Boqor Badmadaw Oo Wasiir Samsam Ka Difaacay Eedaymo Loo So Jeediyay

0
104
sawWiilkan La Xididka Ah Madaxtooyada Isagana Waa La Xajiimaynayaa
Hargeysa(Waaheen)-Boqor Axmed Maxamed Xasan ( Boqor badmadaw), ayaa wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan sheegay in aanay qaadan marshuuca mishiinka lagu eegaayo tayada shidaalka.
Waxaanu ka difaacay eedayn dhawaan loo soo jeediyay oo sheegaysay in marshuuc ay wada qaateen wasiir Samsam iyo wiilka mdaxweynuu uu sodoga u yahay ee Beeshe, warkaas ayaanu ku tilmaamay boqorku mid aan sal iyo raad toona lahayn ee xajiimayn uun ah, waxaanu sheegay in marshuuca mishiinkaas uu qaatay nin guddoomiye Ciro ay isku ahayb yihiin,
waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay booqor badamadaw uu yidhi “Wasiirka maaliyadu waxyaabo aflagaado ah oo aan gayin ayaa loo gaystay,mana aha wasiirkani mid habti aadame u baahan ee aakhrideeda ayay u tudhanaysaa, markay ahayd wasiirka waxbarashadana waa aynu garanaynaa waxqabadkeedii daacada ahaa oo waa mid looga markhaati kacaayo, maanta markaas in aynu nidhaahno shidaalo ayay marshuuc ahaan u qaadatay iyada iyo inanka uu madaxweynuu sodaga u yahay oo aan wax xil ah ka ahayn dalka hadana aflagaadadu ay ku socoto, hadalkaasi waa canbaarayn iyo xajiimayn dadka la marmarinaayo, waxa qaatay shidaalkan oo ku guulaystay markii lagu tartamay nin guddoomiye Ciro la hayb ah, ninka qoraalkan qoray ee qoladan kale xajiimaynayaana waa la hayb ninkan marshuuca helay, markaas hadii uu haybtiisii kala xishooday inuu xajiimeeyo anaguna u dulqaadan mayno, shidaalkaas iyo arimahiisanuna waa kuwo cad oo waxa qaatay nin Kornayl Faarax la yidhaahdo, wiilkan la xididka ah madaxtooyada runtii isagana waa la xajiimaynayaa ee wax uu qaatayna ma jirto waana nin wanaagsan.”
Chat Conversation End