Jarmalka: Rag lala Xidhiidhinayo Al shabaab oo Xabsi maxkamadayn lagu fuliyey.

0
64

Frankfort(Waaheen)-Dacwad-oogayaasha dalka Jarmalka ayaa waxay eedeyn argagaxiso kusoo oogeen lix ruux oo rag ah oo la sheegay in ay damacsanayeen inay ku biiran Xarakada Al-shabaab ee Somalia, iyadoo ay jiraan laba qof oo kale oo ay sarakiisha dalkaas u soo xireen inay ISIS ku biiraan.

Raggan ayaa la sheegay in shan ka mid ah ay da’doodu u dhexeyso 24 – 31 sano, kuwaasoo saraakiishu ay sheegeen inay sannadkii 2012-kii ay u safreen Soomaaliya, si ay tababarro uga soo qaataan xoogagga Al-shabaab ee Somalia ka dagaalama.

2015321635625067037025946Jarmal_Koox_Al-shabaab_Dacwo

Sidoo kale, saraakiisha Jarmalka ayaa sheegay in raggan ay sannadkii 2014-kii ka baxeen baxeen Soomaaliya. Iyadoo saddex ka mid ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha Frankfort ee dalka Jarmalka bishii September ee isla sannadkaas.

Labada kale ayaa la sheegay in iyagana lagu qabtay gudaha dalka Kenya oo loo dhoofiyay dalka Jarmalka oo haysteen dhalashadiisa. Iyadoo dacwadaha ragga loo haysto ay ka mid yihiin inay geysan rabeen weerarro argagaxiso.