“ Waanu Mahadinaynaa Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Waayo Iyada Horteed Cadaalad Iyo Horumar Laam Aqoon”‏ by Haashi Abdi

0
26

Runta inaad sheegto waxaa ku jirta gobanimadaada ciduu doonana ha ahaatee qofka wanaaga sameeya waa la sheegaa oo laaga mahad celiyaa waliba lagu abaal mariyaa, waxaan uga goleeyahay xukuumadan maanta uu majaraha u hayo Mujaahid Madaxweyne Siilaanyo waanu ku  amaanaynaa waanu ku mahadinaynaa oo waanu ku dooranaynaa markale  horumarka iyo waxqabadka muga weyn ay samaysay.

Cidii istidhaahda qari iftiinka cadceeda iyo dayaxa iyuun baa ku daasha , waxqabadka iyo horumarka xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Aadan  sidaas oo kale ayuu ka dhigan yahay qofkasta oo muwaadina muxaafid iyo mucaarid midkuu doono ha ahaatee  ku eega indha fayow oo caafimaad qaba marnaba ma dafiri karo  ilayska waxqabadka iyo guusha xukuumada maanta.

Dalkeena  waxaa  hore  usoo maray Dawlado  kal danbeeyey  kuwii hore waxba ku noqon maayee, waxaynu ogayn Xukuumadii riyaale in shaqalaha dawlada iyo guud ahaan ciimada  kala duwan ee qaranka aanay mushahar ku filan qaadin jirin iska daa meel wax laga qabtee , halka markii danbena lagama goostay mushahaarooyinkii, waxaynu ogayn in musuq badani uu ragaadiyey xukuumadaas dalkuna u liitay dayac iyo darxumo baahsan.

Wanaaga iyo horumarka markaad heshaad hadana hiigsataa inaad kasii badiso waana ta maanta dadka bartay inay jirto wax la yidhaahdo cadaalad oo ay saamigoodii doonaan gobolo iyo dad aan intii siilaanyo ka horaysay  xaqoodu maqnaa balse aan ogayn ee garowsaday oo iftiinka iyo laydhu saaqday markii Majaahidku yimi, islmarkaana ay garteen inay markii hore ku jireen naf la xarbi markii  baahiyihii kale dhamaystirmeena ay tabeen tabashooyinkoodii, waa ilaah mahadii mar hadii aan cadaalada iyo horumarka la aqoon siilaanyo hortii.

Hadaanu garanayno wax dalwad loogu abaal gudo maanta dalwada  madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo ayaanu ugu abaal gudi lahayn, waxaanu se leenahay wixii wacan lama masuugee waa la mahadiyaa, sidaa darted waanu mahadinaynaa waanu gogaadinaynaa xukuumadeena ilaahay hanoo daayo , hiilka maanta aanu u haynaa waxaa weeye inaan sheegno oo makhraati ka ahaano waxqadkeeda iyo wanaaga ay samaysay sidoo kalena aanu u heelanahay diyaarna u nahay hadii doorasahda beri la qabanaayo  inaan dawladaa siilaanyo  toban jeer oo danbe dooranayno.

Allaa Mahad Leh

 

Haashi Abdi