War Deg Deg ah: 7 ka mid ah Shaqaalaha UN- oo ku dhintay Qarax ka dhacay Garoowe+ Sawiro

0
120

xaruntaUN-Garowe1Gaari ka mid ah kuwa UN-ka oo lagu xiray bambaano ayaa ku hor qarxay nawaaxiga xarunta UN-ka ee Garoowe, waxaana dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay shaqaale ka tirsan xarunta UN-ka.

Sida wararka ku helayno Dadka ku dhintay Qaraxan ayaa gaaraya ugu yaraan ilaa todobo qof oo  ka mid ah shaqaalaha UN-ka, shan ka mid ah ayaa sida la sheegay ah shaqaalaha Ajaaniibta, labada kalana waa Soomaali, Waxaa ku dhaawacmay dhaawacmay todobo shan Soomaali ah iyo Labo Ajaaniib ah.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa isla markiiba soo gaarey ciidamada amaanka ee Puntland kuwaas oo xirey  wadada qaraxa uu ka dhacay, iyagoo shacabka iyo giidiidka ka hor istaagay in ay maraan wadooyinka u dhow xarunta UN-ka oo ku taal dhanka Galbeed ee magaalada Garoowe.

 

Bus blast kills at least 7 UN staff in Somalia

Gaariga Qaraxa lagu rakibay ayaa ka mid ahaa baabuurta u shaqaysa xarunta UN-ka Garoowe, gaar ahaan hay’adda caruurta ee UNICEF.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal Axmed Cabdulaahi Samatar Layli oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in baaritaan ku wadaan qaraxan isagoo tilmaamay in qaraxan uu yahay mid ismiidaamin ka dib markii ay baaris ku sameeyeen ay ogaadeen in qofka mid dadka dhintay oo jirkiisu goo go’ay uu isku dhex qarxiyey gaariga, Layli wuxuu sheegay in xubnaha qofkan ay ciidamada hayaan mana uusan cadayn in uu ka mid ahaa shaqaalaha UN-ka qofkan isqarxiyey.

 

Layli wuxuu sheegay in ciidamada iyo hay’adaha amaanka ay baaritaan ku wadaan qaraxan iyo sida uu ku suurta galay dhawaana ay soo bandhigi doonaan natiijada baaritaankooda.

Waa qaraxii ugu horeeyey ee lala beegsado Qaramada Midoobay xaruntooda Puntland, waxaana bilihii lasoo dhaafay si weyn loo adkeeyey amaanka xarunta Qaramada Midoobay ee Garowe, walow aan la aqoon habka bambada loogu xiray gaarigan ay raaci jireen shaqaalaha UN-ta.