Akadamiyadda Nabadda Somaliland Oo Maanta Burco Ka Furaya Shir Kulminaya 300 Ergay

0
79

ACADEMIBurco (Waaheen) Akadamiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland, ayaa maanta ka furaaya Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer,  shir ballaadhan oo lagaga hadlaayo mushaakilaadka ka dhasha dhulka iyo ammaanka guud ahaan, shirkan oo muddo qaban qaabadiisu socotay, waxaa ka qayb qaadanaaya ergooyin gaadhaya 300- kuwaas oo isaga kala yimi dhammaan Gobolada, Saladiin iyo Cuqaal.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu marti qaadaayay, Badhasaabada Gobolada, Sanaag, Sool, Saaxil, Togdheer, sidoo kale waxaa shirka dhinaca Xukuumadda lagu casuumay, Wasiiro dhawr ah, oo ay kamid yihiin Wasiirka Warfaafinta Wacyigalinta iyo dhaqanka, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiiru Dawlaha Maaliyada iyo xubno kale.

iday ku soo waramayaan Wariyaasha Wargayska Somalilandtoday ee Gobolka Togdheer, ergada shirka ka qayb galaysa ayaa guud ahaan laga dareemaayay ilaa xalay Magaalada Burco.