Is-Balaadhinta Shiicada ee Bariga Dhexe. Q..1aad W/Q: Cali CabdiCoomay

0
80

Qorshaha is-balaadhinta shiicada bariga dhexe waxa loogu wanqaly” is-balaadhintii dayax-bileedka”. (Cresent Expansion), oo ka unkatay dalka iiraan soona gaadhay dalalka bariga dhexe. Is-balaadhinta shiicadu waxay soo taxnayd muddooyin badan, balse wakhtigan ayey u muuqataa mid midho dhal ku dhaw. Waxay shiicadu hore saamayn xoogan ugu yeelatay, Ciraaq, Baxrayn, Suuriya iyo Lubnaan. Iyadoo wakhtigan biyo-dhigatay dalka yeman. Si kooban ayeynu dul-ka-xaadis ugu samayn doonaa is-balaadhinta shiicada.

Iiraan iyo Xuutiyiinta Yeman

Aasaaskii Xuutiyiinta: kooxdan shiicada ah ee la yidhaa Xuutiyiinta waxay bilaabmeen sannadkii 2004-tii, ninkii lahaa fikirka aasaaskooda oo la odhan jiray “ Xuseen Badri-diin Al xuuti”, ayaa loogu magac daray, waxaanu ahaa hogaamiyehoodii ugu horeeyey.

Kooxdani waxay haystaan mad-habta Sayidiga oo shiicada ka mid ah, waxay ku xoogan yihiin gobolka Sacda ee dalka yeman. Waxay dagaallo qadhaadh la galeen dawladii Cali Cabdalle Saalax. Markii la dilay hogaamiyehoodii, waxa xilkii qabtay nin ay walaalo ahaayeen oo la yidhaa” Abdulmalik Badri-diin al Xuuti. Kooxdan xuutiyiinta waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 10, 000 ilaa 100,000 oo dagaalyahan, sida lagu sheegay warbixn ay soo daabacday jariirada “Yeman Post”.

Is-balaadhinta Xuutiyiinta

Xuutiyiintu waxay hormar ka sameeyeen dagaalkii ay kula jireen dawlada yeman iyagoo qabsaday bilowgii hore gobolada Sacda, Xaji, Jawaf iyo caasimada Sanca. Sababihii u saamaxay inay xuutiyiintu si yar oo fudud u qabsadaan dalka yeman ayaa lagu sheegay afar arrimood oo kala horeeya.

Waa ta koowaade taageero buuxda oo dhinac kasta leh oo ay dawlada Iiraan siinaysay kooxdan, waa ta labaade qabaa’ilkii Cali Cabdalle Saalax oo si hoose ula shaqaynayey, una basaasayey qaabka iyo siyaabaha looga takhalusi lahaa dawlada, waa ta seddexaade dawlada maraykanka oo si dadban ula shaqaynaysay, si looga hortago urur weynaha Al-Qaaciida oo farabaas ku hayey danaha reer galbeedku ku leeyihiin dalka yeman iyo ugu dambaytii ta afraade dawlada Sucuudiga oo si weyn u dhayalsatay xuutiyiinta, iyadoo dareenkeeda wada siisay dhaqaaqa ururka Daacish.

Sida ay qortay wakaalada wararka ee Middle East News agency (MENA) dawalda iiraan ayaa saldhig weyn ku yeelatay koonfurta Jasiirada Badda cas, ka dib markii ay hore u soo hantiday dalka Ciraaq. Marka la soo koobo xafiiltanka u dhexeeya sunniga iyo shiicada ayaa keenay in dalka yeman sunniga afar gool iyo ebar lagaga bediyey.

Saamaynta Xuutiyiinta ee Sucuudiga

Dawlada sucuudiga oo indhaheeda kuwada jeedisay dhaqdhaqaaqa ururka Daacish (internal focus), ayaa mar dambe oo xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ku soo toostay khatarta ururka Xuutiyiinta ee qabsaday dalka yeman, gaar ahaan waxay werwer ku abuuray halista kaga iman karta xadkeeda koonfur bari ee dhinaca yeman.

Werwerka dawlada sucuudiga ayaa ku qotoma in taashka boqortooyada dhulka la dhigo. Shir ay dhawaan yeesheen wadamada gacanku oo ka dhacay magaalada Jidda ee dalka sucuudiga ayaa lagu sheegay inay  cambaaraynayaan qabsashada xuutiyiinta ee dalka yeman, waxayna soo saareen hadal u badan hanjabaad ku socoda shiicad ku soo siqaysa bariga dhex, waxay ugu dambayntii carrabka ku adkeeyeen in amaanka gacanku ku xidhan yahay dalka yeman,balse waa hadal aan madasha dhaafin. Boqor cusub ee sucuudiga Boqor Salmaan ayaa lagu wadaa inuu bedelo siyaasadii walaalkii ee ahayd in lagu mashquulo la-dagaalka islaamiyiinta jihaadiga ah, waayo intii lagu fooraray dagaalkaasi ayey fursad dahabi ah heshay dawlada iiraan.

Siyaasada cusub waxa si weyn loo saadaalinayaa inay dhaawac weyn u geysato is-bahaysigii ka soo horjeeday kacdoonkii carabta oo Masarna ay xubin firfircoon ka ahayd. Dadka falanqeeya siyaasada Boqor Salmaan ayaa ku doodda inuu yahay nin si weyn oo xagjirnimo ah u neceb shiicada, horena u yidhi in meel lagu tiiriyo  fiditaanka shiicada, maadaama oo ay hore gacanta ugu dhigtay caasimado waaweyn sida, Beyruud, Baqdaad iyo Sanca, sidoo kale waxa khatar ku jira sida Baxrayn. Salmaan ayaa aaminsan in la kala saaro islaamiyiinta qunyar socodka ah iyo xagjirka sida Al-qaacida iyo Daacish.

Waxaanu qalbiga ku hayaan inay ikhwaanu muslimiinku yihiin kuwa keliya ee leh nidaam qorshaysan lagu wiiqi karo shiicada ku soo siqaysay bariga dhexe. Marka la qiimeeyo fikirka Boqor Salmaan waxa la saadaalinayaa inuu sucuudigu xidhiidh la sameeyo ururuka Islaax oo ka tirsan bahweynta ikhwaanu muslimiin si meesha looga saaro xuutiyiinta qabsaday dalka yeman.

Prof. Daniel oo ah hawlagab kana faallooda bariga dhexe ayaa ku dooday” inay khasab ku tahay sucuudiga inuu dagaal la galo xuutiyiinta yeman, haddii kale ay halis weyni soo foodsaari doonto, wuxuu intaasi ku daray in kooxda xuuiyiinta ay si xawli ah u fidayaan sida ururka Daacish, suurtagal ay tahay inay kiciyaan shiicada ku nool dalka sucuudiga. Prof. Daniel wuxuu hadalkiisa ku soo gebagebayeey inuu xalka u arka inay sucuudiga haysato laba daran mid dooro, oo ku khasban yahay dagaal laba weji leh”.

La-dagaalankii Ikhwaanu-Muslimiinka ee Khaliijka

Kacdoonkii ka curtay dalalka carabta (Arab Season) sannadkii 2011-kii ee galaaftay rajiimyadii xooga ku haystay dalalkooda, haddii aan al fashilin lahayn, waxa iska cadayd inay gaadhi lahayd wadamada khaliijka ee boqoradu ka rimiyaan, wadamada ka tirsan khaliijka ee nidaamka boqortooyadu ka taliso, oo dawlada sucuudigu horboodayso ayaa ku dhawaaqay is-bahaysi lagaga soo horjeedo fiditaanka ururka Ikhwaanu muslimiin.

Qorshe balaadhan oo isugu jira dhaqaale, hub iyo ciidan ayuu sucuudigu ku daabulay wadamada Masar, Tuunis, Liibiya iyo Yeman, balse wuxuu ku guulaystay oo keliya dalka Masar iyo Liibiya oo kooxaha iska soo horjeeda uu xidhiidh la sameeyo, si looga ilaaliyo ikhwaanu muslimiinka. Dalka yeman intii uu sucuudigu ururka islaax la dagaalamayey ayey shiicadii xuutiyiintu ka faa’idaystay, oo dalkii oo dhan qabsatay. Ikhwaan ka cararkii ayaa keenay shiicada.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

La soco……………………………