“Muddo Sannad ah ayaa ka Soo wareegtay Dilkii Gabadhayda, ilaa Wakhtigana Cadaalad maan helin” Maryan Aw Jaamac

0
142

20150405_113741 1 2 20150405_113721Hargeysa (Waaheen) Qoyskii iyo Qaraabadii ay ka Dhalatay Marxuumad Ruuqiya Siciid Ayaanle oo muddo  Sannad ahi ka Soo wareegay Dilkii  loo geystay ayaa Waxay Madaxweynaha Somaliland ugu baaqeen in uu Fuliyo Go’aanka ka soo baxay Maxkamadaha ee ah in la Dilo dadkii Marxuumadaasi Dillay.

Waxay Qoyskaasi sheegen in muddo Sannad ka baddan Cadaalada Sugayeen isla Markanaa aanay garanayn waxa loo fulinwayey Go’aankii Maxkamadaha ka soo baxay ee sheegayey in la Dillo Dadkii Falkaasi Dilka ah Geystay.

Sidaasi Waxay ku sheegen Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa.

Maryan Aw Jaamac Maxamed oo ah Hooyadii Dhashay Marxuumad Ruuqiya Siciid Ayaanle ayaa Baaq u dirtay Madaxweynaha Somaliland, iyada oo ka Codsatay in dadkii Dillay Inanteeda loo Dillo Sida uu sharciga Islaamku dhigayo oo ah in Qofkii Qof Dilla la Dillo, waxa kale oo ay Xustay in Muddo Hal Sanno ah Sugayeen Go’aanka Maxkamadaha iyo Ka Madaxweynaha illaa wakhtigana waxay ku samraan anay hayn.

Waxayna Tidhi.“Maanta Halkan Waxan Baaq uga dirayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo aan leeyahay Madaxweyne Gabadhii Inantayda sidda Foosha Xun u dishay ee Maxkamadaha oo dhami soo dhameeyen Go’aanka Dilkeeda Fuli, Madaxweyne Waxad ku dhaaratay Kitaabka Qur’aanka ah in aad Dadka Somaliland Cadaalada  ku maamulayso illaa haddana Arrintaasi mudada Sannadka ah ka soo wareegtay waxba kamad qabban, Falkii Lagu dillay gabadhaydii Dhammaan Shacabka Somaliland Naxdin iyo Anfariir ayey ku keentay, waxay noqotay Dhacdo Ugub ah oo aan Hore Somaliland uga dhicin dadkii Falkaasi Waxshinimada ah kula kacay Gabadhaydii Madaxweyne Waxba kamad qabban arrintii adigay ku hortaala meel walna way ka soo dhammaatay, ee Fuli Go’aanka Maxkamadaha ka soo baxay.”Ayey Tidhi.

 

Faadumo Maxamed Cilmi oo iyaduna ka mid ah Dadkii Goobtaasi ka hadlay ayaa waxay Nasiib darro ku Tilmaamtay in Muddo Sannad ka baddan ay Sugaan in dadkii Dillay Marxuumada loo Dillo, waxayna Xustay in Cadaaladu tahay ta kali ah ee Shacabka Somaliland wadda Deegda waxay tidhi.  “Madaxweyne Arrintu adigay Maanta ku taagan tahay waanad ogtahay in muddo sannad ahi ka soo wareegtay Dilkii Foosha Xummaa ee lagu kacay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, Madaxweyne muddo dheerbaanu ku sugaynay oo aanu cadaalada dhawraynay marka arrintii Ciidwalba oo shacabka Somaliland ka naxeen ee dilka Badheedhka ahaa in aad Fuliso Xukunkii ka soo baxay Maxkamadaha oo aad Gabadhaasi aad Disho ayaanu ka Codsanaynaa sidda uu sharcigu dhigayo qofka Qof Muslim ah dillaa waa inoo loo Dillo Waa nasiib darro in mudada intaasi leeg ay ka soo wareegto Dilkii badheedhka ahaa ee loo Gaystay Marxumadaasi, waad arkaysaa Hooyadii dhashay Marxuumada mudadaasi sannadka ah habeen iyo Maalin cadaaladay dhawraysaa waxna wali umaydaan qabban.”ayey Tidhi.

Deeqa Gaas Ibraahin oo iyaduna ka hadhashay Shirkaasi jaraa’id ayaa Sheegtay in Dilkii Loo geystay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle ay ka soo wareegtay muddo Hal Sanno iyo Labba Billood illaa Wakhtigan waxa cad  oo laga qabtay dadkii dilayna aanay arkayn, waxay Madaxweynaha ugu baaqday maadama uu yahay Madaxweynihii dalka ugu sareeyey in uu arrintaasi Talaabo ka qaaddo oo uu Fuliyo Xukunkii Maxkamadaduhu gaadheen, waxa kale oo ay Xustay in Shayga dalku ku kala socdaa uu yahay cadaalada haddii cadaalad la waayana aanay nabbadi jireen.

Caasha ibraahin oo  iyaduna Shirkaasi jaraa’id ka hadashay ayaa waxay madaxweynaha u Dirtay farriin ah “Madaxweyne Arrintani adigay ku taalla Waxad ku dhaaratay Kitaab Qur’aan ah in aad Cadaalada iyo Xaq dadka ku Xukunto, haddii aad Dadkii Dillay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle Fulinwaydo wax cadaalad ah oo Somaliland kaa sugaysaa ma jirto, Somaliland waligeed kamay dhicin dilkii loo geystay Marxuumad Ruuqiya mid la mid ah Qof Nolosha lagu aaso maynaan arag oo waxa lagu dulcuno, marka Madaxweyne Arrintaasi ku hortaal ee mudada dheer ka soo wareegtay wax ka qabbo.”Ayuu Tidhi

Ismaciil Xassan iyo Ismaciil Muuse Axmed oo iyaguna ka hadlay Arrintaasi  ayaa Waxay Madaxweynaha Somaliland ugu baaqeen in uu arrintaasi Fuliyo oo dadkii Dillay Marxuumada Dilkii Maxkamaduhu ku xukumeen uu Fuliyo.

Marxuumad Ruuqiya Siciid Ayaanle ayaa muddo Sannad ka hor Dil shacabka Somaliland ka wadanaxeen oo noociisa aan hore uga dhicin loo geystay iyada oo Dadkii wakhtigaasi Dillay ku Rideen God ku yaalla Gurigii lagu Dillay Marxuumadaasi, waxana Maydkii laga soo saaray Godkii Maalmo ka dib.