Xisbig Kumiye oo ardaydii dugsiyada Iyo Jamacadaha kuqasbay inay Soo dhaweeyaan waftiga Kulmiye ee ololaha sharci darada kawada gobalada bariga W.Q Kaotanka

0
72

Xisbiga kulmiye ayaa maanta wax lagu qoslo oo maadays u eg kasameeyey magaalada Barbara. Kadib markii ay caruurtii dugsiyada sare ee markii Muuse Biixi lagu soo dhawaynayay Gobalka Saaxil qasabka dugsiyadoodii iyo jamacadihii lagaga soo saaray sifo ay usoo dhaweeyaan waftiga xisbiga Kulmiye oo ka faa.idaysanaya Awooda dowlada iyagoo amar uu ku siiyey gudoomiyaha gobalka Fahmi Bidaar dhamaan macalimiinta dugsiyada sare inay fasaxaan ardayda isla markaana lasoo dhaweeyo Muuse Biixi iyo waftigiisa.

Kadaroo dibi dhale maantana waxay keeneen sheeko cusub iyagoo isla ardaydii dugsiyada sare iyo jamacadaha ku qasbay inay lacag qaataan calaa arday iyagoo usheegay inay sifo waji kuma caasha ay ardaydu yidhaahdaan waxaanu kasoo baxnay Xisbiga UCID. Waxaanu ku biiray Kulmiye.

Hadii aad been sheegayso been run u eg  ayaa lasheegaa waayo ardaydii oo xataa balcadii dugsiga wadata ayay soo ururiyeen waxanay ku qasbeen inay been sheegaan caruurtu iyagoo ka faa,idaysanaya. Baahida caruurta ardayda ah isla markaana ka mashquulinaya waxbarashadooda.

Ugu danbayntii waxaan ugu baaqayaa xumuumada kulmiye inay ka daayaan caruurta lacagta lagu barayo balwada ee iyagoo dugsiyada ku jira aad leedihiin kaalaya qaadkan iyo lacagtan qaatoo Kulmiyanu ku biiray noo dhaha waxaasi wa ,waxa ay caruurteenii balwada kuwada barteen iyagoo ardaya.

Balwadan oo hadhawna caruurta ku kalifi doona inay dadka baadhaan. Waqtiyadii Kulmiye mucaaridka ahaana waxa uu ahaa xisbigii ugu horeeyee ardayda qaadka usoo qaadi jiray si loogu codeeyo arintan oo imika caanba wadankii ka noqotay. Utudha ubadkoo shaqo ayay ubaahanyihiin kuwii jaamacadaha ka baxaye oo wada bila camalee ardaydu shaqo ayay ubaahanyihiin ee wax balwad bara uma baahna.

Allaah Mahadleh
Abdiqani Ibrahim Salaf Kaptanka