Waxgaradka Iyo Odayaasha XUDUN ee G. Sool Oo Caddaalad Daro Ka Sheegtay Wakiilka Komiishanka Doorashooyinka Ee Degmadooda

0
254

Xudun(Waaheen) – Waxgaradka Degmada Xudun ee gobolka Sool oo matalaya dadweynaha halkaasi ku dhaqan ayaa cabasho xooggan ka muujiyey caddaalad daro ay sheegeen in Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka u jooga halkaasi uu ku hayo degmadooda isla-markaana waxay ku eedeeyeen inuu ku hawlan yahay sidii mar kale aanay Xudun uga dhaceen doorashooyinka Madaxtooyada iyo wakiillada ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan.

Waxgaradka iyo odayaasha reer XUDUN, ayaa sheegay in doorashadii golaha deegaanka ee sanadkii 2012-kii aanay ka qabsoomin degmadooda, waxayna sheegeen inuu sabab u ahaa Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka u qaabilsan Xudun, kaasi oo ay sheegeen inuu Magaalada ka riday dagaal sababay in doorashadu ka dhici waydo, sidaa daraadeedna uu imikana wado qorshe kaa hore la mid ah, ka dib markii Komiishanka cusub uu dib ugu soo Magacaabay halkaasi. Waxayna codsadeen in ninkaasi oo lagu Magacaabo Jacbur laga beddelo ama wax laga qabto cabashadooda.

Odayaashan oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Somalilandtoday ayaa Mr. Jacbur ku eedeeyay inuu wax kasta oo la xidhiidha doorashooyinka uu u weecinayo deegaanka Buhul oo ay xuseen inuu laaluush ku qabo.

Asad Jaamac Aaden Cadde oo ku hadlayey Magaca odayaasha iyo waxgaradka reer Xudun ee nala soo xidhiidhay ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “Annagoo ah dadweynaha degmada Xudun ee gobolka Sool, waxaanu ka cabaneynaa Komiishanka doorashooyinka oo aanu in badan ka aamusnayn, laakiin ka soo dhaami waayay, in badanna aanu ka aamusnayn. Doorashadii hore (Doorashada Deegaanka) kama dhicin Xudun ee waxa ka dhacday Xabbad, waxaana xabaddaasi ka riday Guddoomiyaha Komiishanka u jooga degmada Xudun, ninka la yidhaahdo Jacbur imikana dib loogu soo Magacaabay Xudun. Xabbadana waxa uu uga riday in aanay doorasho ka dhicin Xudun ee ay ka dhacdo deegaanka Buhul, sidaa daraadeed ayaanay doorashadu uga dhicin Xudun ee uu uga dhacay BUHUL, maantana waxa ka wadaa tii oo kale”

Odey Asad oo sii hadlaya ayaa sheegay in Guddoomiye Jacbur uu si caddaalad daro ah ugu shaqeeyo dadka deegaanka Buhul “Buhul waxay hore uga tirsanayd degmada Xudun, laakiin imika waxay u go’day Ceel-Af-weyn oo ay ka mid tahay, markaa dadku waxay doonayaan in Xudun ka dhacdo doorashadu oo ay codkooda wax ku helaan ama ku waayaan, laakiin mushkiladda taagani waxa weeyaan in guddoomiyihii Komiishanka ee sidaa hore u galay degmada haddana dib loo soo Magacaabo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Guddoomiyaha waxa ku shaqeysanaya dadka Buhul, wax walbana iyaga ayuu u saxeexayaa, waxaanu hoos u dhigayaa degmada Xudun, waxaanu ku shaqeynayaa laaluush. Markaa waxaanu doonaynaa in arrintaa wax laga qabto oo dawladdu si deg-deg ah wax uga qabato, oo codka dadweynaha la eego oo la tixgeliyo, waayo dadku waa diyaar ee waxay leeyihiin siyaasad ayaa ku dhex jirta oo uu wado ninkaasi, markaa arrintaasi aad iyo aad ayay noogu adkaatey, waanuna ka adkaysan waynay, markaa waxaanu leenahay ama ninkan ha lanaga beddelo ama Xudun doorashada ha kala sinnaato dalka intiisa kale”

Asad Jaamac Aaden Cadde, waxa kale oo uu xusay inay ka cabanayaan tix-gelin la’aan dhanka dawladda ka haysata Maamulka Magaalada Xudun “Waxa kale oo aanu ka cabaneynaa Tixgelin la’aanta lagu hayo Maayarka iyo siyaasiyiinta degmada Xudun. Midda kale waxaanu ka cabaneynaa dawladda Somaliland waxay garatey inay ciidan keento, laakiin way garan la’dahay waxbarasho gee, Caafimaad gee, waxqabad kalena ma jiro oo waanu hooseynaa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Midda kale, waxa Xudun loo qoray labaatan Askari oo boolis ah, laakiin Direys malaha, gunno malaha oo rug boolis malaha. Arrimahaa waxaanu kala hadalley dawladda, laakiin waxba waa lanooga qaban waayay, sidaa daraadeed waxay noqotey inaanu cabashadayada warbaahinta marinno”

Odayaasha xidhiidhka nala soo sameeyay ayaa waxay kala yihiin:-

Cabdi Warsame Haws

Maxamuud Aaden Maxamed

Cabdi Maxamuud Cali

Mustafe Maxamuud Warsame

Asad Jaamac Aaden Cadde