Sheekadii seddexdii dibi iyo libaaxii

0
123

DSC02469seddex dibi oo kala ahaa dibi cad, mid cas, ama guduudan  iyo mid madaw waxaanay ku noolaayeen  meel kayn ah  waxa ay keyntoodan daaqaanba maalin maal maha kamida ayaa  waxa uyimi libaax  aar ah  oo saxiib la noqday  seddexdii dibi waxay ku tashadeen in ay cidlada iska  weheshadaan maalin kadib ayaa dibigii cadaa oo daaq ku maqan libaaxii la hadlay labdii kale waxaanu yidhi waxaan rabaa in aan kawada hadalno arin inoo gaar  Iyana waxay yidhaahdeen waan kawada hadli karnaa ee soo wad, wuxuuna  yidhi meesha aan joognaa waa kayn cidlo ah waxaana loobaahan yahay in aan feejignaano dibiga cadna midabkiisa ayaa lagu soo raacaa markaa aan iska erino, waxaynay labadii kale yidhaahdeen walibana aad ayuu udhalalaalayaa ee aan hore iskaga erino.

Hadaba dibigii  cadaa ayaa la eryay maalin kadibna libaxii ayaa cidlo kahelay oo cunay , muddo kadib ayaa libaaxii la faqay dibigii guduudnaa/ casaa  wuxuuna yidhi waar dibigan madaw maalintii ayuu dhalaalayaa ee aan iska erino waxanu yidhi waa runtaa walibana aad ayuuu udhalaalayaa ee aan iska erino, hadaba sidii dibigii cadaa loo eryay ayaa kii modaabaana loo eryay kadibna libaaxii ayaa cidlo kahelay oo cunay , hadba maxaa soo hadhay? Waxaa soo hadhay dibigii guduudnaa /casaa hada maxaa ku dhacay dibigii guduudnaa ee quruxda badnaa? libaaxii ayaa isna cunay .

markasuu yidhi manta maan dhimane waxaan dhintay malintii  la cunay dibigii cadaa.

Sheekadani waxay inoo muujinaysaa in ay gacmo wadajir wax kugooyaan, iskaashiguna uu wanaagsan yahay markaas waxaa loo baahn yahay in lays kaashado oo gacmaha lays qabsado si wax loo wada qabsado horumarna loo gaadho aduun iyo aakhiraba.

 

Qore :- mukhtar hassan ( cudad)

 

Email: cudad40@hotmail.com