Laas Caanood: Xildhibaanada oo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Golaha Deegaanka ahaana Maayirka Caasimada

0
67

Lascanood(Waaheen)-Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Laascaanood ayaa fadhi ay yeesheen waxay xilkii kaga qaadeen gudoomiyihii golaha deegaanka ahna maayarka magaalada Laascaanood Cabdiqaadir Jaamac Saalax.

 

Fadhiga maanta ee ay yeesheen xildhibaanada golaha deegaanka degmada Laascaanood ayaa xildhibaano ka tirsan golahaasi waxay keeneen mooshin ka dhan ah gudoomiyaha golaha deegaanka degmadaas isla markaana ah maayarka Laascaanood.

 

Fadhiga ay yeesheen xildhibaanada golaha deegaanka degmada Laascaanood ayaa w axa ka soo qayb galay 20 xildhibaan oo ka mid ah iyada oo ay u codeeyeen in gudoomiyaha xilka laga qaado 15 xildhibaan, waxaana ka aamusay 4 xildhibaan, gudoomiyaha goluhuna aanu ka codayn.

 

Sidoo kale xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Laascaanood ayaa isla fadhigaas ku doortay gudoomiye cusub, waxaana xildhibaanadii ka soo xaadiray fadhigani ay cod

aqlabiyad ah gudoomiyaha golaha deegaanka ahna maayarka Laascaanod ugu doorteen xildhibaan Cismaan Saleebaan oo ka mid ahaa xildhibaanada soo abaabulay mooshinkii xilka lagaga qaaday gudoomiyihii hore ee golaha deegaanka.

 

Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Laascaanood ayaa noqonaya xildhibaanadii ugu horeeyey ee xilka ka qaada gudoomiyahooda tan iyo wixii ka danbeeyey markii la soo doortay sanadkii 2012.