Yaa ah Sunni? Qore; Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

0
65

 

Is huwanta uu hor kacayo Sucuudigu ayaa todobaadyadii la soo dhaafay cirka ka duqaynayey goobo ka mid ah dalweynaha Yemen. Dagaalkaas oo salka ku hayey kacdoonadii dalkaa ka socday ee sababay in xukunka laga tuuro Madaxweynihii dalkaa Cabdi Rabbi Mansuur oo ay inqilaabeen jabhadda Xutiyiintu. Xutiyiintaa oo qayb ka ah bahweynta Shiicada ee ku abtirsata dalka Yemen.

Xutiyiintu; waa unug magac ahaan ku abtirsada Cabdimalik Al-Xuuti oo hogaamiye u ahaa. Sida aynu ka warqabno Shiicadu qaybo ayey u kala qaybsanta fikir ahaan kala dhow, haddaba Cabdimalik Al-Xuuti isaguu wuxu aamin yahay fikirka Raafidida, oo ma aaminsanayn Saydiyada Shiicada Yemen haysatay. Waxana la sheega inu lacagta Iraan in badan oo Saydiyiin ah kaga badalay mabda’oogi hore.

Dagaalkaas ayaa sida muuqata lagu galay waji diimeed; dalka Sucuudiga oo ay xad wadaag leeyihiin waddanka Yemen isla markaana deeganadiisa xadkaa xiga ay degaan Shiicada Sucuudigu ayaa u baqday danihiisa siyaasiga ah, mar haddii Iraan ay badhi-taageerayso Xutiyiinta inqilaabka sameyey u is yidhi adna saamayn tolmoon ayey kugu yeelan, sidaa ajligeed ayuu u samaystay is bahaysi u dhigan dawladaha Sunniga ah oo iska caabinaya is fidinta Shiicada gacanka Carbeed iyo guud ahaan wadamada Islaamka.

Haddaba su’aasha is waydiinta leh baa ah mala odhan karaa dagaalkaasi waa mid u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada ku wada abtirsada diinta Islaamka, mise waa dagaal siyaasadeed oo waji diimeed loo galinayo?. Su’aashaa ayaan jecelahay in aan dul istaago.

Sucuudigu; wuxu is huwiyey magaca diinta iyo ka Sunniga ahba isagoo ka dhigay inu masuul ka yahay Sunni wal oo dhibataysan, sida uu habeenkii dhawayd sheegayey ba boqorka waagi dhawa dhaxlay jagada boqornimo ee Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ‘Sucuudigu Sunniga meel walba oo u joogo waa ka masuul’. hadalka sidaa u dhigani tallow ma mid diineedba mise waa mid siyaasi ah? Bal adba!.

Waxa marag ma doon ah in xasuuq lagu hayo Sunniga Suuriya oo shiicada xukunka haysa da’ walba gumaaday. Waliba koox Shiiceedka Bashaar Asad madaxweynaha Suuriya uu yahay Ismaaciili. Oo culimada Sunnigu kaba saaran kooxda diinta Islaamka.

Dalka Ciraaq sida Sunniga maalin walba loogu laayo uma baahna cadaymo. Labadaa dalba Sucuudigu ragga xukunka haysta ee Shiicada ah xidhidh wanaagsan buu la leeyahay. Marka laga yimaado xamxamta hoose oo odhanaysa ‘dagaalkii Suuriya Shiicada ayuu garabka saarayey, isagoo Ikhwaanka ka didsana’.

Ku darsoo bilowgii kacdoonada Yemen ee da’yartii Ikhwaaniinta ahayd bilaabeen Sucuudigu wuxu la safna ragga uu maanta diyaaradaha ku duqaynayo, yadna waa xaqiiqo aan sacab lagu qarin karin.

Sannadkii 1962kii dagaal dhex maray dawladda Masar iyo kooxdan, waxa la ogaa taageeradii reer boqor sinayeen raggan iyagoo u arkayey inay Ikhwaanka ka horjoogaan.

Hadda waxa soo baxday is difaac Sucuudiga kooxo wadaado ahii ku difacayaan wererkaa oo leeyihiin waa mid diimeed. Marka la yidhaa waar hadduu diin u dagalamayo muxu ugu hilin waayey Sunniga Suuriya iyo Ciraaq ayey la soo boodayaan ‘nidaamka sharciga ah ayuu maray oo dawladda Yemen madaxweynihii sharciga ahaa ayaa la riday oo dawladdi sharciga ahayd ayuu difacaya, halka kuwaasi dawladihii sharciga ahaa wali taagan yihiin’. Waa si wanaagsan ee waagi Mursi laga tuuray xukunkiisi sharciga ahaa ee waliba doorashada ku yimi sooki Sucuudigu taageeray askartii inqilaabka samaysay, bal adba!. Marka laysku soo xooriyo dagaalkaasi maaha mid diimeed waa mid siyaasadeed taasina waa runta biyo kama dhibcaanka ah.

Su’aasha kale ee is waydiinta leh baa ah horta yaa Sunni ah?. Kalmadda qeexisteedu waxa ay u dhacda; cidda raacda Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah iyo habdhaqankii Rasuulka CSW in loogu yeedho Sunni. Asal ahaan adeegsigi ugu horeyey erayga Sunni

waxa Culimada qaar soo guuriyaan in u isticmaalay Saxaabigii Cabdilaahi Ibnu Cabaas Rc, mar u sharaxay aayad Qur’aan ah. Culimada sugista xadiiska ku horaysa sida Bukhaari, Ibnu Muciim, Al Madiini iyo culimo fara badan ayaa duray sugnaanta asarkaa Ibnu Cabaas, iyaga oo ku duray ku jirista liiska warinta ninka la yidhaa Xasan Bin Abi Jacfar oo lagu tuhunsan yahay inu ahaa beenaale. Sidaa darteed noqon maayo asar iyo qawl la daliishado.

Waxa kale oo la sheega Taabicigii Xasan Al-Basri uu lahaa adeegsigaa Ehlu Sunna Wal Jamaaca. Isagoo u adeegsaday cidda raacda dhabada Rasuulka CSW iyo Saxaabada Alle haka raali ahaade.

Intaa haddi aynu kaga soo gudubno qeexista eraygaa waxa yadna is waydiin leh yaa ah Sunni?. cid kasta oo qaadda dhabadaa shaki la’aan waa Sunni. Ugu horayn waxa wadadaa ka leexday qolyaha maanta is huwantu baacsanayso ee Shiicada. Shiicadu; Fahan ahaan ayey uga leexden wadada Sunniga. Markaasa ummaddi u qaybsantay Sunni iyo Shiico. Waxana lagu kala leexday fahan iyo culimo; Shiicada culimo waxa u noqday qaar ka tagay fahankii toosna kana leexday dhabadii Rasuulka CSW, kuna darsaday aflagadada biir-magaydada ummadda sida mudantii Saxaabada.

Intii ka soo hadhay Shiicadu waxa ay huwatay magaca Sunni. Mar dambe ayaa haddana si kala rifmay magacii oo maalinba qolo iska saaraysay magacaa; Muctasilada, Murji’ada, Jahmiyada, dee sii wad un illaa Ashcariyada/Ma’turiyada oo mararka qaar is huwada laga saarayba Sunnigii. Ku darsoo Ahcariyadu waxa ay sheegata culimo labeen ah sida Imaam Nawawi, Xaafid Ibnu Xajar, Salaaxudiin iyo qoloyin badan. In kasta oo sida aan aniguba qabo qof kasta oo arin/masalo ta’wila aanu noqon doonin Ashcari haddana xertaasi sheegato culimadaa. Dood kalaba tidhaa waagaa oo loo badnaa fikirkaa ayaa keentay inay noqdaan.

Isku soo xooriyo sidii maalinba qolo xayndaabkaa uga sii baxaysay ayaa hadda Sunnigiiba noqday khaanad boqortoyada Sucuudigu dadka ku ururiso mararka qaarna ka saarto.

Waxa is waydiin leh ma waxba laga badalay qeexnaantii Sunniga lagu noqon jiray?. Waxa aynu soo sheegnay in cidda qaada dhabadii Rasuulka CSW ay noqonaysoo Sunni, waxa hadda jirta cid dhabadaa haysa in la idhaa maba tihidiin Sunni, waayo anaga nalama haysaan. Haddii aanu nahay reer boqor.

Sheekh Maxamed Cabdiwahaab (1703-1792) oo ahaa wadaad u dhashay Sucuudiga ayaa aad ugu hiliyey Sunnaha sidoo kale meesha ka saaray bidcada ama khurafaad xiligaa aad u xoog badna oo saameyey dunidii Islaamka. Sheekhaasi ma lahayn fahan fiqi ah oo ma u samayn mad-hab ku soo korodhay mad-habihi la hayey. Sidoo kale ma asaasin dhaqdhaqaaq sida la wariyo. Wuxu xooga saaray toosinta fahanka caqidada oo waayada leexsanayd waana ta u ku helay magaca ah Mujadid ama ninkii qarnigaa soo nooleyey Sunnihii. Qoraa la yidha Barley Hurt dhiganihiisa ‘A New Relion’ oo u qoray labatan sannadood ka dib geeridii sheekhaa ayuu ku xusay erayga Wahaabi, isagoo durayey cid kasta oo dhabadaa marta khaas ahaan Sucuudiga. In kasta oo magacaa waayadan la wada huwaday oo qoladii reer boqor iyo intii la jaan haysay hadda kuba caano maaleen. Mana ahaa wakhti xaadirkan magac laga dido iyaguna ku coladaystaan cidda ku sheegta.

Reer boqor markii ay helen shidaalka ayey xooga sareen in dunida Islaamka laba la gaadhsiiyo; mad-habta fiqiga ah ee Xanbaliyada iyo kutubta Caqidada uu qoray Sheekhaasi oo dalkaa aad looga ayidsana. Si taa lo helana waxa ay raabidadi Sucuudigu dejisay qorshe dadyowga dunida Islaamka loogu yeedhayo jaamacadda Madiina. Qof kasta oo ka soo aflaxana lacago mushahar ah loogu qorayo fidinta mad-habta Xanbaliyada iyo kutubta wadaadkaa.

Mad-habta Xanbaliyadu waxa ay ahayd mad-habta ugu urursan xagga fidnaanta ama haysashada dunida Islaamka ah marka laga hadlayo mad-haba kale, sidaa ajligeed ayaa dawladda Sucuudigu isu diyaarisay qorshe is fidin mad-habeed ah. Taa si loo gaadho ayey dabada soo gelisay kutubta sheekhaa oo dadka looga dhigayey kaliya in la fidinayo caqidadi saxda ahayd ama habdhaqankii Sunniga ee saxda ahaa. Taasa keentay in dadyowgii ka soo horjeeday fikradahaasi qaatan eraygii Wahaabi oo duris ahaa.

Bal u fiirso wadadada ka soo aflaxay dalka Sucuudiga intooda badani mad-hab ahaan waa Xanbali, iyagoo markay tagayeen ahaa Shaafici. Iskuna dhiga inay yihiin qaar aan mad-hab gooni ah u janjeedhin, se fahankooga hoose laga dheehanayo halka ay la haystan.

Nin Soomaaliyeed baa laga hayey ‘geeljire geelisi ka tagay geel kalana u tagay wuxu faa’iida un waa hashanna magaceed’. Sidaa soo kale wadaad mad-habtiisi ka tagay oo

ummaddi mad-hab cusub u soo raray waxa uu dhaxalsiyaa un waa hashanna magaceed.

Laga yaaba in aan idinku dheereyey qoraalkii, gunanadka qormadaydani waa in aan cid gooni ah loo xidhin erayga Sunni inay iyaduun bixiso. Haddii dawladda Sucuudiga loo xidho bixinta aqoonsi Sunniyeedka waa mid dhibteeda leh. Sax dawladda Sucuudiga iyo fikirkoogu waa Sunni. Cidda haysata dhabada qeexan ee Sunnigu maaha mid laga saari karo.

Ikhwaanka haddi la yidha Sunni maaha; oo la raaco hadalkaa reer boqor iyo culimadooda waxa layskugu soo biyo dhacaya in Wahaabiyada oo qudha noqonayso Sunni. Sheekh Albaani Ahn Ayaa la waydiyey Ikhwaanka waxaanu ku jawaabay ‘Ikhwaanku waa Sunni’. Su’aasha lafteeda cidda waydisay aragtidayda ma caqli fayoobeyn. Waayo waa hore waxay ka saareen Sunniga Tabliqa. Iska daa iyaga Suufiyada warkeeda. Ku darsoo Tabliiqu aad ayuu u kala dhow yahay laftoodu; isku mad-hab maaha, caqiidadana isku caqiido badankoogu maaha. Tabliiqa Pakistaan iyo Aasiyada galbeed caqiido ahaan waa Ma’turiyo/Ashcariyo mad-habtooduna waa Xanafii. halka kuwa Soomaalidu caqidada saxda ah yihiin mad-hab ahaana Shaafici. Markaa in laysu qaado maaha fikrad illa saxsan aniga.

Waxa aad aragta in anan wali hadalkii ka bixin mawduucan oo gudo balaadhan awgii, se hadda aan ku soo afmeero su’aashan. Haddii Sunnigii noqday Wahaabiyada oo qudha tallow culimadii Islaamka ee ka horaysay Sheekh Maxamed Cabdiwahaab ma Shiico ayey ahayeen. Culimadii xadiiska ee Bukhaari calanka u siday. Afartii mad-habood culimadoodu maxay ahayeen. Culimadii waawaynayd ee Tafsiirka, Caqidada, Siirada iyo dee sii wad un maxay ahayeen?……………..Dhamaad