aan wada gaadhin dalka.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa Shacbiga kala qayb galay tushada Roob doonta, isagoo kula tukaday Masjidka weyn ee Tabliiqiyiinta.Halkaasi oo Madaxweynuhu shacbiga u dareeray salaada Roobdoonta uu alle uga baryey inuu ka aqbalo una shubo raxmad khayrqabta oo ay ku doogsadaan dad iyo xoolaba.

 

Sidoo kale waxa isna halkaasi khudbad dheer ka jeediyey wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland oo salaada tujinaayey Madaxweynaha iyo shacbiga ku sugnaa masjidka.

 

Madaxweynaha ayaa halkaasi ka jeediyay hadal duco ah waxaanu yidhi “Illaahay baa mahadleh, Illaahay waxaan ka baryaynaa inuu Ducadaas maanta inoo aqbalo, Illaahay waxaan ka baryaynaa inuu Roob khayr qaba inoo shubo, Illaahay waxaan ka baryaynaa inuu maslaxaddeena iyo wanaaggeena ina waafajiyo, Illaahay waxaan ka baryaynaa inuu quluubta Umaddeena isu soo jeediyo, Illaahay waxaan ka baryaynaa inuu Khayrka ina waafajiyo, Illaahay waxaan ka baryaynaa Caafimaad, nabad qab, wadajir iyo midnimo ina siiyo..Illaahow sidii khayr leh, Illaahow sidii khayr leh, Illaahow sidii khayr leh”