Xoghayaha Cusub Ma leeyahay Karti Iyo Aqoon Shaqo?

0
119

Horumarka umadaha aya ku xidhan adeegsiga inta kartida iyo aqoonta leh, kuwaasi oo horseeda inay dejiyaan yool la higsado iyo dadkii gaadhsiin laha iyagoo ka faa’iidysanya wakhtiga.  Dalka Japan ma laha khayrad dabiici aha (natural resources) waxa keliya ee ay ka fa’iidaysten waa dadka iyo wakhtiga (Human resources and time), waxyna ka dhigtay dalalka ugu horeeya dhaqalaha dunida.

Tani aya ah in qofka kasta loo dhiibo goob uu ku wanaagsan yahay aqoon, karti iyo waayo aragnimo u leeyahay. ( The Right Man with Right Position). Fahamka dawladnimo aya weli saaxadda ka maqan,  taasi ayaana meesha ka saartay aqoontii lagu xulan lahaa. Haddana macquul noqonmayso in qof cir ka soo dhaca ah la geeyo goob muhiim iyadoo la heli karo mid ka aqoon iyo karti badan oo xaadir ahaa waayo kala duwan.

Inkasta oo taasi tahay dhaqanka lagu xusho mansabyada dawladnimo, haddana wax dhacda in mararka qaarkood qofkii ugu haboonaa loo magacaabo goobtii uu ku haboona.

Dadka qof aan waxtar lahayn ma jiro, waana qaaciido caam ah oo la isla qiray , Somalidu wakhti hore ayay ku xaqiijisay noloshii adkayd ee Miyiga. Xikmadda ayaa ah inay tahay arrin dabiici (Natural),waxase badan kuwo ay ka maqan tahay aqoontii, kartdidii iyo daacadnimadii hawsha loo dhiibay.

Magacabista Xogahaya cusub aya u muuqata inay tahay mid la asiibay, oo ku dhacday shakhsi aqoon iyo kartiba u leh hawshaasi.

Ibraahim Axmed Raabi waxan u aha Macalin markii uu wax ka baranayay kuliiyada Cambridge International college, qaybteeda Business Administration. Waxa uu aha ardayga ugu wanaagsan xagga dadaalka aqoonta, iyo ilaalinta wakhtiga iyo weliba ka war haynta ardaydii ay isku fasalka ahayeen.  Wakhtigaasi waxay u doorteen ardaydii xidhiidhiyaha kulliyadda iyo Ardayda, iyagoo ka eegay imaatinkiisa, akhlaaqdiisa, runtiisa iyo dadaalkiisba.  Mudadaasi waxaan ku ogaanay inuu yahay nin hawlkar ah oo daacad u ah waxbarashadiisa.

Caado umay ahayn maqnasho iyo dib udhac midna,  Assignments iyo hawlaha kale ee loo dirana si fiicn ayuu u gudan jiray.  May jirin intii uu Courskasi ku jiray wax imtixaan ah oo lagu yeeshay.

Imtixaankii qalin jebinta oo ay diyaariyeen Macalimiin Ingiriis ah isla markaana ay iyagu saxayeen waxa uu ku gudbay derejo aad u saaraysa  (Distinction ).

Aqoonta oo aan la raacin dadaal hadba hawsha la qabanayo waxay noqonaysaa mid aan guul lagu gaadhin, Ibraahmna labadaasi ayuu isku darsaday. Waxase macalimiinta Kuliyadu wakhtigaasi isla qireen inuu yahay shakhsi aqoonta uu baranayo ku darsaday karti, iyo daacadnimo, taasina ay ahayd tan uu ku kasbaday derejada sare ee imtixaanka Jaamacadda.

Waxaan ku hambalyaynayaa wasiirka markii uu aqoonsaday CV Ibraahim u magacaabay xilkaasi. Allah (sw) waxaan uga baryayna inuu ku guuleeyo hawshaasi.

Horumarku wuxu ku xidhan yahay dadka ku haboon oo shaqada loo dhiibo. Sidaasi ayuu Rasuulku (scw) nin ka codsaday maamul kula taliyay in aanu weligii qaban maamul.

“ Waa in aynu Hawlgelino koox xaqjiin  karta hadafkeena”  Abraham Lincoln

Prof. Ahmed Haybe