AABBO KABO II SOO IIBI . DHIBAATOOYINKA QAADKA .‏

0
42

Warsame ayaa waxa uu inantiisii yarayd ee Weris ku yidhi : Aabbo markaan mushahaarada qaato berito waxaan kuu soo iibinayaa taab qurux badan .

Weris : aabbo waxaan doonayaa inaad kabo qurux badan ii soo iibiso , kabo ma haystee .
Warsame : waayay aabbo kabo qurux badan ayaan kuu soo iibinayaa berito .
Weris : aabbo ma runbaad ii sheegaysaa ?
Warsame : haa aabbo ee i rumayso .
Weris: hooyo aabbo kabo qurux badan ayuu ii soo iibinayaa .
Hoouo Hodan : hooyo waa war fiican , aabahaa wuu ku jecel yahay .
Warsame markii uu mushahaaradii soo qaatay dukaan buu galay si uu inantiisii yarayd kabo ugu soo iibiyo , waxa dukaankii ka dabagalay SHAYDAAN iyo FIRCOON oo maanta oo dhan sugaayay oo ilaashanaayay oo ay berigii hore asxaab ahaayeen . Bilkastana maalinta uu mushaharka qaato ilaashada oo weliba ka il-helay  oo jab iyo hoog u gaysta
SHEYDAAN baa Wsarsame isasoo garab taagay , isaga oo ku leh : saaxiib maanta waxa soo dhacay kii la yidhi cuna ee ina keen inigaa weliba maanta qaadka kuu qaadaayee .
FIRCOON oo dhinaca kale ka taagan iyaa isaguna ku yidhi : maanta waa ciid oo kale , ee ina keen wixii aad doonaysona hadhaw u soo noqo .
Warsame wuu iska raacay saaxiibadiisii xumaa , qaad bay qaatay waxay la tageen guri ay horeba u yegi jireen , aad baa loogu soo dhaweeyay , hareeraha ayaa si macaan oo qosol iyo farxadi ku jirto looga fadhiistay , qaadkiibaa la dhameeyay , midkale ayuu Warsame diray . Markay fiidkii ahayd ee uu isyidhi Warsame xaggaa iyo gurigaagii qabo , labadii (SHAYDAAN +FIRCOON) waxay ku yidhaahdeen Warsame waar waa goor hore oo weli caruurihii baa soo jeedee , inakeen aynu iska yara jebinee , oo laba laba qabaw sii yara cabnee .
Warsame wuu kayeelay , kadibna halkii buu ku sakhraamay , wixii uu lacag jeebka ku watayna lagaga xaday , talo ayaa ku caddaatay isaga oo sakhraasan buu saqdii dhexe gurigii tegey .
Xaaskiisii baa sanqadhiisii iyo dhacdhiciisii ku soo kacday , waxay aragtay sida uu yahay , waxaanay ku tidhi : waxun allah ku bedye , ma waxaagii qudhunka lahaa baad caawana ku noqotay , Halkii bay waxoogaa isku qayliyeen isla uu leeyahay : naa naga aamus madaxaa i xanuunaayee , aan kaa seexdee iga aamus .
Inantii yarayd ee Weris ayaa qayladii ku soo kacday , markay aabeheed aragtay way ku faraxday waxaanay waydiisay : aabbo kabihii ma ii keentay ? dhaw jeer ayay kiu celcelisay , illayn Warsame dunidaba m,ajoogee inta uu inantiisii yarayd xaggaa u iixay ayuu ku yidhi : iga baydh kabona kuumaan keenina aankaa seexdee .
Inantii yarayd inta ay carartay meeshii mugdiga ahayd ayaa waxa mudday quraarad weyn oo cagtii laba ka kala dhigtay , halkii bay ku dhiig baxday .
Markii waagii baryay ayuu warsame inta uu gurigii sidii tuug oo kale uga baxay , ayuu suuqiisii qabtay , wixii inantiisii yarayd ku dhacayna muu ogayn .
Saqdii dhexe ayuu sidii caadadiisa ahayd soo noqday , markuu gurigiisii soo galay ayaa waxa uu arkay dumar badan oo jooga oo barooranaaya , waxa uu waydiiyay waxa dhacay , waxa loo sheegay in inantiisii yarayd ee Weris galabta la soo aasay , markii ay habeen hore quraaradi madday iyada oo kabo la’ , kadibna ay dhiig baxday , galabtan ay go’day , iminkana laga soo fadhiistay aaskeedii .
Warsame halkii buu calaacal iyo oohin la fadhiistay , laakiin maxay waxaasu u tari doonaan , isaga iyo balwadiisa ayaa u sabab ahayd in inantiisii yarayd geeriyooto .
Goor aan goor ahayn ayuu hanbaberay oo ku dhaartay inaanu dib danbaysa u cuni doonin qaad . khamri danbena weligay dib danbaysa afka u saari maayo .
Hadaba dhibaatooyinka qaadku waa qaar aan tiro lahay iyo aafooyinka iyo dhibaatooyinka ay ummadda soomaaliyeed ku hayaan , hadday naf tahay iyo haday maal tahayba .
Hadaba goormaa laga waantoobi doonaa oo layska dayn doonaa , ma marka ay dadka soomaaliyeed wada goblamaan ayaa leyska dayn doonaa .