Somaliland: Damaan Gobolada Oo saaka looga dareeray Ololaha nadaafadda oo todobaad ka hor la iclaamiyay.

0
89

ololeHargaysa(Waaheen)-Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa saaka looga dareeray Ololaha nadaafadda oo todobaad ka hor la sii iclaamiyay. Ololaha ayaa ujeedadiisu tahay sidii guud ahaan Somaliland maanta u noqon lahayd meel Qashinka ka nadiif ah islamarkaana Bilic leh.

Caasimada Hargeysa ayaa si weyn looga dareemayaa hawlgalka Qashin Ururinta oo ay ka qayb qaadanayaan Hay’addaha dawladda oo ay hor kacayaan Masuuliyiinta ugu saraysa sida Wasiirada iyo Agaasimeyaasha. Waxaa ka qayb qaadanaya Dawladda hoose, Ururada Bulshada iyo guud ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wararka ka imanaya Gobolada iyo degmooyinka ayaa sheegaya in si rasmi ah ay uga fulayaan hawlgalka Nadaafadda ee loo asteeyay Maalintan 7-da April, islamarkaana qaybaha Bulshada oo ay hogaaminayaan Masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ay ku hawlan yihiin Nadiifinta Magaalooyinka iyo tuulooyinka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa masuuliyiinta Dawladdu bulshada ku wacyi galinaysay sidii looga qayb qaadan lahaa Ololahan, iyadoo haatana Baabuurta wadda Ololaha ee Heesaha guubaabada ahi ku rakiban yihiin laga dareemayo Magaalooyinka