Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Gobalka Buuhoodle Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadalo Ka Soo Yeedhay Xildhibaan Indho Indho Nabad na ugu baaqay Beelaha Ku dagaalamayaga Deegaanka Taleex‏

0
144

IMG_4064Hargaysa(Waaheen)Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobalka  Buuhoodle Fu,aad Maxamed Mixile oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay hadalo ka soo yeedhay xildhibaan indho indho oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland waxaanu sheegay in xildhibaanku uu ka mid yahay shaqsiyaad u olalaynaya sidii dalkan dawlad la,aan ugu dhici lahaa gudoomiyuhu isaga oo aruumaraasi ka hadlaya waxa uu yidhi “  maanta waxan idiinkugu yeedhay arin taagan oo danta qarankan iyo ayaaha qarankan raga qaarkood ay majaro habaabinayaan oo indhaha ka lalinayaan, arintaas oo noqotay arin aanan ka aamusi karin haba yaraatee .

 

 

Dalkani wuxuu  inyar ujiraa In dawlad la,aani ka dhacdo xili mudiyeedkii xalaasha u ahayd xukuumada Siilanyo waa gabaabsi aritnaasina rag baa jira u olalaynaya inay mudo kordhin ugu dhuftaan xukuumada, ma jecli inaan magacaabo ragaas laakiin dan baa odhanaysa in umada la tuso dadka la tuso dadka danta qarankan iyo aayaha qarankan haadaanta iyo bololaha  ku ridaya waxad maqlayseen oo warbaahinta na ku soo noq noqonayey xildhibaan ka tirsan golaha guurtida Somaliland oo la yidhaahdo xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho sidaa runtii ya cabdiqaadir rag ilmaadeer ah ayaanu nahay oo isku deegaan ka soo jeeda, xaalad colaadeed baa ka taagan bariga xaaladaas oo maanta ubaahan in wax laga qabto xukuumada maanta joogaana aanay siday ahayd uga qayb galin daminteeda waxa kale oo meesha yaala in golaha guurtidu ugurmado beelahaas walaalaha ah ee colaadu ku dhex marayso gobalka xaysimo ee magaalada Taleex.

 

 

Waa nasiib daro in Xildhibaan Cabdiqaadir isku qaado xaalad aan xaaladaas ahayn oo  uu ka hadlo oo mudo kordhin uu u olalaleeyo taasi oo aan sifo xalaal ah ku imanin inuu u kaambayn gareeyo waa arin nasiib daro ah waxan leeyahay cabdiqaadirow arintaas arin maanta kuu taala maahee waxa kuu taala  in tolkaa aad kala gaadho oo waajibaadkii laguu igmaday adeer gacaliye aad gudato , waxaanan umahad naqayaa warbaahinta Madax bananan ee hadh iyo habeen heegankka ugu jirta danta qaranka “ sidaas ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee Buuhoodle oo warbaahinta La hadlayey.