Madaxweyne Kuxigeenku Wafti Uu Hogaaminaayo Oo Maanta Dalka Ka Anba Baxay Iyo Ujeeda Safarkooda

0
102

saylic sax.JPGHargeysa(Waaheen) Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabilaahi Ismaciil Saylici Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo Ayaa Maanta Dalka Ka Anba Baxay Iyagoo U Sii Jeeda Wadamada Maraykanka Iyo Canada Oo AY Kulamo La Soo Qaadan Doonan Jaalyada Rer Somaliland Ee Wadamadaasi Degan Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Intii Aanu Ka Anba Bixin Dalka Warbaahinta Uga War Bixiyey Safarkooda Ayaa Waxaa Uu Yidhi “ Maanta Waxaa Aanu U Kicitimaynaa Dalka Maraykanka Iyo Canada Socdaal Kooban Oo Aanu Insha Alleh Rajaynaayo In Uu Nagu Qaato Muddo Saddex Todobaad Ah Oo Aanu Ku Soo Mari Doono Hawlo Shaqo Waxii Noo Qabsoomi Kara Iyo In Jaalyadahada Rer Somaliland Ee Waqooyiga America Degan Isku Soo Xog Warano Ayaanu U Kici Timaynaa .
Waxaana Safarka Igu Weheliya Wasiirul Dawlaha Wasaarada Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye La Talyaha Gaarka Ii Ah Iyo Afhayeenka Madaxtooyada Oo Isagu Naga Daba Iman Doona Waxaana Aanu Rajeynaynaa In Uu Safarkaasi Khayr Noogu Soo Dhamaado “ AYuu Yidhi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici.