Wefti uu Wasiirka Madaxtooyadu Hogaaminayo oo Boorama Gaadhay.

0
119

wasiir-xirsiBoorama(Waaheen)-Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali ayaa saaka Soo gaadhay Magaalada Boorama,Waftigan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarashada Somaliland Prof Faarax Geedoole Iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cumar Yare ayaa u sii dhaafay Degaanka Xeego Ee Degmada Baki halkaas oo uu xadhiga lagaga jarayay Waddo Carro tuul ah oo mudooyinkii u danbaysay ka socotay,Sidoo kalena dhagax dhigayay Mashaariic dhinaca Waxbarashada iyo Caafimaadka Ah.

 

Waftigan Wasiir Xirsi ayaa la filayaa marka ay ku soo laabtaan Boorama qaybin doono gaadiid casri ah oo loogu talogalay dadka curyaamiinta ah oo mudooyinkii u danbeeyay la filayay in uu wasiirku qaybiyo.