Maxaa laga filayaa khudbad sanadeedka Madaxweyne siilaanyo ee 2015 (Jaamac Hilaac).

0
78

hILAACWaxa shacbiga Somaliland meel kastoo ay joogaan Debed iyo gudaba waxay u dhegtaagaan maqalka iyo muuqaalka (visual) dhegaysiga khudbad sanadeedka uu jeedin doono madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), khudbadan oo ah mid distoori ah loona jeedinayo labada Golle Qaran ayaa wakhtigeedii caadiga ahayd dib uga dhacday sababo aan lagaranayn awgeed.

Khudbad sanadeedka madaxweyne siilaanyo ee sanadka 2015 oo kusoo beegantay waqti xasaasi ah ayaa la filayaa in madaxweynuhu kaga hadlo diiradana ku saaro xaalado kala duwan oo dalka ka jira, sida syaasada, dhaqaalaha, arimaha bulshada, deegaanka, maamulka, dimuqraadiyada iyo dawlad wanaaga.

Madaxweyne Siilaanyo oo muddo xileedkiisa distooriga ah ay ka hadhay muddo ka yar sedex bilood ayaa khudbadiisani kusoo beegmaysaa wakhti uu dalka hadheeyey khilaaf siyaasadeed, dhaqaale, xeer iyo maamul oo la aaminsan yahay inuu ka dhashay hogaamintiisa.

Siyaasadda:

Khudbadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa wakhti ay siyaasada arimaha debeda dhaliil weyni ka jirto marka la barbar dhigo wakhtiyadii lasoo dhaafay waxa kaloo ay khudbadani kusoo beegmaysaa wakhti ay xukuumada Somaliland ay lumisay taageerada dalal iyo saaxiibo fara badan iyo shakhsiyaad caana oo inaga taageeri jirayn qadiyada madax banaanida Somaliland, waxa hakad galay hoos u dhacweynina ku yimi shaqadii ay qaban jireen xafiisyada iyo wakiilada aynu ku leenahay dalalka debeda, waxa kala furfurmay xidhiidhkii iyo wada shaqayntii jaaliyadaha Somaliland ee ku nool dalalka debedaha ku waasoo wax badan katari jiray xidhiidhka caalamka aynu laleenahay, waxa laba dal oo kaliya kusoo ururay dal ku galka baasaboorka Somaliland marka loo eego wakhtiyadii hore.

Waxay u egtahay inay fashilmaan wadahadaladii u dhexeeyey xukuumada Somaliland iyo somaliya kuwaasoo dadka siyaasada Somaliland falanqeeyaa (Somaliland political analysist) ay aaminsan yihiin inay xukuumadu ku degdegtay.

Dhaqaalaha:

Waxay kaloo khudbada madaxweynuhu kusoo beegmaysaa wakhti dhaqaalaha dalka ay xukuumadu buun buunisay (overstate economy) kasoo aan salka ku hayn marka siguud loo eego dhaqaalaha kuud ee dalka (GDP) sidoo kale dhaqaalaha dalka Ayaan salka ku hayn wax soo saarka rasmiga ee dalka (real production) sidoo kale dhaqaalaha dalka ayan ahayn mid faafaya (not horizontal) balse u muuqda mid sare ukacaya (vertical) kuna ururaya shaqsiyaad iyo kooxo gaara, musuqmaasuq baahay iyo dhaqaalaha dalka oo six un loo mamulay ayaa sababay inuu dalka ka dhaco sixir barar aad u sareeya (high rate inflation) kaasoo saamayn weyn ku yeeshay bulshada dakhligoodu hooseeyo sida shaqaalaha dawlada, ciidamada iyo dadka danyarta ah sidoo kale dhaqaalaha dalka oo ah midaan helitaankiisa loo sinayn ayaa dalka ka abuuray dabaqado kala sareeya sidoo kale abuuray in mujtacu dhaqaala ahaan kala koraan.

Arimaha Bulshada:

Khudbadani waxay kaloo kusoo beeg maysaa wakhti kaabayaasha adeegyada nolosha ee shacbiga Somaliland ay liitaan kadib markii ay awoodi waayeen dhaqaala ahaan inay helaan adeegyad aas aasiga u ah nolosha bulshada sida caafimaadka, waxbarshada, biyaha iyo hoyga  kuwaasoo mas uu liyadeeda lahayd xukuumadu balse haatan noqday kuwo aan dhaqaala ahaan lajarayn.

Deegaanka:

Deegaanka oo nolasha dadka iyo xoolahaba muhiim u ah ayaa u muuqda mid halis wayn kujira loona baahan yahay in si wadajira wax looga qabto, dhirta qoyan ee lajaro maalintii guug ahaan dalka ayaa lagu qiyaasaa laba milyan iyo todoba boqol oo kun oo geed (2,700,000) kuwasoo laga dhigto dhuxul wax lagu karsado balse loo baahan yahay wax kaloo lagu bedelo.

Dimuqraadiyada iyo dawlad wanaaga:

Qudbadani waxay kaloo kusoo beegmaysaa waqti ay dimuqraadiyada iyo maamul wanaaga ( good governance ) ay hogaaminteeda masuul toos uga tahay  xukuumaddu , balse aanay muuqan waddadeedi , hirgelinta dowlad dimuqraadiya lehna maamul wanaagsan , waxay furre unoqonkartaa in Somaliland aqoonsi degdega ka hesho bulshadda caalamka ee ay isla xisaabtanku ka jirto.

Doorashooyinka:

Doorasho Xor iyo Xalaal  ku dhacda wakhtigeeda ayaa waxay halbeeg lagu qiyaaso u tahay Bulsho ay ka go’aan tahay in ay dhistaan Xukumad Dimuqraadi ah, si kastaba ha ahaatee Waa masuuliyad Saaran in Doorashadu Wakhtigeeda ku qabsoonto, “eeg sidda ku Cad Masuuliyadaha Dawladaha” “Functions  of Goverments”

Maamulka:

Maamulka xukuumadda iyo hay’adaha dawladda oo aan lahayn isla xisabtan ( accountability,  mechanism ) ayaa sababay  in  waqtigii ay xukuumaddan ahmed Mohamed (Silanyo  ) jirtay ay shaqaalaysiisay 9,000  oo qof  Taasi oo ka cadheysiisay Beelaha Darafyada iyo Beelaha kaleba kuwaasi oo u arkay in aanay Saamigii Xaqa ay u lahaayeen aanay ka helin.

Shaqaalahan oo ay si cadaalad darro ah u qaybsadeen wasiirada xukumada iyo masuuliyinta kale ee dawladu loona marin waddadii sharciga ahayd sida uu dhigayo xeer No:7 ayaa waxay sababtay in dhalinyaro farabadani wadanka ka  tahriiban  iyadoo la aaminsanyahay in 10kii guri oo dalka kamida 5 qof ka tahribeen .

Sikastaba ha ahaate waxa khudbada madaxwaynaha somaliland  laga filayaa inay noqoto mid katurjumaysa xaaladaha waaqiciga ah ee maanta  dalka ka jirta.