Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay U Jeedada Socdaalka Ay Ku Tageen Waddanka Britain.

0
81

Hargaysa(Waaheen) Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mud, Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka hadlay u jeedada socdaal ay Wafti uu kamid ahaa ugu anbabaxeen dalka Britain, gaar ahaan Caasimadda Gobolka Wallis ee Cardiff, Wasiirka oo arrinta kaga hadlay qoraal uu ku daabacay bartuu ku leeyahay Shabakadda Bulshadu ku kulanto ee Facebook’ga wuxuu u dhignaa qoraalkaasi isagoo dhammaystiran sidan.

17391_854428367963826_497926336943597741_n

“Waxaanu galabta kasoo kicitinay Gegadaha diyaaradaha ee Cigaal International Airporta aniga iyo Gudoomiye ku Xigeenka koobaad ee Golaha Sharci dejinta Mud. Baashe Maxamed Faarax, waxaa sidoo kalena naga sii horeeya Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga caalamiga ee Somaliland Mud, Maxamed Biixi Yoonis.

Ujeedada socdaalkayaga ayaa daaran in aan ka qaybgalno mooshin ajandihiisu yahay Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland oo la horkeeni doono fadhiga golaha deegaanka ee Cardiff waxaanan rajo badan ka qabnaa in aynu ku guulaysan doono dedaal dheer oo la sameeyey kadib.

Arintan ayaa imanaysa kadib markii horay golaha deegaanka Sheffield ee isla boqortooyada Ingriisku u shaaciyeen in ay si buuxda u ictiraafeen dalka ka dhex iftiimiya qaarada Africa ee Somaliland.

Waxaa hubaal ah in dedaalada noocan ahi ay Insha Allahu keensan doonaan in ajandaha Madaxbanaanida Somaliland la hor keeni doono Gole waynaha sharci dejinta ee Boqortooyada Ingriiska iyo caalamkaba taasi oo wax badan ka tari doontaa hirgelinta iyo xaqiijinta himilada qaranka.

Waan ku hamblayeynayaa jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Sheffield iyo Cardiff iyo guud ahaanba aduunka intiisa kale taasi oon ku bogaadinayo dedaalada joogtada ah ee ay ka gaystaan gudbinta iyo gaadhsiinta qadiyada Madaxbanaanida Somaliland isla markaana aan odhan karo in ay yihiin dad damiir nool isla markaana leh han iyo himilo sare.

Ogow meel aad joogtaanba waxaad tihiin danjire-yaal dalka iyo dadkaba u maqan.”

Wa Bilaahi Tawfiiq.