Kenya Oo Lacag Badan Hub Kaga Soo Iibsatay Waddamo Ku Yaalla Bariga Yurub

0
37

Kenya(Waaheen)-Machadka Caalamiga ah ee Baadhitaanka Nabadda Stockholm ee magaciisa loosoo gaabiyo (SIPRI) Stockholm International Peace Research Institute, ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray wuxuu ku sheegay in hub culus oo military qiimihiisu yahay 2.6 Bilyan oo Shilling oo u dhiganto 29-Milyan oo Dollar ay Kenya hub kaga soo iibsatay dalka Serbia.

Hubka oo la soo iibyay sanadkii aynu soo dhaafay, ayaa la sheegay iney ka mid ahaayeen Qoryaha fudud iyo waliba 15 Baabuurta gaashaaman ee loo yaqaano Beebeega.

Samuel Perlo-Freeman oo ah Madaxa Mashruucyada Machadka SIPRI, sidoo kalana ah Cilmi-baadhe sare oo dhanka hubka iyo Barnaamijka Kharashka Militariga u qaabilsan Machadkaas, ayaa sheegay in qaar kamid ah hubkaas laga yaabo in Kenya ay u isticmaasho sidii ay oga hortagi laheyd khatarta ka soo wajahdo wadanka Somaliya iyo dhanka xoogaga Shabaabka “Qaar ka mid ah hubka la soo iibsaday, waxaa laga yabaa iney la xidhiidhaan dagaalada ka socda wadanka Somaliya, ama hanjabaad ay Kenya u arkeyso iney ka dhalatay ka qeyb-galka Howl-galka Midowga Afrika ee Somaliya (AMISOM), “ayuu yidhi agaasimaha SIPRI   oo u waramaayay wargeys ka hadlo ganacsiga oo lagu magacaabo Business Daily.

Hubkaan ay soo iibsatay Kenya, ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu yahay kii ugu horeeyay oo ay ka soo iibsato wadanka Serbiya – iyadoona xili dheer Kenya hubka ka soo iibsan jirtay Dalalka Spain, Germany, Jordan iyo Ruushka oo inta badan hubka ay ka iibiyo wadamada ku yaallo Bariga Afrika.

Dhanka kale hay’adaha ammaanka Kenya, ayaa sanadihii dambe waxaa cadaadis lagu saarayay iney kor u qaadaan xoojinta tayada Militariga, si ay oga hortagaan khatarta ka soo food saarto dhanka Wadanka Somaliya ee ku lugta leh dagaalada Argagaxisada iyo waliba arrimo ay ka mid yihiin; Hubka Sharci darada ah, Tahriibinta dadka iyo Ganacsiga Daroogada.

Sannadkii 2013, ayaa sidoo kale lagu sheegay xogta SIPRI in dowladda Kenya ay ku bixisay lacag dhan Hal Milyan Hub ay ka soo iibsatay Wadanka Jarmalka.

Wadanka Serbia oo isagana lagu sheegay inuu hubkaas culus ka iibiyay Kenya, ayaa horay wuxuu oga mid ahaa wadamadii la isku odhan jiray Soviet-ka, isla markaasna saaxiib dhow la ahaa wadanka Ruushka oo ay kuwada mideysnayeen Yugoslavia.

Si kastaba ha ahaatee Kenya oo hada qeyb ka ah howl-galka Midowga Africa ee Somaliya isla markaasna ay ciidamado kaga sugan yihiin qeybo ka mid ah gobalada Koonfureed ee Somaliya, ayaa waxey dagaal toos ah kula jiraa Xoogaga Shabaabka ee Somaliya ka dagaalamo kuwaasoo horay weeraro qasaare geystay ka  fuliyay gudaha wadanka Kenya.