Hadimooyinka Tahriibka W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
82

Qaybaha Hadimooyinka

Tahriibku waa socdaal dheer oo dhib weyn wata, qofka tahriibiyaa wuxuu la kulmaa harraa, gaajo saamalayl, guurayn, daal, diif iyo fara-xumaynt intab badan dumarka ah, marmarna ragga ah iyo jidh-dil. Dhibta tahriibku kuma koobna shakhsi tahriibay oo keliya, balse waxay taabataa qofka, qoyska ilaa qaranka. Guud ahaan qaybaha Hadimooyink tahriibka waxaynu u qaybi doonaa saddex qaybood, oo kala ah:

ü  Hadimo Nafeed

ü  Hadimo Qoys

ü  Hadimo Qaran

 

Hadimo Nafeed:

  • qofka bini’aadamka ahi, waa shayga ugu qaalisan adduunka guudkiisa, haddii uu ka dhinto qoyskiisa marna suurtogal maaha inay soo ceshadaan qofkii dhintay, waxa kasta oo ay sameeyaan. Ha noqoto hanti ama awood kale oo ay leeyihiin. Dhimashadu waa xaq qof kasta oo dunida guudkeeda jooga saaran, goortay doonto ha ahaatee. Waa arrin murugo weyn leh inuu qofka tahriibayaa naftiisa ku biimeeyo inuu irsiq ku helayo haddii uu sidaasi yeelo. Risiqa Alle kuu qoray meelna kuguma seegayo, addunka ka tegimeysid ilaa aad cuntid risiqii Alle (SWC) kuu qoray.

 

  • Dadka waxa lagu rarayaa baabuur sida xoolaha loo raseeyey, oo dusha sare ay ka ilaalinayaan niman naxariis darini (Xaraasiin), qofkii madaxa dhaqaajiya garaac ku bilaaba

 

  • Dad fara badan oo lagu guro koontiinaro oo laga ilaaliyo meel ay ka qaataan neefta, laguna dhaafiyo xuduudaha ay askartu joogto. Qaarkood koontiinarka dhexdiisa ku dhintaan.
  • Gaadhi xamuul ah oo sida raashin oo dad laga saaro xaga sare laguna raseeyo, ka dibna shiraaq lagu xidho, oo qofku aanu meelna u ruqaansan Karin. Qaarkood naqaska ayaa ku dhiga amma way curyaamaan. In badan baabuurka ayaa la qalibma oo raashin iyo alaabooyinka kale ayaa laaya.
  • Gaadhigii siday raashinka ee la soo raseeyey ayaa saxaha ku banjara amma mashiinku ka xumaado. Ka dib ay isku dayaan inay saxaraha lugeeyaan halkaasina kolba mid ugu dhintaan harraad iyo gaajo. Marka dambena meydadkooda waxa aasasa dabaylaha saxaraha ee siigada wata. qaarkood kaadidooda ayey cabbaan, halka qaarkoodna kaadidooda ku qooyaan ciida oo raashin ahaan u cunaan.
  • Dadka qaarkii waxa lagu xidhaa xabsiyada dalalka ya sii dhexmarayaan, halkaasina waa lagu iloobaa. Haddii ay ku dhexdhintaan si yar oo fudud ayaa meydadkooda loo soo saaraa, waxaana si hoose looga iibiyaa dhakhtarada si loogala baxo xubnaha mihiimka ah ee jidhkiisa.

 

  • Dhibta u gaarka ah dumarku way badan tahay. Hablaha soomaalida ahi way ka qurux badan yihiin dumarka dalalka timo-adagtu ku dhaqan tahay, taasina waxay soo jiidataa ragga madow ee ma-gafayaasha ah amma askarta ilaalisa xuduudaha dalalkoooda. Mar kasta oo ay qabsadeaan hablaha soomaalida markaba waxay ku bilaabaan kufsi iyo faraxumayn joogto ah. Weliba way sii kala daran yihiin waxa ugu sii daran kuwa cawaanka ah ee ku nool meelaha ka baxasan magaalooyinka, kuwaasi oo hablaha ku xidha xero, markaasay lugaha ka xidhaan, markay u galmoonayaan bay ka furan, ka dibna way xidhaan. Halkaasina waxay kaga dhalaan carruur qurux badan oo aanay weligood dhalin.

 

  • Ragga soomaalida ah ee la socda hablaha soomaalida, iyaga laftooda kama madhna inay hablaha kula kacaan fara xumayn. Inta badan waxay ka faa’idaystaan baahiyaha gabadha haysta, taasi bedelkeedana waxay ka fushaan galmo dani keentay.
  • Markay Liibiya gaadhaan waxa muddho yar ka dib la raacaa doon ka samaysan bac amma loox. Waxaana lagu raraa dad tiro dhaafay oo dusha sare ay ka ilaalinayaan kooxihii doonta soo raray oo qofkii dhinac u durka madaxa ka garaacaya. Markay doonta marayso baddweynta ayuu culaysku ka bataa markaa bacdii amma looxii ayaa qarxaya amma kala data, halkaasina intooda badani way ku qudh-baxaan

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

 

la soco………………………