Ma dhab baa in Qisaastii la balan-qaaday la hakiyey?

0
77

 

xukunkiiHargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa si is-daba joog ah u iclaamisay inay fuinayso qisaasta kiisaska dariiqooda sharci ka dhamaadeen hay’adaha Cadaaladda, hase yeeshee waxa soo baxaya tibaaxo sheegaya in carqalado kala duwani ku kaceen qorshahaasi, kadib markii ay xukuumaddu dhaqdhaqaajisay dhawr Dil oo ay ugu talo-gashay inay fuliso.

Inkasta oo wararka qaarkood sheegayaan inay wali xukuumaddu nidaaminayso sidii ay u kala horaysan lahayd Dilalka khatarta ah, hadana waxa muuqda inay arrintaasi gaabis gashay maalmihii ugu danbeeyey.

Ma cada sababaha abuuray gaabiska hase yeeshee waxa taagan doodo kala duwan oo qaarkood yihiin kuwo dibadeed oo ay Hay’addaha Ajanabiga ahi dabada ka riixayaan, halka kuwo gudaha ahina saamayn kale ku soo kordhiyeen gaar ahaan dilalka qisaasta ah oo farabatay, isla markaana qof kastaa doonayo in kiisa laga dhigo ka loogu hor fuliyo.

Laamaha Cadaaladda iyo Amniga ee ay fulinta kiisaskan qisaasta ahi khuseeyaan ayaa iyaga laftigooda lagu soo waramayaa inay talooyin kala duwan oo hoos u dhigay xawaarihii ay arrintanu ku socotay, kadib markii dariiqa loo maro fulinta Dacwadaha dhamaadaa fursad uga heleen ku lug lahaanshaha go’aan qaashashada arrintan.

Fulin la’aanta Dilalka qisaasta ah ayaa Somaliland ku keenay inay bataan Dilalku kuwaas oo saameeyey shicib iyo Ciidanba, waxaanu culaysku si xoogaystay markii ay badatay Dilalka Ciidanku u gaystaan dadweynaha gaar ahaan kuwo saamayn ku lahaa bulshada.

Sidoo kale, Dilalka Ciidanka dhexdiisa ayaa isna kor u kacay kaasoo walaac weyn ku abuuray bulshada iyo Qarankaba kadib markii la dareemay halista ka iman karta haddii aan dhakhso wax looga qaban.

Si kasta ha ahaatee waxa looga baahan yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Hay’adaha ku shaqada leh fulinta go’aamada miiska saaran inay muujiyaan go’aan qaadasho adag.