Diiwaan Galinta Madaniga ah oo laga Hort istaagay Ceel-sheekh

0
88

Diiwaan-galin(1)Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Ceel-sheikh ee Degmada  xeebta Waqooyiga Hargeysa ee Bullo-xaar, ayaa sheegay inay dabley hubaysani is-hortaagtay Ololaha Diwaan-gelinta Medeniga iyo codbiyeyaasha oo  laba bilood ka hor  ay ahayd in halkaas laga bilaabo, balse ilaa hada aan goobihii loogu talo-galay la geynin.

 

Warkan oo aanu ka soo xiganay Wargeyska Yool ayaa intaas ku daraya Arrintan oo sida la sheegay salka ku haysa khilaaf deegaan oo muddo dheer ka taagnaa Deegaamada Xeebta ku dhereran ee laga kala xukumo Gobollada Maroodi-jeex iyo Saaxil, ayaa waxa warku intaas ku daray inay dableydu qayb kamida Qalabkii loogu talo-galay Diwaan-gelinta ka qaaday howl-wadeenada diwaan-gelinta samaynayay, sidoo kalenba ay ka madnuuceen nawaaxiga Goobta loogu rakibay Taawarka Khadka Internetka ee Diwaan-gelinta lagu samayn lahaa oo ay Shirkadda Telesom halkaa ka taagtay.

 

Sidaasna waxa Warbaahinta u xaqiijiyey Guddoomiyaha Degmadda Bullo-xaar,  Maxamuud Qawdhan Ayax, kaasoo intaas raaciyey inay Howsha Diwaan-gelintu si fiican uga socoto goobaha kale ee degmada Bullo-xaar, taasoo ay dadku si nabad-gelyo ah kaadhadhka dhalashada uga qaadanayaan, marka laga yimaado dadka xoollo dhaqatada ah oo uu sheegay inay abaar ba’ani ku habsatay.

 

Guddoomiye Ayax oo arrimahaas ka waramay ayaa yidhi “Diiwaangelinta   1-dii bishan March ayaanu sanduuqyadda qaadnay,  90-cisho ayay taalay, bishii koowaad ilaa bishii labaad sanduuqyadu halkaas ayay yaaleen,  waxaa xanibnaa Telesom oo internet-kii  in ay xidhaan ay ahayd xagooda ayay ka xanibantay, markaa bishii 2-aad 20-keedii ayay Telesom noo sameeyeen internet-kii. Shaqadda 20-kii bisha ayaanu bilawnay, laba goobood ayaananu ka bilawnay, labadaas goobood oo midkood magaaladdan  Bullo-xaar dhexdeeda ahayd, taasi degmadda gudaheeda si fiican ayay uga socotaa diiwaangelintu, wax dhibaato ahina kama jirto, dadkuna aad ayay u danaynayaan. “

 

Isagoo ka waramayay waxyaabaha keenay in aanay weli si fiican u qaadan kaadhka dhalashadda bulshadda ku reer Bullo-xaar, waxa uu yidhi “Laakiin waxa  dadkii haysata abaar, iyo haleel la’aan, waa qof geed tumaya, qof midho uu soo guraya,  waa dad xoolo dhaqato ah oo sida ay wax u haleelaan ayaaba iska yar. Waxaa laga yaabaa wixii Rag ahaa marka ay xoolaha soo arooriyaan way is-diiwaangelinayaan oo way qaadanayaan kaadhkii, laakiin dumarkii sidii ay u soo bixi lahaayeen  ayaa aad u yar, wixii degmadda u dhawaa way qaateen laakiin kuwii ka fogaa ayay dhib ku tahay.”

 

Isagoo  hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Goobta labaad waxaan geeyay Ceel-sheekh meel la yidhaahdo,  Ceel-sheekh markii aan geeyay khilaaf ayaa ka yimid, dabadeed waan ka soo celiyay oo wasiirka arrimaha gudaha ayaanu wada hadalnay, kadibna 300-mitir dib Ceel-sheekh uga soo guur ayuu I yidhi, xuduudkii ay lahayd degmadda Bullo-xaar 1960,  300-mitir dib uga soo celi ayuu igu yidhi. Aniguna 300-mitir ee wasiirku I faray waan ka badiyay oo 1000-talaabo ayaan dib u soo celiyay, meesha la yidhaahdo mashruucii Timirta oo ay Berbera xuku jirtay ayaan keenay,  oo ciidanka baduna ay imika degan yihiin.

 

Markaa niman reer Hargaysa ah oo aan deegaanka ahayn  markii hore degi jiray laakiin aanay imika cidi ka oolin, oo dadkoodii  imika ka diiwaangashaday Hargaysa ayaa nagu sameeyay rebshad,  diiwaangelintii way is-taagtay, sababtoo ah Taawrka birta meesha la yidhaahdo oo noo jirta 14KM  ayay qaateen, mishiinkii ayay bakhtiiyeen oo ay la tegeen,  oo ay inamadii bakhtiiya ugu hanjabeen, waana la bakhtiiyay, ka bacdi diiwaangelintii way is-taagtay ilaa   hadana wax talaabo ah oo ay dawladu ka qaaday ma jirto, ragii halkii ayay joogaan, qoryo ayay haystaan, sanduuqii waanu ka qaadnay oo shaqadii way is-taagtay , ta labaad waxay sameeyeen birtii Taawarka ahayd ee Telesom ee meesha ka taagnayd  ee internet-ka oo haddii ay shaqadu bilaabanto lagu shaqaynayay, ayay hadana haystaan,. Wax ay uga jeedo ma garanayno  oo wax talaabo ah oo ragaasi ilaa imika dawladu ay ka qaadayna ma jirto, ragas hubaysan ee waxay doonaan samaynaya  ee shaqadii dawladda joojiyay wax ay dawladu ka qabatay ma jirto,  dee markaa in dadkii shicibka ahaa ee diiwaangelinta doonayay iyo kuwaasi ay isku dhacaan  ayaanu imika ka baqaynaa, sababtoo ah  markii waxba laga qaban waayay. Markii horena waxaanu sugaynay dawladda oo aanu is-lahayn iyadaa nimankaasi wax ka qabanaysa.”

 

Guddoomiyaha Bullo-xaar oo la  waydiiyay nimanka hubaysan ee uu sheegay waxa ay doonayaan iyo waxa ay u jeedadoodu tahay, waxa uu ku jawaabay “Nimankaasi waa niman reer Hargaysa ah,  waa niman leh waxaanu diidaynaa Berbera, ama degmadda Bullo-xaar  in aanu hoos tagno, oo waxaanu doonaynaa  Ceel-sheekh in ay ka tirsanaato Hargaysa, taasina waxa macquul ah ma aha, 16-KM  ayay isku jiraan Ceel-sheekh iyo Bullo-xaar, 70KM weeyaan kaantaroolkeedu oo ka shisheeya, 70KM naguma  haystaan, macne alaale macne alaale macno ay ka wadaana ma garanayna,  wax dhib ahina kuma jiraan diiwaangelinta oo dhulkani cidi kuma haysato oo dee waa dhulkoodii,  hasoo degina cidi malaha, cidi kama qaadayso, laakiin u jeedadoodu waxa weeyi iyaga dadkoodii wuu u diiwaangashan yahay, balse dadkan xoolo dahqatadda ah  ee meesha yaala cida wax siisay waa anaga,  cida ka masuulka ah ee xataa ka xashiishka xaadha mushaharka sii saa waa anaga,  wax ay  ka og-yihiina ma jirto, daawadda anagaa u gayna, dhakhtarka anagaa  u dhisnay,  markaa waxa ay u diidan yihiin waa dadkaasi ayaanay kaadhka qaadanin, taana dee dawladda dhexe ayaanu ka sugaynaa wixii talaabo ah ee ay ka qaadanayso.”.

 

Guddoomiyaha oo la waydiiyay su’aal ahayd in nimanka hubaysan ee falkaasi ku kacay ay ku jiraan xubno can ah ama  si weyn looga dhex yaqaano bulshadda iyo in ay yihiin dhalinyarro iyagu iskood isku abaabulay,  waxa uu ku jawaabay “Maya dhalinyarro ma ah  ee waa  rag waa weyn, mida kale dad kale oo masuuliyiin ah oo dawladda ka shaqeeya ayaa ka danbeeya arrimahani, laakiin imika dad xil haya ma aha, oo hada waa iska shicib, hase yeeshee dawladuna may diran, cid kalena uma ay diran hawshani,   dee laakiin hadana qofkii shicibka ahaa oo anagii masuuliyiinta ahayn na haysta oo aanay cidina tallaabo ka qaadaynin” ayuu yidhi Md. Ayax.

 

Sidoo kale  mar la waydiiyay in arrintaasi ay kala hadleen odayaasha deegaankaasi    xubnahan  dhalinyaradda ah, waxa uu yidhi “Odayaasha deegaanka qayb ka mid ahi way diidan yihiin arrinkani oo way ka soo hor jeedaan, balse waxaa laga yaabaa in ay ku  jiraan oo ay soo adeegsanayaan dhalinyaradani laba ilaa saddex qof oo ay lacag siiyaan, kuwaasi oo ku soo gabanay dhalinyaradani soona hubaynaya”.