Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in ay soo Bixidoonto Cida leh Masuuliyada Dib u dhaca Doorashada.

0
100

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Maanta Qudbad Sannadeedkii 2015-ka ka jeediyey Fadhi wadda Jir ah oo ay yeeshen barlamaanka Somaliland.

Madaxweynaha ayaa waxa uu Qudbadiisa kaga hadlay Arrimo baddan oo ay ka mid tahay Doorashooyinka, Xidhiidh u dhexeya Somaliland iyo Waddamada Jaarka ah, iyo Siyaasada  Arrimaha Dibada.

Madaxweynaha Somaliland Waxa sheegay in Dib u dhaca Doorashada waxaanu Tilmaamay in uu yahay Nin reer u weyn oowax baddan sidda ay wax au jiraan aanu u sheegayn, basle ay soo bixidoonto ciida dib u dhaca doorashada ka masuul ah.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in ay Jiraan Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaridka oo Fadeexado aan jirin ka gudbiya Ciidamada Qaranka gaar ahaana Ciidanka RRU-da isaga oo xusay in ay waddamada caalamka u gudbiyeen in ciidankaasi laga joojiyo taageerada ay siiyan waddamada Somaliland Xidhiidhka la leh,waxaanu tilmaamay in ciidanka RRU-da ahi ay yihiin ciidan utaagan difaaca qarankooda, basle aanay ahayn qaar Xoriyadul qawlka  lidi ku ah.

Madaxweynaha Somaliland Waxa kale oo uu ka hadlay Waxqabadka Xukuumadiisa iyo waliba safari kala duwan oo uu ku soo maray Gobolada dalka Somaliland.