Deg Deg: Wariye Araga Naafo ka ah oo lagu xidhay Muqdisho

0
44

KalgacalMuqdisho(Waaheen):-Wariye Cabdifataax Kalgacal oo araga naafo ka ah, kana hawl gala idaacada Goob joog ayaa xabsiga la dhigay. Wariyahan oo ay marka ay ciidamada Somalia qabteen ku sii jeeday xarunta Idaacada uu ka hawl galo ayaa ilaa iminka aanay xukuumaddu wax faahfaahin ka bixinin sababta ka dambaysa xadhigiisa.

Mr. Kalgacal ayaa la geeyay xarunta sirdoonka ee Magaaladda Muqdisho, halkaas oo su’aalo la waydiiyay.

Maamulka idaacada Goob joog iyo qoyska uu ka soo jeedo wariyahaasi ayaa warbaahinta u sheegay in aanay garanayn sababta ka dambaysa xadhiga Wariye Galgacal.