Xoqoontiga Yaman Oo Hargeysa iyo Berbera Meelo looga Qorsheeyey

0
44

yemenisWasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in ay meelo uga qorsheeyeen Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera Qaxoontiga ka soo haajiraya Dagaalka Dalka Yeman Ka socda.

Sidoo kale waxa uu faahfaahiyay qorshaha hadii ay wadamada carabta ee dagaalka ka wada Yeman ay Somaliland ka codsadaan saldhig milatari waxa ay ka yeelayaan.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta u waramayay Telefishanka Horn Cable, waxaanu yidhi Siyaasada Somaliland waxa ay tahay in la taageero dawlada sharciga ah ee Dalka Yeman isla markaana waanu garan karnaa dhibaatada naga iman kara xaga dhaqaalaha iyo qaxoontiga intaba, laakiin waxa aanu ku tashanay in hawshaas wixii nagaga aadan aanu qabano.

Dadkaas reer yemaneed ee laga yaabo in ay waxna soo galeen, waxna laga yaabo in ay yimaadaan in loo diyaar garoobo, waxaanan runtii iminka u astaynay meelo lagu soo dhaweeyo, Berbera meel baanu iminka ka wadnaa, Hargeysa sidoo kale, waxaanan dadka wixii yimaada lagu kala saari doonaa Berbera, laakiin hargeysa ayaa loo soo gudbin doonaa”

Mar la weydiiyay bal mawqifooda hadii ay dawladaha carabtu waydiistaan saldhig milatari waxa uu yidhi “Somaliland waxa ay ka tirsan tahay Jaamacada Carabta, wixii carabi ay isku raacdo inaguna qaybteena ayaynu ka qaadan doonaa” ayuu yidhi.