Maleeshiyo Hubeysan oo soo Weerartay Degmada Sayla Barri iyo Hub ay qaateen

0
60

saylaHargeysa(Waaheen) Koox Maleeshiyo Hubeysan oo Haybtooda la garanayn oo lagu Qiyaasay illaa 15 Qof ayaa Salaadii Subax ee Saaka Waabarigii Weerar ku qaaday Saldhiga Booliska ee Degmada Sayla Barri.

Kooxdan ayaa la sheegay in Ay rasaas ooda kaga qaadeen Booliskii ku sugnaa Xarunta Saldhiga, waxanay wararku sheegayaan in muddo Sacado ah ay is rasaaseyntu socotay basle Akhirkii Gudaha u Galleen Saldhigii Booliska waxanay la sheegay in ay qaateen hubkii Booliska ee Goobtaasi yaalay.

Dadka Degen Degmada oo wakhtigaasi ku soo kacay Shanqadha Rasaasta ayaa u soo Gurmaday Booliska waxanay Akhirkii lagu Guuleystay in Maleeshiyadii Magaalada soo werartay dib looga saaro.

Wararka Sayla aanu ka helayno ayaa sheegaya in Kooxdaasi Hubeysani ay Dhanka Barri ee Magaalada ka soo weerareen isla markaana markii danbe u baxsadeen Meeshii ay ka yimaadeen.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in aanay Rasaastasi Ciidina waxb aku noqon.

Lama ogga Sababta Dhalisay in kooxdani soo weerarto Xarunta Booliska ee Degmada.