Cuqaal iyo Guddoomiyayaasha Kulmiye ee Awdal oo xabsi lagu guray

0
61

“Xadhigayaga waxa ka qayb qaatay Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Xildhibaan Gaagaale” cuqaasha

Borama(Waaheen) Cuqaal iyo madaxda Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal ayaa maanta xabsiga la dhigay kadib markii uu sidaas amray Suldaanka Beelaha Maxamed Case.

Cuqaasha iyo Madaxda Kulmiye ee la xidhay waxay kala yihiin, Chief Caaqil Daahir Cismaan Cilmi, Guddoomiye ku-xigeenka golaha cuqaasha ee gobolk awdal, Caaqil Muuse Ceelaabe Abaar , Chief caaqil C/kariim Maxamud Badmaax, Caaqil sheikh Maxamed Muuse Camuud , Guddoomiyaha kulmiye ee lughaya C/laahi Xasan Cali, Guddoomiyaha xisbiga ee gobolka Aadan Diiriye Dixood Mid ka mid ah Madax dhaqameedka la xidhay ayaa yidhi “ waxaan nahay beelaha Habar Muuse, suldaan baanu shaacinay, markaa suldaanka Beelaha Maxamed Case ayaa diiday, markaanu is-khilaafnayna janan Maxamed Cismaan Xudhuun iyo xildhibaan gaagaale oo aanay shaqada ay qaranka u hayaan ahayn ayuu u yeedhay oo uu yidhi cuqaasha ii xidh xidha, sidaasaa lanagu xidhay waana sharci daro meel ay usoo mareena ma jirto xadhigayaga.

Sharciga Wasaaradda Arrimaha guduhuna wuxuu dhigayaa inaan caaqil wasaaradda arrimaha guduhu jidaysay xadhigiisa ama maxkamad ama aan danbi faraha kula jirin aan la iska xidhi Karin” ayuu yidhi