Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa: Saddex ballamood oo maalin kaliya wada ah‏

0
55

Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka ee “Redsea” waxa ay kugu marti qaadayaan maalinta Khamiista 12ka Maarj, 2015, barmaamijka: Khamiista iyo Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.
Waa maalin iyo habeen martigelinaya saddex dhacdo: Carruurta, Dhallinyarada iyo dadka oo dhanba, waxa loo diyaariyey Madadaallo, Aqoon korodhsi, Akhris, Caways, Ciyaar Soomaali, Filimaan gaagaaban iyo Riwaayad wada socda.

16.00 – 18.00
Carruurta in akhriska lagu ababiyo waxa ay qayb ka tahay kobcinta garaadkooda. Galabtan iyo kuwa kale oo soo socdaaba waxa ay carruurta da’doodu u dhaxayso 5 – 14 ka heli doonaan barmaamijyo isku dhafan, oo ah akhris, madadaallo, aqoon korodhsi iyo barashada adeegsida rugta kutubta, ku barbaarinta waddaniyadda. Waxa jiri doonta maaweelo lagu sooryi doono kaqayb galayaasha. Waa laga maarmaan in waalidku la socdaan carruurtooda.

19.30 – 20.30
“Mikirfoonku kuu furan” waa barmaamij bille ah oo dhallinyarada xarunta iska diiwaan galisaa, ay kusoo bandhigayaan hal abuurkooda. Suugaan tix iyo tiraabba leh, filimaan ay allifeen oo hageen, iyo waxyaabo kale ayaa lagu soo bandhigayaa. Ka eeg bogga xarunta liiska magacyada innala wadaagaya soosaarka fankooda.

20.30 – 21.30
“Saxariir” waa riwaayad uu allifey Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, 2014, oo ka mid ahayd Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagaata Hargeysa, 2014. Waxa ay ka turjumaysaa qorshe la’aanta ummadda iyo dhibaatada ay kala kulmaan dabeecadda. Mar abaar iyo itaal darro loo silcayo, mar barwaaqo iyo kibir loo silcayo, iyo sannadaha oo iska daba wareegaya iyada oo dhibaatadii hore qorshe lagu xalliyo loo samayn.

Haddaba ha moogaannina in aad saddexda barmaamij ku darsataan qorshaha maalinta Khamiista.

Mahadsanid,

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.