Ma Mucaaradnimaa Mise Waa Qarandumisnimo In Ciidamadeenii Qaranka Laga Ashkateeyo Wadamo Shisheeye ? W/Q Cali Xasan‏

0
73

Waxaa wax laga xumaado ah  dhamaan hadaanu nahay reer Somaliland  qarab jab inagu ah  in muraacadkeenii  kala garan wayeen mucaaradnimadii iyo qaran dumisnimadii, waxaanan ka naxay markii Madaxweyne siilaanyo khudbadiisii sanadlaha ahayd kusoo qaatay xubno kamida xisbiyada mucaaridka oo waraaqo u diray qaar dawladaha shisheeye, uguna dacwoodeen inay joojiyaan taageerada iyo tabarada ay siiyaan ciidamadeena.

Arintaa markii aan maqlay  waxay noqotay mid ka weynaatay dhegahayga  qofkasta oo muwaadin ahina wuu ka naxay,  waana wax aad looga yaq yaqsoodo in raggii mustaqbalka doonayey inay hogaamiyaan dalkan waxaas  ku kacaan, anigu taa waxaan u arkaa qaran dumisnimo, waayo waxaana halkaas ka cad inay yihiin cadawga koobaad ee bulshada iyo qaranka Somaliland leeyahay raga waxaas ku kacay waxaana fiican in sharciga lala tiigsado oo waajibka la mariyo.

Kuwa maanta  nolol u quudhiwaaga ah ee ciidamadeenii  ashtakeeyey  habeen iyo maalinba u heelanaa Nabad gelyada iyo xasiloonida , danahoodii gaarka ahaa uga tagay  danta guud , qaran awgii u jooga dhamaha iyo cad ceeda,  si u sugaan xuduudaha dalka reerahoodii uga irdhoobay usoo jeeda habeen iyo maalinta dalkooda iyo qarankooda, kuwaas isku sheegaya muraacadka waxay ku kaceen faldanbiyeed  halis ku ah qaranka.

Bulshada waxaan ugu baaqayaa inay ka digtoonaadan nimankaasi waayo qaranka daacad uma ah  haday daacad u yihiin ciimada qaranka oo aan siyaasad gelin ee qaranka matelaa kamay amaan waayeen,  bulshada waxay ugu sheekaynayaan waa been, waxaana hubaal ah hadii ay maruun  qabtaan hogaanka dalka inuu dalku geli doono halis, waxaana ay taasi ku xidhan tahay  bulshadu inay iska jirto.

Ugu danbayntii waxaan ka wada dheregsanahay  in hayba iyo sharafta wadan leeyahay ay tahay  Ciidamada,  waxaana ay inaga mudan yihiin inaynu u abaal gudno waayo kuwa aynu ku seexano ee kusoo toosnaa waa iyaga, kuwa aynu isku halaynaa waa iyaga dalkna hadaanu ciidan lahayn  nabadi kama islaaxdo, dhamaan ciidamada qaranka ee kala duwan waxaan leeyahay waxaa laydinku sameeyey  waa fal xun oo wuxuushnimo ah raali gelin ayaanu idinka siinay, Madaxweynaha Qarankana waanu ku hanbalyeynaa digniinta uu u diray kuwa wax magaratada ah .

 

Cali Xasan 

calixasan806

calixasan806@gmail.com