HEL HILINKA GUUSHA Qaybtii 2aad Sirta Guusha

0
435

guushaNin layiraahdo Dr. Richard wuxuu yidhii, maalin ayaan Diyaarad saaraa, agtaydana waxaa fa- dhiday gabadh yar oo dhigata skoolka sare, kana soo jeeda qoys sabool ah. Waxayna aad u jeclayd inay wax ka badasho dhibka haysta qoyskeeda. Waxayna iwaydiisay sidee loo gaadhaa Guul?? Anna waxaan dareemay xanuun badan, maxaayeelay ma awoodin inaan siiyo jawaab sax ah oo tafa tiran. Waxaan go’aansaday in markaan Diyaaradii ka dago aan raadiyo dad gaadhay Guul iyo Horumar, si aan u  weydiiyo sidee loo gaadhaa Guul? 7sano kadib iyo 500, oo waraysi oon ka qaaday dad guulo sare gaadhay waxaa iisoo baxday in guul lagu gaaro arimahan soo socda:-

 

  1. Hilow; Hilowga loo hiloobo gaadhitaanka Guusha ayaa qofka ku qasba inuu shaqada qabto, oo uusan ka seexanin, ka dib dhicin. Dadka jecel inay Guul gaadhaana uma shaqeeyaan inay helaan lacag oo kali, ee waxay u dadaalaan inay shaqadooda ku raaxaystaan, kadibna waxay isla helaan Guul iyo Maal badan.

 

2. Shaqo; Guul oo dhan waxaa saldhig u ah, Shaqo loo maro dhib badan, wax bilaash iyo raaxo ku yimaadana maba jiraan, haday jiraana waa in kooban oon qiimo badan lahayn. Dadka Huromarka gaadhaa waxay qabtaan shaqo ay ku raaxaystaan, waqtigooda iyo naftoodana u huraan, waxayna u shaqeeyaan si qota dheer hagar la’aan ah.

 

3. Tababar iyo ku celcelin fara badan; si aad u noqoto guulayste, billaw shaqo fiican aadna u badi taba-barashada iyo ku celcelinta, oo inaad si dhib wax walba uga gun gaadho  ha sugin, ee ku talagal dadaal iyo taba-barsho dhab ah si aad shaqadaa mid siday tahay  uga soo baxa u  noqoto.

 

4. Hadafkaaga beegso; isagana ku seexo kuna soo kac, hana isku dayin inaad hal mar toban shay ka shaqayso, balse Hadafkaaga oo qudha indhaha ku hay habeen iyo maalin, soojeed iyo hurdo labadaba.

 

5. Cadaadinta nafta; naftaada ku cadaadi siday hore ugu socon lahayd markasta iyo meel kasta. Haka-shakiyin hana ka xishoonin hadafkaaga magac dhawgiisa iyo ku celcelintiisa. Naftaadana ha mahadinin, hubsana inaad wali gaadhay meeshii u saraysay, u qiimaha badnayd, markasta sii raadi meel ka saraysa meesha aad hada joogto.

6. Dadka u adeeg: u caawi cidhii kuu baahan ee aragto xataa hadii aan algu dalban balse ay kuu muuqato wax baylah ihi una qabo wax qiima leh, taasina waa jidka ugu gaaban ee Guul lagu gaadho. Kaligii noole ama dantii raadiye meel dheer magaadho, oo qofka naftiisa uun kafikiraya hadafkiisu aad buu ugaaban yahay. Qofka meel dhaw ku socdaana dhakhsuu daalaa, halka qofka meel dheer ku socdaa, daalka uuna xasuusanayninba.

 

7. Raadi Ra’yi cusub; hana sugin  wax hal jeer kugu soo daga oo Guul weyn kugaadhsiiya. Guushu waa fikrado yaryar oo laysku daray, laysku celceliyay, lakobciyay, oon laga daalin. xasuusnaw (dhibicda yar ee dhulak ugu dhacda si is daba joog ahi, God bay qodaa, lakiin Baaldi buuxa hadii haljeer dhulka lagu shubo god ma qodi karo).

 

8. Haka hadhin; dadaalkii aad soo waday, xataa haday kaa hortimaado guul darro, ama dadka maan-gaabka  ahi ku caayaan. Waxaad ogaataa inay guul darradu dhasho Guul qiimo badan, tahayna hordhicii guusha weyn, hadaad ka hadho se waxaad noqonaysaa qof cimrigiisii khasaariyay.

Tilmaamahaasi waa kuwa Guul iyo wanaag lagu gaadho, sida uu ninkaa aqoonta iyo khibrada dheer lihi u dhigay, waxaana haboon qofku inuu isagu is miisaamo meesha uu ka joogna tilmaamahaas. Balse si guud waxaan odhan karaa umada Somaliyeed waa Ummad lagu imtixaamay fudayd, dagdeg iyo dhakhso afka buuxso, Guul ordaysa dusha kaga dhac.

 

XALLINTA KHILAAFKA

Nolosha aadamuhu waxay soo martay marxalado kala duwan oo leh duruufo kala geddisan. Waxaa mar walba aadamuhu uu ku hawlanaa sidii uu uga bedbaadi lahaa waxyeellada dabeecadda, uuna u haqabtiri lahaa baahiyihiisa kala duwan. Dadku waxay leeyihiin baahiyo, dhaqanno, caqiidooyin, iwm kala nooc ah. Tanina waxay keenaysaa in dadku u kala fakaro, una kala dhaqmo siyaabo ku kala aaddan baahiyaha uu kala leeyahay iyo waxyaabaha uu kala rumaysan yahay.

Maadaama dadku ay u kala ordayaan xaqiijinta danahooda kala duwan, waxaa halkaas ka muuqanaya in ay kala leeyihiin yoolal kala duwan oo ku kala aaddan danaha kala geddisan. Tanina waxay keenaysaa loollan iyo iska soo horjeeda; waxaana sidaas ku dhasha

khilaaf.

Khilaafku waxa uu ahaa mid soo jirey ilaa iyo intii aadamigu jirey; waxaana la odhan karaa in uu yahay mid ku lamaan nolosheena oo aan marna laga waayi karin. Siyaabaha khilaafka loo arkayay iyo waxa laga aamminsanaa, waxay ahaayeen kuwo isla beddelaya aqoonta iyo ilbaxnimada dadka. Mar waxaa loo arkayay in uu yahay dumiye, ayna tahay in lala dagaalo oo gebi ahaanba la suuliyo; marna waxaa laga aamminsanaa in uu yahay mid aan la joojin karin oo mar walba imaanaya, loona baahan yahay in marka la arko horey laga xalliyo.

Waxaa ugu dambayn la soo gaadhay, in mararka qaarkood loo baahan yahay, in khilaafka (khilaaf-shaqo)

dhicitaankiisa la dhiirigeliyo. Waxaa jira qaabab loo adeegsado wax-ka-qabashada khilaafka oo ay ka mid yihiin; khilaaf-maarayn, khilaaf-xallin, iyo xiisad-dejin. Sidoo kale, waxaa jira wadiiqooyin loo maro wax ka qabashada khilaafka oo lagu magacaabo ‘xallinta khilaafka,’ ayna ka mid yihiin wada- xaajood, dhexdhexaadin iyo garqaadis.

Khilaaf si wax looga qabto, waxaa lagama-maarmaan ah in dhan loo derso jiritaankiisa, noociisa iyo heerka uu ku sugan yahay. Tanina waxay ina tusaysaa in natiijada khilaafku ay in badan ku xidhan tahay hadba khibradda iyo aqoonta lagu wajaho.

Sida ku xusan [Suurat Huud: 118], Ilaahay dadka kama uusan dhigin ummad mid ah, sidaas darteena aadanuhu ma noqdo khilaaf la’aan; taas oo ina tusaysa in khilaafku uu yahay mid aan aadanaha marna ka dhammaan ama laga dhex waayeen. Diinta Islaamku si aad u qeexan ayay u muujisay waxyeelada khilaafku keeno; iyada oo isla markaasna tilmaantay sida ugu habboon ee lagu xakamayn karo.

Hadaad aragto xaajo (gar) dhammaan weyda, ama wax ku jira ayaa laga saaray, ama

wax aan ku jirin ayaa la soo geliyey,”

Waa murti Soomaaliyeed oo ina tusaysa in xaajada la marin habaabiyo aysan midhodhal yeelan, taasina keento in ayna xallismin ee ay ahaato mid marba marka ka dambeeya sii murugta oo madax iyo minjo yeelan weyda. Waxaan shaki ku jirin in arrinta Soomaaliya la soo geliyey, welina la soo gelinayo waxyaabo aan ku jirin oo wax dhibaal mooyee aan marna waxtar u lahayn dalka iyo dadka midna. Aniga oo si weyn uga murugeysan mashaqada daba-dheeraatay ee inagu habsatay; waxaan aamminsanahay, in dhammaad la’aanta khilaafka Soomaaliya ay ka timid, sidii loo wajahay wax-ka-qabashadiisa oo aan ahayn mid si dhab ah ugu salaysan qaababka waxtarka ah ee la isticmaalo.

Haddaba, si aan bulshadeenna ugu iftiimiyo halka aynu ka habownay, isla markaana aan u qaadno toobiyaha ina geynaya halka aan ku hamiyeyno oo ah helitaanka ummad soomaaliyeed oo aduun waynaha ka dhex muuqata sumcad iyo sharafna ku dhex leh una tir-tirno mabaadii’da qaldan ee laynga aaminay in dhamaan soomaali tahay dad xun oo liita, waa inaa ugu horayn xallina dhamaan wixii khilaafyo dhexdeena yaal inagoo umaryna dariiqa ugu haboon ee wax loo xaliyo si aan uga midho dhalino hadafka ah dad jira oo la majiirto tixigalina ku dhex leh bulsha caalamaka.

 

Fahan dareenka laguu qabo

Sida aad dareen u leedahay marar badan kugu dhaqaajiya (Hagaya) inad go’aan cayiman qaadato amma aad ra’yi gaar ah dejiso, ayey qayrkaana ugu sugan tahay lahashadaasi oo kale, oo sidaad ugu hanweyn tahay inay dareenka kugu duugan u dhowraan ayey iyaguna u jecel yihiin inad lahashadooda ayey iyaguna u jecel yihiin inad lahashadooda ilaaliso. Waxa laga yaabaa inu ruuxu qaldamo, ha canaananin, maskax degan iyo samir u yeelo, ku dheh fiiri maxaan samayn lahaa haddaan halkaaga jog? Haddaad dariiqaa wax u waydiis qayb ayaad hanatay, qayb baana kuu hadhsan, si aad u ballaadhiso hanashadaadana waa inad hab la yaab leh u waxa udareensiisaa oo qofka laba dhanacba wax katusa, tan 1aad waa inuu ruuxi si dagani ku dheehantahay u dareemaa qaladkiisa tan 2aad waa inuu kaa dhaxlaa hoga tusaalayntan wanaagsan ee wax ku oolka ah si uu isna u sii gudbiyo.

Marka aad qof canaanato waxa aad jabisay qaybo idil oo hawlo ah oo uu kalsooni kuugu qaban lahaa. Waxad ku dhalisaa inu naftiisa go’aan u gaadhi waayo oo uu canaan darted ugu noqnoqdo. Waxaasi oo dhami waxay burburiyaan awooddii iyo kalsoonidii agtaada uu ka heley, Marka ay niyadaada ka soo baxdo inad qof wax u sheegto hoga-tusaalee, isaga oo cadhoonayana waxba ha ku odhan, waxad markaa demisay qalbigiisii karayey, Tusaale ahaan Islaan xanaaqsan oo kooxo badan wadata kugula soo dul dhacday oo ummadda dhamaantood kugu kicisay, Gar bay u yeelaty oo xoolo ayey kugu leedahay,  Laakiin in kastoo aad arkayso inaanay dhabbo sax ah ku socon  waxa habboon in aanad la qaylin oo aad dejiso, dhegeyso intay hadlayso oo idil, marna hadalka ha ka dhex gelin, fadhiisi oo markay wax kasta dhammayso u shub sharaab kana cudur daaro lugooyada aad u geysatay, oo waxay rabtayna sii, amma hadal macaan oo qanciya ku sagooti, Markaad dariiqaa marto waxad ilaalisay dareenkeega iyo kii qofkan kale ee nafsiyadeed.

Adiga oon awood u adeegsanin dad qalalase  wada difaacooga, ayaad ka badbaadin kartaa inay falkaasi ku kacaan, Ku cibaaro qaado tusaalahani nin ayaa Isagoo tamashlaynaya kayn dhexdeed ayuu arkay qaybo keynta ah oo gubanaysa, Ma awoodayn inu bakhtiiyo geedaha ku macaan daawashada, May ahayn qaar uu sigaar nin caajis ahi ku tuuray u gubanay Laakiin carruur ayaa dabka shidday iyagoo rabay inay cunto ku karsadaan waxanay illaaween inay bakhtiiyaan…. Maalin kale ayuu arkay ubadkii oo dab shidaya Markaasuu dareemay khasaraha ka iman kara Wuuxu u rooray xaggii askarigii kaynta ilaalinayey, Wuxu u hadlayey sidii nin uga dedaal badan ilaalad kaynta, Intuu si la yaable indhaha uga tafiyey ayuu ku yidhi askarigii “Maxaa kugu kellifay inad ka mid noqoto kooxda ilaalada danta guud” kaddib wuxu u dhaqaaqay dhankii carruurta, intuu u muusooday (dhoolla caddeeyey) ayuu ku yidhi “aah…… eega carruureey maxaad cunto karsateen………… dabkiinaa wanaagsan…….sidaasi oo kale ayey u karsan jireen aabbayaasheenii hore. Waxaanan filayaa inad ku faraxsan tihiin, laakiin nasiib xumo badhkood ayaan ilaalin jirin maslaxadda guud, Bal eega iyagu kuma dhiirradaan inay dabka demiyaan markay ku adeegtaan. Olol ayaa kordha, markaasay geeduhu sidani oo kale u gbtaan.Miyeydaan arkayn inay geedo qurux badan yihiin, oo ilaalo u baahan. Farxad baa ka iftay wejiyadii carruurta oo waxay uga mahadiyeen naxariistiisa iyagoo mahadiyey naxariistiisa cuntadiina badh ayaabay siiyeen. Taasi waxa ka muhiimsan inay ballan qaadeen inay bakhtiiyaan dabka markay xaajadooda ku dhammaystaan.

Sidaasi ayuu askarigu ugu gaadhay u jeedadiisii hab ka fiican kii hore.

Taasi kumay imanin waxaan ahayn inu fahmay hanashada qalbiyada carruurta, markaasuu uga sheekeey wuxuu rabay haddii uu amar ku bixiyo waxa laga yaabaa inay oog dab ah ka shidaan goob ka fog indhaha askariga intaasi oo dhanna abaal uga dhigaan xad gudubka loo geystay.

Fahamka hanashada dadku waxay ku dhaxalsiisaa saaxiibo badan, abaal marin suuban, iyo khasaaraha ood yarayso.

Sidey dadku kuu caawin karaan?

Dabeecadda aadamiga waxa ka mid ah inu isku sharfo ra’yigiisa, oo uu ku dhiirranaado fikraddiisa gaarka ah. Maadaama oo ay dabeecaddaasi ku xidhiidhsan tahay dadka maxaad isugu deyi weyday inad ra’yiga qayrkaa u deyso? Daa ha fikiro e’ ilaa uu go’aan gaadhayo Waxa keliya oo kugu waajib ah inad uga waranto kalsoonidiisa adigoo ugu caddaynaya aragtidaada guud.

Mulkiile lahaa wershad ay shaqaale badani ka hawl galaan ayaa maalintii Ilaahay soorogaba lagu soo celin jiray alaabtuu sameeyo oo aan tayo fiican lahayn, Sidee wax u jiraan? Waxa dhab noqotay inay xamaasadi ka maqnayd shaqada, sidaasi ayuu mulkiiluhu u go’aansaday inu shaqaalihiisa la kulmo, Inta uu si saaxiibtinimo leh oo degan uga dalbay waxay ka rabaan inay sheegtaan, ayuu dabeeto ka cudurdaartay sidii aanu u dareensanayn waxani ay ka cabanayaan shaqaalihiisu, Markay u bandhigeen dalabkoogii ayuu ku yidhi “waxan anigu idiin ogolahay wax kasta oo aad iga dalabtaan laakiin mudanayaal, miyaanay waajib idinku ahayn inad ballan qaadkaasi la kulantaan? Beddelkeega I siiya idinkuna oo ah in aad ballan qaadaan in aanu ruuxna naaqusin amma dhimin ballan qaadkiisa, waad ogtihiin, haddaba maxaad rabtaan inad iigu abaal guddaan?”.

Halkaasi ayey xamaasaddii shaqaaluhu heer sare u gaadhay, Way u jawaabeen, oo waxay u arkeen qof qiimo leh oo ay habboon tahay in isaga oo kale lala kulmo waxay goosteen daacadnimo ay ku dhaqmaan, is dhex gal wanaagsan, is gargaarsi midho dhal leh iyo siddeed saacadood oo ay sideeda u shaqeeyaan, Waxaanay gebogebadii noqotay in alaabtii la soo celin jiray dalab yeelato. Hantida shaqaalaha ku baxaysayna waxa saddex jeer ka badatay tani ay iyagu soo saarayaan.

Kaasi waa tusaale dhaqaale iyo ku xidhan caawimaad dano adduun ku xidhan e’ bal eeg tusaalahan aynu ka soo qaadanayno barihii ummada ugu sharafta badnaa, ugu caddaallada badna, aqoonta banaa, ee Ilaahay xikmadda ku mannaystay dunidanina u keenay oo keliya in uu Aadmahani ka badbaadiyo dab iyo naar kulul oo ciqaabteedu qiyaamaha taallo, kaaga darane qof kastaana dul marayo dhabarkeega. Waa Nebi Muxamed, Naxariis Iyo Nabad gelyo Korkiisa Ha ahaato e’ markii Maka la furtay, ayaa haddana waxa duulimaad lagu qaaday meel u dhow, dagaalkii ayaa lagu jebiyey gaaladii gardarrada u diriraysay, waxana laga qabsaday xoolo faro badan, Nebigu (NNKHA) wuxu u qaybihii ugu badnaa siiyey raggii dhowaanta ku soo biiray diinta, qolooyinkii kale ee u gargaaray ee Ansaari way ka cadhoodeedn, sheekadii markii ay Nebiga gaadhay ayuu isugu yeedhay Ansaar sooc ah si uu u waydiiyo, run ayey noqotay, wuxu ku yidhi ma ogtahay “….ka warrama haddii ay dadka oo dhami la tagaan xoolaha, oo aad idinkuna noqotaan isagoo uu Nebigii Idinla socdo?” Ilmo kulul ayaa indhohooga ka soo qubatay.

Haddii aad doonto caawimada amma dad gargaarsiga, waxa qurux badan inad dareensiiso ruuxa kale inay fikraddu tiisa tahay. Ruuxa garaadka lihi markuu doono inu dadka laabta u dhigo wuxu noqdaa mid iyaga danaynaya.

Caawimada la bixiyaa waa saddex qaybood oo keliya, Fikrad, Xoog, iyo maal, talada ayaa ah midda ugu qiimo badan oo  shay kastana hoggaamisa. Tusaale ahaan waxad rabtaa inay dadku muruq iyo maalba kula garab joogsadaan, Ma qumana inad si qayaxan u su’aasho waxa aad rabto, marka hore isku day in aad ogaato fikradda ay qorshahaaga ka qabaan oo u sheeg inad talo uun u socoto,

adiga oo ku ammaanaya caqli suubanaantooda, waayo aragnimadooda, iyo weliba aqoontooda sare. Adiga  oo taladaa wata ha muquunin e’ u daa ilaa ay go’aanka gaadhayaan oo ka dhursug iyagaa talo iyo taageeroba bixinaya, markay kula fahmaane. Qaado dhacdadan runta ah, waa wiil dhaliinyaro ah iyo koor ay wax kawad baran jireen jaamacad ku taal dalka Jabuuti wuxuu leeyahay [Waxan ahaa arday wax ka barta Magaallada Djabuuti, dhinaca kalena ka mid ahaa urur dhallinyaro, maalin ayaa la damcay in olole nadaafadeed la qaado. Ka hor intaan hawshii la gudo gelin ayaa lagu dhaqaaqay halkii taageero laga heli lahaa; waxa la noo diray Diktoor arrimaha nadaafadda qaabilsanaa.Wuxu hayey baabuur kaneecada buufiya iyo suntii kaneecada labadaba. Soo dhoweyn diirran ka dib, ayaanu ka codsanay in uu talo na siiyo intaanaan waydiisanin waxaanu rabnay. Wuu bilaabay, waxannu dhegta wadhnaba waraaqo ayaanu la soo baxnay si aanu ugu sadarno eryada dhaxal galka ah, waaba Dr kii oo bilaabay dardar cusub oo talo kasta oo ay maskaxdiisu maaxatoba soo saaraya. Markuu noo gebogabeeyey ayannu waydiinay bal inu talo naga siiyo halkii aannu alaab ka heli lahayn. Maanu odhan adigu keen ee talo uun bay ahayd, ma ogtahay waxa dhacay, si degdeg ah ayey afkiisa uga soo baxday inu baabuur, rag, iyo laba kartoon oo suntii ah noogu deeqi doono. Miyaanu weydiisanay, keliya waxanu u muujinay sida aanu hawsha ugu han weynahay iyo sida aanu isaga waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa ugu baahan nahay. Sidaasi ayaanu ku helnay alaabtii aanu gocanaynay ee ay hawshu ku fulaysay.

Qofka talo weydii oo ururso waayo aragnimada aadamuhu iska dhaxlayo, duniduna inta aad jirtay uun may jirin, maankaaguna ma koobi karo waxa dhacaya ee talo ku noolow, horaa loo tidhi talada adaa ku noole iyadu kuma noola.

Maxay dadku rabaan?

Inkasta oo ay dadku madax adkaadaan, qalbi-dhadhaab ahaadaan, ama aaney hadlba, dabeecadooda aadminimo ayaa ah ta ugu dambeynta madoobaysa, way tamar yar yihiin, inaad u debecsanaato ayey kaa tilayaan, hadaad qof kuu sheekeynaya tidhaa “marabo inan ku canaanto waayo aniguba waxaad samaysaan uun baan  sameyn laha haddaan halkaaga joogo” taasi waxey dhalisa inaad ruuxa dhankaaga u soo jiido oo aad ka saarto cadhaduu kuu qabey iyo muuqaalkiisii xumaa ee idinka dhexeeyey waxaadna meesha kasaartay fahamkii khaldaKHaa iyo khilaafkii.

Xusuusnow falalkii ay Carilin iyo qayrkii ku kacayeen ee aynu hore uga soo hadalnay, Tusaalayso dabeecadii hadhaysay, mawqufkii ay soo mareen.Miyaanad ka filaynin inay u dhaqmaan habkay soo mareen? Naftaada dhig mid ka mid ah meeshiisa, Ma filaysaa inay noloshaadu ka duwaato tii ay soo mareen? Waxaa dhab ah inaad tidhaa “Laakiin waan ka sharaf badanahay qayrkay” ma xaqijinaysaa in aanad sharafayn qofna, miyaanad ogeyn inad bini’aadmi tahay oo aanad halaq madow ahayn, Maadaama oo ay aabbayaashaa bini’aamdi ahaayeen? Maya weeye warcelintu……… waxaad qayrkaa kaga sharfoon tahay ma mirto. Ninka isagoo cadhoonaya cay kuula badheedhaa kaama mutaysto in aad canaanato inta aad u debcsanaanayso maxaa yeelay, isagu dhiciisa ma sharfana marka uu xaaladaa  ku sugan yahay, Debecsanaan iyo naxariis ku asqee, wuxuu u ooman yahay inad qadarisee ha kala bakhaylin, waa wuxuu kaa rabo ee aad adiguna qayrkaa ka naawisho e’ .

Dadnimadaada, sumcadaada, wax tarkaaga, waxay ku xidhan tahay hadba sida aad aadamaha ula dhaqanto ee kuma xidhna aqoontaada, ka warran adigoo aanay jirin cid kaa aqoon badan dunidani, laakiin aanad lahayn qaabkii suubanaa ee dadka loola dhaqmayey, Intee in leeg ayaa dadku ku xiisaynayaan? Kolley waa muddo kooban dabadeedna cidlo ayaad ku dhici doontaa.

 

Sidee baad u noqon kartaa qof la jecel yahay?

Bini’aadamku sidiisaba wuxuu jecelyahay inuu cilaaqaad yeesho, saaxiibbana sameysto, dhaqanka fayoobina wuu ka soo horjeedaa gooni daaqnimada iyo keli socoshada, hadaba xidhiidhka dadka ka dhexeeya kuma dhisna mid dhiig oo qudha ah, Balse waxa jira xidhiidh xaga fikirka ah, xidhiidh saaxibtinimo, xidhidh shaqo, xidhiidh mabda’, xidhiidh ganacsi i.w.m. Qaabka dadka loola dhaqmaana waa xirfad aan in badani aqoon u lahayn ama aanay ku wanaagsaneyn. Tusaale ahaan in badan waxaa dhacda in kelmad ka soo baxday afkaaga oo aad ku weyday asxaab badan, waa kii ninkii abwaanka ahaa lahaa (Gurac hadalka haw odhan hadal aaanu kaa gayin haku waayin ruux goba) sidaa daraadeed waxaa haboon in qofku ku jiro feejignaan joogto ah  marka uu dadka la macaamilaayo, Maqaalkan waxaynu ku soo qaadaneynaa fanka ama asluubta ay haboontahay in dadka lagula macaamilo,si ay u suurto gasho Inaad hesho ama kasbato dad badan oo ku jecel. ka aqbal cudur daarka qofka kuu cudur daarta, waayo qafka kuu cudur darta oo aad ka aqbashaa waa sifo ay leeyihiin dadka wanaagsani, gaar ahaan marka qofka kaa doonaya cudur daarku uu ergo kuugu soo dirsado dad ehulu sharaf ah Iska saar muraayada madow ee shaydaanku kuu xidhay,  dadka qaar ka mida ayaan arag wanaaga KHo xumaanta oo keliya ay u muuqataa, tusaale ahaan Rasuulka (NNKHA) wuxuu ugu bushaareeyey oo tusay Cudeyi Biin Xaatim asxaabi la odhan jiray mustaqbal wanaagsan oo u soo socda diinta islaamka isagoo ka saaraayey muraayad madow oo uu ka xidhnaa diinta islaamaka wuxuuna ku yidhi “Cudeyow waxaa dhici karta in aad diinta islaamku ku diiday baahida ka muuqata muslimiinta, Allah ayaan ku dhaartee waxaa soo dhow xilli xooluhu ay ku soo burqadaan muslimiinta ilaa la waayo cid qaadata, waxaa dhici karta in aad ku diiday diinta islamaaka cadaw badan oo ay leedahay, Allah ayaan ku dhaartee waxaa soo dhow wakhti gabadhu ka soo safarto qaadisiya oo ay timado xaramka iyadoon cabsaneyn…… ilaa uu soo islaamay Cudeyi bin xaatim. hadaba waxaa wanaagsan inaad iska saarto muraayada madow oo wanaaga dadku kuu muuqdo ee aadan eegin xumaantooda oo qudha. Waxaa dhici karta in inta aad la macaamileyso dadka aad argot mid ku khiyaameeya,ama ku dhibaateeya sidaa daraadeed waxaa wanaagsan inaad marxaladan kaga baxdo maskax badni iyo ka fiirsasho hadii kale waxaad ka dhaceysa muran, bal eeg tusaalahan oo ku tusinaya maskaxda alle ku siiyey oo laga faa’iideysto muhiimada ay leedahay, wiil yar ayaa la kulmay nin gabayaa ah oo caan ahaa oo la odhan jiray Abu calaa, inankii yaraa wuxuu ku yidhi gabayaagii kumaad tahay? gabayaagii wuxuu ku jawaabay waxan ahay gabayaagiinii caanak ahaa ee Abu-calaa, inankii yaraa wuxuu ku yidhi gabayaagii ma waxaad tahay ninkii ku yidhi gabeygiisa *hadii aan ugu danbeyn lahaa samankeyga,waxaan la iman lahaa wax aanay la iman dadkii iga horeeyey*. Gabayaagii wuxuu yidhi haa, wiilkii yaraa wuxuu ku celiyey adeerow dadkii hore 28 xaraf bay u dejiyeen hingaadda bal adigu ku dar hal xaraf, gabayaagii wuu aamusay waanay ku adkaatay inuu ka ka warceliyo waydiintii wiilka yar, waxaa kaloo la sheegaa in nin u yimid inan yar oo maskax fiican wuxuuna ku yidhi:- Alle maxaa ka horeeya? Wiilkii wuxuu yidhi si aan kaaga warceliyo waydiintaada tiri kow ilaa toban (1-10), ninkii markii uu tiradi bilaabay ayuu inankii yaraa yidhi adeer kow maxaa ka horeeya ninkii warcelintii way ku adkaatay, dabadeed kii yaraa wuxuu yidhi hadaba sida aan kow waxba uga horeyn ayaan alle waxba ugu horeyn waxbana ugu danbeyn, guud ahaan waxaynu ka fahmeynaa tusaalayaashan quruxda ay leedahay maskxada alle ku siiyey oo laga faa’iideysto, hadaba marka aad dadka kala kulanto arrimo aadan ka filaneyn adeegso masxkada wanaagsan.

 

W/Q:  Axmed Ismaaciil Axmed “Gashanle”

ahmedgashanle@gmail.com