Somaliland Gaadiid Tayo Leh – Iyo Cunto Iyo Daawooyin Tayo Leh Keebay U Baahan Tahay????

0
38

maqMarka hore waxaan salaamayaa guud ahaan bulsho waynta reer Somaliland anigu ku salamayaa salaanta islaamka Asalamu Calaykum, salaam kadib waxa si gaara ula socotaan ama aad ka dheregsan tihiin malmahan danbe inay saxaafada ku soo noq noqonayaa gaadiidlay ka cabaynaysa xukuumada oo leh gaadiidkii aan soo dagin jirnay ayaa la keenay mishiin lagu eegayo tayada gaadiidka aanu soo dajino, hadaba anigoo taas ka duulaya ayaaan maqaalkaygan ku soo qaatay arimaha ay ka mid ka yihiin Dawooyinka  iyo Cuntooyinka asasiga u ah nolosheena maxaa loo keeni waayay laab lagu baadho tayadiisa, taas oo ay maanta ka mudan tahay in gaadhi tayadiisa labaado waxa inooga muhiimsan guud ahaan bulshada Somaliland in laga hubiyo tayada cuntooyinka iy o dawooyinka Somaliland yimaada runtii waa ayaan darro iyo caqli la’aan ama fikir la’aan waayo waxa la odhan karaa bulsho aan waxyaabihii nolosheeda u asaasiga ahaaba aan laga hubin sideebaa loo odhan karaa wax aan asaasiba ahayn ayaan tayadiisa eegayaa.

Tayo la’aanta cuntooyinka iyo daawooyinka Somaliland yimaadaa waata keentay maanta in inta badan dadku ay qabaan cudurada macaanka iyo dhiig karka, maxaa si gaara loogu eegi la’a yahay baahida bulshada ee loo eegaya waxaan bahideenaba ahayn, xukuumada iyo dhamanba bulshada waxaan u soo jeedinaya in si deg deg ah loo keeno laabab lagu baadho cuntoyinka iyo dawooyinka yimaada guud ahaanba Somaliland, taas ayaa ah ta inaga yarayn karta dhibaatooyinka nafaqo la’aanta iyo caafimaad xumada ina haysata.

Arinkan eegida tayada gaadiidka hadii aan hoos u eego waxaan u arkaa wax aan loo baahnayn iminka waayo bulshadu waxay doonaysaa in marka hore hoos laga soo bilaabo tayaynta ay wasaaradaha qaar la ordayaan, hadii arinkaa hoos loogu daadago waxa cad mishiinkan gaadiidka tayadiisa lagu baadhayo in cid gaara looga fa’iidaynayo oo dad gaara la yidhi idinkuna intaa wax ka dayday, taasina waa isbaarooyinkii oo soo badanaya uun, waayo marka cashuurtii la mariyay muwaadinka ganacsadaha ah ee waliba boqolkiiba ku dhowaad sidetan la cashuuray hadana la yidhaahdo mishiinkana keen lacagtiisa taasi waa axmaqnimo iyo macan gagnimo dawladu ay kula dhaqmayso bulshada ay xukunto.

Philosopher caana ayaa yidhi hadal aad u xigmad badan “ Dawlada waxay ka hor tagtaa cadaalad darooyinka tay yado samaynayso mooyaane” hadalkaasi waa mid dhaxal gal ah runa ah waayo dawladu way isku daydaa inay joojiso cadaalad darooyinka tay yadu samaynayso mooyaane. Markaa dawladu yadaa ugu cadaalad darro badan runtii.

Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkaygan, madaxwayne dadku waa dadkii ku soo doortay maaha dad iminka Somaliland soo degay ee waligoodba Somaliland ayay ahaayeen, markaa uma baahnin hadaanu bulshada nahay gaadiid tayo leh ee waxaanu u baahanahay cuntooyin iyo daawooyin tayo leh oo dadka ka yareeya dhiikarkan iyo macaankan sii badanaya, mudana madaxwayne danta dadka iyo dalkuba waxay ku jirtaa caafimaad qabka bulshada, sidaas darteed intii wakhti iyo baadhis la galin lahaa gaadiika hala galiyo dayoowinka dalka yimaada ee tayaduudu liidato ee yagu dadka xanuunka ku rida.

 

Waad Mahadsantihiiin

Allaa Mahad Leh

By: Mohamed Hamud Ali

Contact: 063-4484591

Burco – Somaliland

Hamudson@Gmail.Com