Qiimaha Sarrifka Shilling Somaliland-ka oo hoos usii dhacaya iyo Dood adag oo ka taagan sababta uu Doolarku kor ugu sii kacayo

0
114

 

Baanka Dawladda, Sarriflayaasha iyo nidaamka cusub ee Elektarooniga ah oo midiba mid ku riixayo

sarifHargeysa(Waaheen) Qiimaha Sarrifka Dollarka ayaa kor u sii kacaya maalinba maalinta ka danbaysa, iyadoo aanay illaa hada si rasmi ah uga hadlin hay’adaha ay khusayso ee ka masuulka ah ama ka ganacsada Lacaguhu. Boqolka Doolar ayaa sii caga cagaynaya in ka badan toddobba Boqol iyo lixdan kun oo shilling Somaliland ah, taasoo walaac xoogan ku abuurtay dadweynaha iyo qaybaha kale ee ka baayac mushatareeya maadaama oo uu wali ka liici la’yahay heerka uu gaadhay oo ah mid saamayn badan ku yeeshay Dalka, gaar ahaan Dan-yarta. Sicir bararka qiimaha Sarrifka lacagaha qalaad ee hoos u dhigaya qiimaha Shilling Somaliland-ka ayaa markii ugu horaysay laga dareemayaa inay isku tuur tuurayaan dhinacyada ka ganacsadaa, waxaana muuqata in Maamulka cusub ee Baanka Dhexe ee Somaliland doorkan isku mashquulinayo sidii arrintan talo midaysan oo wax lagaga qabto ay uga yeelan lahaayeen Baanka, Sarriflayaasha iyo Shirkadaha adeega Elektarooniga ah u adeegsada Xawilaadaha iyo Sarrifka lacaguhu. Dhawr kulan ayaa lagu waramayaa maalmahan inay yeesheen dhinacyada ka ganacsada Sarrifku, kuwaas oo kooxiba kooxda kale ku riixayso inay masuul ka tahay sicir bararka, waxaanay u muuqdaan inay Loolan adag ugu jiraan sidii ay iskaga fogayn lahaayeen halista ay arrintani u keentay Qaranka Somaliland. Marka laga yimaado dooda culus ee dhex taala dhinacyada ka ganacsada Sarrifka waxa iyana culays kale oo loo aanayn karo inay sarrifka saamayn ku keentay ka mid ah Xoolihii iyo Gancsigii Somaliland la lahayd Dalka Yemen oo dagaalo ka socdaan, isla markaana uu ku xidhmay dakhligii ka soo bixi jiray. Maarayn la’aanta Qiimaha Sarrifka ee sii bararayaa waxa uu shaki galiyey qiimihii Shilling Somalilandku lahaa, waxaanu u muuqdaa hadaan xal deg deg ah loo helin in uu yeelan waayo macno buuran oo lagu kalsoonaan karaa