“Waan Odhan Karaa Waxaanu Ahayn Aniga Iyo Axmed Siilaanyo Maskaxdii Abuurtay Xisbiga Kulmiye.” Wasiirka Duulista

0
105

Hargeysa(Waaheen)-Wasiirka duulista iyo gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi ayaa ku qeexay xidhiidhka uu la leeyahay madaxweyne Siilaanyo mid wakhtidheer soo jiray, isaga oo carabka ku dhuftay inay ahaayeen masaxdii aasaaska xisbiga Kulmiye.

Wasiirka duulistu waxa uu sidan ku sheegay su’aal ku jirtay waraysi ay Hadhwanaag la yeelatay oo dheer, su’aasha oo ahayd in wali uu ka mid yahay xubnaha ugu dhaw madaxweynaha, waxa uu kaga jawaabay wasiirku sidan”Waa run madaxweynaha wakhti dheer ayaanu siyaasada soo qadaqaadnay, xisbiga Kulmiye ka hor haday tahay wakhtigii halganka,markaan Burco maayarka ka ahaa, xiligii Boorama baarlamaanka lagu soo dhisayna waxaanu ahayn laba xildhibaan, is garasho iyo saaxiibtinimo dheer ayaanu lahayn, mana aha mid wasiirnimadan uun ku timi ee dadkii xisbigii kulmiye aas aasay ayaanu ahayn, waan odhan karaa waxaanu ahayn aniga iyo Axmed Siilaanyo maskaxdii abuurtay xisbiga kulmiye, waanu isku fiicanahay oo waa hogaamiyahaygii aniga hasayeesheesawiirada kalena wax aan odhan karo waan kaga dhawahay ma jirto, kuwo ay gadaal is barteen iyo kuwo ay aniga iska kay hor yaqaaneen iyo kuwo ay iska kay badiyaanba way ku jiraan golaha, waa odaygayagii giraantaas ku xeerana waanu nahay, waxaan odhan karo waan kaga dhawahayna ma jirto.”