Salaadiin iyo Waxgarad ku hungoobay Dhex dhexaadin ay ka dhex wadeen Siilaanyo iyo Samaale.

0
90

samaale iyo siilaanyoHargeysa(Waaheen)Salaadiin iyo Wax garad ka soo Jeeda Bariga Burco ayaa maalmihi la soo dhaafay ergo ahaan ugu tagay Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Madaxweyna Somaliland Axmed Siilaanyo waxaanay kala hadleen sidii la isugu keeni lahaa Samaale iyo Madaxweynaha.

Ergadan ayaa Ugu horeyn waxay u tageen Madaxweynaha waxayna ku qanciyeen in Samaale loo magacaabo Wasiir aan ahayn ka wax barashada, iyagoo intaasi kadib Samaale u sheegay inuu Xuukuumada Siilaanyo ka qabto Xil Wasiirnimo oo ka duwan kii uu hore u diiday ee Wasaarada Wax barashada, hase yeeshee Samaale ayaa arintaa ku gacan saydhay oo u cadeedyey inaanu Xukuumada Siilaanyo Xil dambe ka qaban doonin.

Cabdicasiis Maxamed Samaale Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyadu waxa uu Ergada u sheegay in hadii la doonayo inay Siilaanyo sii wada shaqeeyaan uu Madaxweynu ku dhawaaqo in musharax nimadiisa dabadeed uu Samaale musharax yahay, Ergadan Salaadiinta iyo wax garad ah ayaa arintaa siilaanyo ula tagay hase yeeshee waxa la sheegay inuu Madaxweyne siilaanyo arintaa aqbali waayey taasi oo keentay ina lagu kala boodo dhex dhexaadintii ay Waxgaradku ka dhex wadeen labada Masuul.