Roobkii Gu’ga oo Gobolada Galbeedka Somaliland ka Curtay.

0
46

Hargeysa(Waaheen) Roobkii Gu’ga ayaa ka Curtay Gobolada Galbeedka ee Somaliland, Wararka Naga Soo gaadhaya Gobolada Awdal iyo Gabiley ayaa Sheegaya in Maanta Roob lagu diirtay uu Deeganadaasi uu ka Day, Roobkan oo Shacabka  Somaliland naawilayeen ayaa Si weyn ay u soo dhaweyeen Dadka deeganadaasi, Degmooyinka uu roobku ka da’ay ayaa waxa ka mid ah  Borama, Gabiley, Kalabaydh iyo Wajaale.

Dhanka kale  Caasimada Somaliland ee Hargeysa Ayaa Maanta wax Dul taagnaa Daruuraha Roobka waxanay Saadashu Sheegaysaa in ilaa Barri uu Roobka la Filayo in uu ka Da’o..

Guud ahaan Gobolada Somaliland ayaa waxa muddooyinka ka Tagnaa Abaaro iyada oo Deeganada qaarna uu Baadkii iyo biyihii ka dhamaadeen.