Beel Dhan oo 3 Gobol degta ma metelaan 4 qof oo oo London ku Shiray ..

0
172

degaanka gobolka saaxil1Shacabka  reer  Somaliland  na  xaal  ayaan  ka  siinaynaa  sunaha  aan  wanaagsanayn  ee  aad  u  horsedeen  qurba-jooga  Somaliland    oo  ah  dadka  la  rabo in ay  wadanka  bedelaan  kana  saaraan  masiibada  qabyaladadeed  ee  ku  habsatay,  Qarana  dhisaan…..

Waxaan  maanta  jecelahay  in  aan  wax yar  ka  idhaaho , niman  sheeganaya  in  ay  metelaan  beel dhan (Beesha Ciise muuse ) oo  aad  u  balaadhan  degta  3  gobol  oo  kala  ah  Saaxil,  Togdheer  iyo  Maroodi-jeex  in  ay  sheegtan in ay  4 shaqsi oo London ,ku shiray  metelaan,  maaha markii horeysay ,dad noocan oo kale ah ay Cariga Uk  , isla-markaana ay sheegta taageerayaasha Ucid ,  inay si kale u copy-gareeyaan shirarka caadiga ah ee beesha ay qabsato.

Hadaba arinta ugu daran waxaa weeye , waxaa shiray anaga(4Qof) iyo beesha muuse cabdale waxaanu soo saarnay, Bayaan qodobo ay ka mid yihiin , in aanu u aqoonsanay Beesha Muuse cabdale inay kaalinta 2aad ee degaanka ay ka yihiin G/Saaxil.

Waxaan idin leeyahay hadalkan  ilaa  hada , ma  liqi  karaan beesha balaadhan  Ciise Muuse , ee gobolo badan oo Somaliland wax ka degta , haddii aan u soo noqdo G/Saaxil , beesha Ciise muuse waa run waa Kaalinta 1aad , lakiin idinka yaa xaq idiin siiyey inaad qiimaysaan , haddii aan u soo noqdo su,aasha , Geella beesha bariga Saaxil(HJ) geelloodu waxuu daqaa Dhakhtarka xooga Berbera, caanaha lug ayey ku keneen, halka beesha muuse cabdale adhigoodu u daaqo Go,da weyn ama buurta golis ee sheikh ka danbaysa125Km iyo 135KM ay u jiraan Magaalo madaxda Berbera .

G/saaxil waxuu ka kooban

1.      Degmada Berbera.

2.      Degmada Xagal.

3.      Degmada Laas-Ciidle.

4.      Degmada Mandheera.

5.      Degmada Sheekh.

6.      Degmada Bulaxaar .

Magaalada Berbera oo magaalo ay dadku wada-deganyihiin , dadka degaanka caanaha keenana way garanayaan ,dadka degaanka u dhashay , labada Degmo:- Xagal iyo Laas-Ciidle iyo dhulka balaadhan ee Beriga iyo Badda ugu balaadhan ee Bariga saaxil oo xadadkiisu ay yihiin G/Sanaag Iyo Togdheer waxa gaar u leh Beesha Bariga Saaxil.

Degmada Mandheera Iyo Deg.Sheekh ( waxaa degaanka lana wadaaga beesha Muuse cabdale, halka Degmadda Bulaxaar ay nala degaan Beesha Makahil(Sacad-muuse) aanu walaalaha nahay.

Hadaba shaqsiyaadka yidhi London ayaanu ku shirnay, oo aanu midna Somaliland tegin , isla-markaana ay ka yimadaan tuulooyinka Burco laga xukumo, oo aanay Berbera u dhalan , dhaqan-xumadda ay sameyeen , waxay  gaysay  in  ay   beeldhan  magaceeda  jeebka  ku  ritaan iyaga  oo  anay  cidina  u  diran,  cidna  wakiil  ka-ahayn.  Beesha  ay  magaceeda  sheeganayaan  waa  beel  tariikh  ku  leh  Somaliland,  waa  mid  ka  mid  ah  tiirarkii  dhisay  Somaliland,  waa  beel  degta  3  Gobol   oo  Somaliland(Saaxil, Togdheer Iyo Marood-jeex).

Waa  beel  lagu  tilmaansado  Aqoon, Masuuliyad,  degenaan,  Nabadoonnimo, Dulqaad  iyo  isku  soo  jiidista  dadka  Somalialnd   iyo  dhulka  ay  degaanba  ku  nool,  waa  beel  dalkan  Somaliland  24  sano  ee  ay  jirtay  19  ka  mid  ah  soo  hogaamisay,  waa  beel  ay  sharaf  iyo  karaamo  ugu  hayaan  dadka  reer  Somaliland,  waa  beel  dalalka  kale ay qurba-joogta ka tahay  lagu  qadariyo  mansab  iyo  meqaan  sarena  ku  leh,  maaha  beeshani  middii  ay  maanta  afar  qof  oo  aan  karti,  aqoon, sumcad  iyo  karaamo  midna  lahayn  ,dhulka jiidi lahayeen oo  danno gaara  loo soo  ururiyay  ama xubno  dano  gaara, ka  lihi ay  dabada ka  hagayaan  ku  hadli  lahayeen  magacooda oo keliya.

Ugu danbeyn waxaan leenahay xubnahaasi Beesha ciise muuse sheegtay inay wakiil ka yihiin , waa  kuwo  aragtidoodu aanay  meel  gaadhsiis-nayn ama in  ay  cid ay London isku maqaam yihiin ka  xod  xotaan,  wax  mabda ah  oo  haba-yarateen ay  leeyihiin  ma  jirto,  xataa  iyaga  wax-ba  kuma  midaysna,  qoloba  dano  gaar  ah  ayay  leeyihiin,waxay  u badanyihiin  dad nolosha Uk ku  saaqiday  ama dad  aan  naxariis  u  hayn  dadka  ay   sheeganayaan  una  adeegaya dad dano gaara leh.

 Qarnigii 21 naad  sanadii 15naad  waa  foolxumo  xanuun badan  in  rag waa-weyn , isla-markaana laga  sugaayay  in  ay  wadanka  u  gurmadaan  oo  qalin,  aqoon,  iyo  karti  ka  saarayn  qabyaalad  ku  bedelaan,  kagana  badbaadiyan  halista  qabyaladeed  ee  u  hada  ku  jiro,  maanta  waa  calool  xanuun  in  rag  warbahinta  la  soo  fadhiistaan , waxaanu  nahay  reer  hebel,  oo magaaladaasi anaguna waxaanu nahay waa  kuwi  laga  doonayay  in  ay  wadanka  u  gurmadaan,   aduunka  maanta  waxaa  xukuma  Generation   qabiil  ka-sareeya  oo  aqoon  iyo  caqli  ku-maamula,  iyana  reer baa  ka  dhexguuxaya  xataa  ayna  naf  u hayn  oo  ayna  ka  dhab  ahayn  waxay  sheegayaan  ee  ay  ka  tahay  uun  afka  baarkisa.

Aniga  waxayba  ila tahay in aad weerar ku tihiin  magaca Beesha Ciise Muuse, ee aad   sheeganaysaan, wakiil aan cidina idiin soo magacaabin  oo maalin kasta shiarar aad ku qabataan  dadka London iwm oo  kale, aad  dadka walaalaha ee  Somaliland  is nacsiinaysaan,  fadlan  umadaha  kale  ee  wadanka  inala leh  aan  ixtiraano,  dadka  an  magacooda  sheeganaynana  an  ixtiraano,  wax  aydinaan  cidna  ku  metelin  aan  ka  xishoono,  4  nin    oo London ku  qayilay  reer  ma  mateli  kartaan,  hada  warkiinu  waa  I  arkay I maqlaay,  waa  uun  nooc  cusub  oo  qurba-jooga iyo Somaliland ,anagoo ah hebelo oo metelna reer hebel waxaanu nahay kaalinta 1aad islamarkaana reer hebelna waa kaalinta 2aad,  hore  waxaynu  khatiyaan uga  joognay  Odayaal  waji  kumacaash  ah,  fadlan  yaynaan  barin  qurba-jooga  reer  Somaliland  dhaqan  aan  wanagsanayn,  sumcada  reerkana  aan  ilaalino  , dadka aad  wax  u doonaysaan   xataa  way ogyihiin  in aydaan  miisaan  lahayn   oo sharaftii  dadka  aad  ka  soo  jedaan  uun  dhaawacdeen.

 Shacabka  reer  Somaliland  na  xaal  ayaan  ka  siinaynaa  sunaha  aan  wanaagsanayn  ee  aad  u  horsedeen  qurba-jooga  Somaliland    oo  ah  dadka  la  rabo in ay  wadankan  bedelaan  kana  saraan  masiibada  qabyaladadeed  ee  ku  habsatay,  Qarana  dhisaan.

 Wabilaahi  Tawfiiq

 

By Ciise Daahir Ciid

Berbera/Somaliland