Madaxwayne Siilaanyo Oo Amray In La Dadejiyo Dacwadda Gacan Ku Dhiiglihii Dilay GACMA-DHEERE

0
18

Hargeysa (Waaheen) – Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa amar ku bixiyey in si deg-deg ah sharciga loo mariyo gacan ku dhiiglihii dilay Marxuum Xuseen Maxamed Cawaale (Gacma-dheere) oo shalay lagu aasay Magaalada Hargeysa.

Sidaana waxa sheegay Taliyaha Ciidamada booliska Somaliland, Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo shalay dhambaal Tacsi ah u dirayey Marxuumka geeriyooday, ayaa sheegay in la dadejinayo dacwadda loo haysto askariga geystay dilka Marxuum Gacma-dheere isla-markaana uu amarkaasi bixiyey Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Taliye Fadal oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “ILAAHAY ha u naxariisto Marxuum Xuseen Gacmo dheere, waxa dishay  gacan ka xaq daran”

Taliyaha boolisku wuxuu sheegay oo kale  “Waxaan bulshada reer Somaliland u sheegayaa sidii amarkii Madaxweynuhu ku baxay in saacadaas aynu joogno gacan ku dhiiglihii saaran yahay gacanta (sharciga) oo aysocoto dacwaddiisu, si deg-deg a ahna loo marinayo waajibkiisii” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Taasi ayaan bulshada reer Somaliland u bayaaminayaan oo aan u caddeynayaa….”

Hasa-yeeshee, taliska booliska Somaliland, Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo caddaalada Somaliland oo u xil-saaran fulinta xukunnada ka soo baxa Maxkamadaha dalka ee la xidhiidha qisaasta ayaan ilaa hadda ku guuleysan inay Qisaas ku fuliyaan dadka badan oo hore u geystay dilal isla-markaana qaarkood dadweynuhu ka fajacay nooca dilalka ay geysteen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Somaliland, Cali Maxamed Waran Cadde oo bishii June ee sanadkii hore soo bandhigay go’aamo wax ka tari ilaalinta nabaddae, ayaa qodobkii koowaad ee go’aamadaasi waxa uu ku sheegay in Qisaas lagu fulinayo dadka xukuman ee dilalka geystay, haddii aan lagu heshiin in Mag la kala qaato “In dadka wax dilay ee aan lagu heshiin in diyo (Mag) la kala qaato la mariyo qisaasta sharciga ah…” ayuu Wasiirku ku sheegay qodobka koowaad ee Go’aamadaasi oo laga soo saaray shir uu Madax-dhaqameedka dalka ugu qabtey Magaalada Burco sanadkii hore. Laakiin xukuumadda ayaan ilaa hadda qof kaliyana aan ku fulin Qisaas.

Bulshada Somaliland ayaa aaminsan in dilalka la geysto ay sabab u tahay Qisaas la’aanta dadka geysta, halka qaarkoodna qabaan in qofka dil geysta halkii ay ahayd in la raaciyo jeelka lagu siiyo biil ay bixiyaan hay’adaha caalamiga ah qaarkood, kuwaasi oo ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda oo addoomaha faraya in qofka dila qof kale la raaciyo, haddii aan la saamixin.

Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa bishii October ee sanadkii hore sheegay in aan Midowga Yurub aqbaleynin fulinta xukunnada Qisaasta ah “Wax la aqbali karo maaha dilalka ciqaabta deg-degga ah ee Somalia ka jira, xilli dalalka Afrika intooda badan uu dhaqankan ka sii dhamaanayo..” ayuu yidhi, isagoo ka hadlayey xukunnada Qisaasta ah ee dawladda Soomaaliya ku fuliso dadka geystay dilalka.

Ergayga oo sidoo kale Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland, ayaa Hadalkiisu muujinayaa sida dawladaha reer galbeedku uga soo horjeedaan fulinta Xukunnada Qisaasta ah.