Taliyihii Guutada 93 aad ee ciidanka qaranka ee Ceerigaabo oo la Dilay

0
99

Ceerigaabo(Waaheen) Taliyihii Ciidanka Qaranka Guutadda 93 aad laba Xidigle Baashe Cali ayaa goor dhaweyd lagu Dilay magaaladda Ceerigaabo.

bbreeaSarkaal ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ayaa sheegay in Taliyaha uu Dilay Askari ka tirsan Guutadda oo hogaamin jiray.

Lama oga sababta keentay in Askarigu Toogto Sarkaalkii maamuli jiray, hase yeeshee waxa ku soo badanaya dhacdooyin noocan oo kale ah.

Wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya Dilka Taliyaha ayaa sheegaya in ay ka dhalatay Mushaharkiisii oo la cunay.

Warar dheeraad ah ayaa sheegaya Rasaastu inay ku socotay sarkaalka u qaabilsan lacagta, hase yeeshee ay haleeshay Taliyaha dhintay.