Madax dhaqameedka Waqooyiga Hargeysa oo Xukumada Siilaanyo ugu Baaqay in ay ka Noqoto Iibinta Maktabada Gandi.

0
64

 

“Haddii aanu nahay Beesha Suber Awal Shantii sanno ee Aanu Dooranay Siilaanyo  meel walba Xangaruufo Dhiigleh ayaa nagaga Taala”  Suldaan Mawliid Xassan Sabeyse

“Madaxweyne Kumaanan Dooran in aad  Xeerkii Gar-adag laga keenay aad dalka ku Dhaqo”Suldan Ibraahin Sulub

“21 Sanno ayaanu Somaliland oo Beed ah Gacanta ku haynay, Maanta laga Bilaabo Haddii Gandi dib danbeysa loogu soo noqdo Beedkii waanu kala Jabinaynaa”

Hargeysa(Waaheen) Salaadiinta, Dhalinyarada iyo Aqoonyahanada Beesha Degta Waqooyiga iyo Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa Si kulul uga hadlay Khilaafka mar kale ka soo Cusboonaaday Maktabada  wax lagu akhristo ee Gandi kuna taalla Badhtamaha Magaalada Hargeysa.

Waxaanay Nidar ku galeen in aanay aqbalayn Talaabo kasta oo lidi ku ah Maktabada Gaandi oo Xukumadu ku kacdo, waxaanay Digniin u Direen Shirkada Al-xarbi oo ay sheegen in iyadu Damac ka galay dhulka uu ku fadhiyo Maktabadaasi.

Salaadiinta, Dhalinyarada iyo Aqoonyahanada ayaa Waxay Sidaasi ku sheegen Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Hotel Crown ee Magaalada Hargeysa.

Dr. Maxamed Cabdi Ismaciil Samatar oo ugu horeyn Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay Ayaa ku dheeraday Taariikhdii  uu dalka ku lahaa Yuusuf Ismaciil Samatar  (Gandi)  iyo heerkii uu Waxbarashada Somaliland soo gaadhsiiyey, waxa kale oo si qoto dheer uga hadlay hanaankii lagu aasaasay Maktabada Gaandi waxaanu Xukumada ugu baaqay in ay ka Noqoto go’aanka ay kula wareegayso Maktabada isla markaana Shirkada Al-xarbi kaga Iibinayso.

Dr.Maxamed Waxa uu nasiib darro ku Tilmaamay in Mar labbaad Muran Dawladu galisay Maktabada, isaga oo ka sheekeyey Kumanaanka Dhalinyarada Reer Somaliland ee ka Aflaxay Maktabada Gandi.

 

Dr. Maxamed Cabdi Ismaciil Samatar  oo Arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi. “ Maktabada Gandi may ahayd Dhulkii Marka dalka la soo gallay la Boobayey ee la Gallay mana ah  meel Qof Xaqdaro iyo Xoog uu ku degen yahay, laakiin waa Meel si Sharci ah loo Bixiyey Waxaana Bixiyey Maayirkii Wakhtigaasi Cabdiraxman Cadami, Runtii Maktabadani waa Maktabadii ugu horeysay ee Hargeysa laga furay, Magaca Maktabadani ay Xambaarsan tahay waa (Gandi) Yuusuf Ismaciil Samatar, Taariikhda waxa loo dhigtaa in lagu Xuso dadkii hore ee dalkan degenaa waxana u soo qabtay, Maanta Nin caadi ah oo meel laga qaadayo ma ah waa halgamaa Tacliimeed iyo Siyaasiyadeed, Waxa uu ka mid ah Afartii odey ee Reer Somaliland ee Tacliinta u soo dagaalamay oo lagu magacaabo Abayaashii Tacliinta, marka Ninka Maanta Magiciisa la leeyahay hala baayo oo meesha halaga qaaddo waa ninka Dalka Sidaasi ugu soo halgamay arrintaasi maanta lagula kacayo kama geyo Dalkiisi Hooyo” Ayuu yidhi.

Waxa uu Xukumada Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay in ay ka Noqoto Arrintaasi ay damacsan tahay ee ay dadka kaga iibinayso Maktabada.

 

Suldan Ibraahin Sulub   oo isaguna ka hadlay Khilaafka Soo Cusboonaday ee maktabada Gandi waxa uu yidhi. “Shirkan Jaraa’id waxaanu isku nimid Xukumada iyo Shirkada Al-xarbi oo mar labbad ku soo Rogaal celiyey Maktabadii Gandi kuwaasi oo doonaya in ay la wareegaan, Maktabada  Gandi waa meel in ka baddan Boqol kun oo dhalinyaradii reer Somaliland wax ku akhristaan marka Dawlada Iibinaysa Waxaan leeyahay isla Xishooda, Mulkiiluhu halkii uu Buskud uu ka soo Iibin lahaa waxa uu soo qaaday Buugga waaweyn oo la Akhristo”

Suldan Ibraahin Sulub oo hadalka sii waata waxa uu yidhi.  “Madaxweynaha Somaliland Waxaan leeyahay Qabso Maxastaadan Suuqa aad ku soo Deysay, Shaadh waliba anigu ileeg yahay adeer laga yeelimayo, Boqol Qof haddii ay ku dhimanayso ma ogolin in Gandi la bedelo oo Magaciisa la Baabi’iyo, In baddan ayaanu haddii aanu nahay Reer Sacad Muuse Somaliland oo Beed ah Gacanta ku haynay, 21 Sanno ayaanu Beedkaasi dhoob dhoobaynay  oo gacanta ku haynay, Maanta laga Bilaabo Haddii Gandi dib danbeysa loogu soo noqdo Beedkii waanu kala Jabinaynaa, mana ogolin in Meeshan iyo Meelaha kale ee dalka Faa’iidada u leh la iibiyo oo Buskud lagu iibIyo aqbalimayno, Waxa kale oo jirta meel Afar Boqol oo dhalinyaro ahi wax ka bartan oo Ismaciil Gaameelo leeyahay in iyadiina la yidhi waa la iibinaya ee ka bax arrimahaasi anagu u dulqaadan mayno, Madaxweynaha Somaliland waxan leeyahay Adeer waxaanu ku dooranay in aad dalka sharciga u yaalla ku Hogaamiso, laakiin kumanan dooran in xeerar yar oo kii Gar-adag laga keenay aad dalka lagu Dhaqo.” Ayuu yidhi Suldan Ibraahin Sulub

 

Suldaan Mawliid Xassan Sabeyse  “ Arrintan Hore ayaanu ugga hadlanay maalintii aanu ka hadalnay isla Galabtii Furihii ayey soo celiyeen, waxanu maanta u qaadanay in ay ahayd Xanuun baabi’in, waxase nasiib darro ah in Furihii shalay uu soo celiye Madaxweyne Siilaanyo in haddana maanta dib u qaato Ina Faarax Xarbi, waa Ayaandaro weeyi, waa Ixtiraamdaro inteeda leeg weeyi waa waxaan dhaqannimada qabban weeyi waa wax aan Meesha qabban weeyi, Madaxweynaha Waxaanu u dooranay waa in uu Cadaalada nagu  hago, laakiin ummanan dooran in Caruurta Adeerka u yahay Jiqilada soo gashado oo uu yidhaahdo waxa walba inagu inagu qurux baddan yihiin waxaad Doontan qaata inta aan kursiga fadhiyo”Ayuu yidhi.

Suldaan Mawliid Xassan Sabeyse oo Hadalka sii wata waxa uu yidhi “Madaxweyne Kumaanan Dooran in aad Kolna Shamiitada Berbera isku qaado, Kolna Dekeda berbera, marna Gandi, marna Hantida  Guud ee Hargeysa in aad iibiso kamanaan Sugey ee is qabta ayaanu idin leenahay Arrintaasi ka jooga, Madaxweyne haddii aanu nahay Suber Awal Shantii sanno ee aanu ku dooranay meel walba Xangaruufo Dhiigleh ayaa naga taala, marka Waxaanu leenahay yaan maalin lagu darin ee Doorashada ha la qabto, ee yaan Maalin lagu darin imikaanu Khaati ka taagan nahay Xukumada Siilaanyo”

Boqorka Beesha Ayuub Boqor Cali Xusseen Kaahin oo isaguna ka hadlay Shirkaasi jaraa’id ayaa waxa uu Xukumada Madaxweyne Siilaanyo uga digay in Dhismaha Maktabadaasi Cid gaar ah ka iibiso, waxaanu Nasiib darro ku tilmaamay in Xukumadu u soo dhigto Meelihii danta Guud ee dadka loogu adeegayey, Waxa kale oo uu ka sheekeyey taariikhdii Gandi iyo siddii uu dalka Somaliland uu Dhiigisa ugu huray siddii horumar u gaadhsiin lahaa, waxanu Tilmaamay in ceeb ay tahay in loogu abaal guddo arrintan.

Axmed Yuusuf Ismaciil Gandi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu Madaxweynaha ugu baaqay in uu arrintaasi hoos u eego isla markana uu ka noqdo go’aanka uu ku baabi’inayo Xarunta laga Barto Aqoonta ee Maktabada Gandi.

Caaqali Cabdiraxman Xassan Xoore, Caaqali Cumar Maxamuud Xassan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxay si cad u sheegen in aanay aqbaleyn in Xarunta Maktabada la baabiyo isla Markana lagu Badalo Baakhar, waxanay Madaxweynaha u direen Digniin kulul oo ku  saabsan arrintaasi.

Dhanka kale Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Salaadiin, Caaqilo iyo Dad kale Dhammaantooda iyaga waxayna  madaxweynaha ugu baaqeen in faraha laga qaaddo Xarunta Maktabada Gandi oo aan la siin Cid gaar.