Ganacsatada Baabuurta Soo Dajisa oo Sheegay in aanay Wax Baabuuraha oo Danbe soo Dajinayn.

0
113

3 1 2Hargeysa(Waaheen) Ganacsatada Baabuurta soo Dajisa ee Somaliland ayaa Sheegay in aanay Wax baabuur ah soo dajinayn isla Markaana wasiirka Hawlaha guud ku eedeyey in Lacagta lagu soo roogay Baabuurta ay tahay mid ku dhacaysa jeebkiisa.

Ganacasatadani oo Maanta Shirjaraa’id ku Qabtay Hotel Xaraf ee Magaalada Hargeysa.

Sheekh Ibraahin Cabdi Xussen oo ku hadlayey Afka ganacsatada Baabuurta soo Dajiya ayaa Waxa uu ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey Kulan dhexmaray Wasiirka Hawlaha guud, waxaanu Tilmaamay in wasiirku Afkiisa uga sheegay in uu lacagtaasi isagu ku soo rogay waxaanu yidhi. “Wasiirka Hawlaha guud Balanbaa noo dhexeysay ahayd in aanu Hawlaha Isla eegno, markii aanu wasiirka la Kulanay ee aanu ku Nidhi Wasiir Arrintaasi way noo cuntamiwaydee meel ay Cashuurta dalka kaga jirtona waanu wayne Halanga daayo wuunaga diiday,  Ma daynayo ayuu yidhi Dekedana kama soo rarayo, lacagta lanagu soo rogayna waa lacag xaaran ah,  waayo Dadka Islaamku waxay wax ku kala qaatan waxay isla Ogol yihiin ama Nidaam soo marayo oo layla qaato,  mida labbaad Lacagtani Barlamaanka may soo marin oo dee qaranku wuxu ku heshiiyey wixii Takaalif ah oo dadka laga qaadayo halkaasi ha la soo mariyo ayaa la yidhi tiina may soo marin arrintana wasiirka hawlaha guudba noo cadeyey, arrinta kale ee ay lacagtaasi xaaran ku tahay waxa weeyi Golle Wasiir iyo madaxweyne Midna may soo marin, Wasiirka nagu yidhi Jeebkayga weeyan oo aniga lacagta idinku soo rogay, arrintaasi waanu la yaabnay, Madaxweynaha waxaan leeyahay Madaxweyne Dadkani waa Shacabkaagii wixii aanay qaadi karayn ha saarin”Ayuu yidhi.Sheekh Ibraahin Cabdi Xussen

Maxamed Yuusuf Aadan oo ku hadlayey Afka Macdaarada Baabuurta iibiya ayaa waxa isaguna yidhi  “Wasiirka Waanu u tagnay waxaanu ku nidhi Wasiir lacagtan aad leedahay bixiya Sharci ma ah wuxu nagu yidhi nin iggala hadli kara ma jiro, Aniga Amarka Bixiyey oo lacag guraya marka waxaanu ku nidhi adigu dawlad baad tahay ee lacagta aad shegaysid halkaga ku cashuuro, Waxaanu Cod dheer ku leenahay Anagu Yeelimayno lacag xaaran ah oo wasiirka hawlaha Guud Gurto, shacabku wuu ogyahay Boqol cashuurod ayaa lanagu kordhiyey wali waxa lanaga qaada Afadii Burco, haddii shacabka lacag inta lagu bilaabo oo laga gurto oo laga daynwaayo soo jabi mayso, Maanta dalkeena Dhaqaalihiisu halka uu marayo waad ogtihiin isla markaana Dekedii Berbera meel Baabuurtii la kala dhigo ayaa la laayahay oo illaa 700 oo Gadhi ayaa yaalla kuwa soo socdana  Ciidaasay ka baddan yihiin oo waxa lanagu yidhi illaa aad bixisaan lacagta nin Bareefad ah laydinka qabban maayo lacagtii cashuurta ahayd taasina waa Dulmi, Madaxweyne Arrintan wax ka qabbo ma ah Cashuur sharci ah ee waa Mashruuc loo sameyey nin, waxa jirta in Baabuurkii ay mariyeen meeshasi isla markii uu dekeda Berbera ka soo baxay uu Duqeeyey marka meesha Qalab fiicana may keenin oo waa mid ay lacagta ku Urursanayaan, wasiirkuna wuxu nagu yidhi Boqolkiiba konton aniga leh Kontonka kalena waxa leh niman Bagistaani ah .”Ayuu yidhi.

Cabdiraxman Axmed Kabadhe oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Go’aan ku gaadheen in aanay Soo dajin Baabuur danbe kuwa dekeda yaallana aanay soo saarin illaa ay Wasaarada Hawlaha Guud ka noqonayso lacagta xaaranta ah ee lagu soo roggay.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlaya Caaqil Cali Axmed iyo Axmed Siciid Ducaale oo ka mid ah Ganacsatada baabuurta soo dajisa waxayna taageeren Go’aanka ay soo sareen Gudidoodu.