Shirkada Dhalinyarada Ee Xisbiga Wadani

0
46

 

shirkkBismilaah, marka hore waxaan salaamayaa shacabwaynaha reer Somaliland gudo iyo debedba, intaas ka dib waxaan soo dhowaynayaa shirada dhalinyarada xisbiga wadani oo 15-March-2015 ka qabsoomi doono Hargaysa sida ku talo galku yahay.

Shirkaas dhalinyarada ee xisbiga wadani oo aan arko inuu yahay shir ay isugu imanayaa ergooyin ka kala socda gobolada dalka Somaliland oo dhan, ayaan waxaan rajaynayaa inay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim u ah qaranka iyo xisbiga wadani laftiisaba, waana shir loo baahan yahay in asxaabto ay ka war hayso oo la socoto xaalada dhalinyarada taageerta xisbiga, waayo dhalinyaradu waa laf dhabarta dalka waana dad inta badan loo soo doonto cod ee aan waxba loogu bedelin codkaas, taas oo marka codka laga doonanayna la soo dhowaynayo marka lagu danaystana layska kala dirayo, waxaan u soo jeedinaya xisbigaas wadani in uu haysto dhalinyarada oo uu keeno barnaamijyo horumarineed oo lagu horumarinayo guud ahaan dhalinyarta Somaliland.

Shirka dhalinyarada xisbiga wadani waxaan leeyahay ka hor shirka hala diyaari ajandayaal cad cad oo dhalinyarta loogu samaynayo taageero buuxda oo ay si toosa uga qayb qaataan hawlaha siyaasadeed ee xisbiga gudihiisa.

Shirka dhalinyarada ee xisbiga wadani waa in uu noqdaa mid ay u wada siman yihiin dhamaanba dhalinyarta rer Somaliland ee taageerta xisbiga wadani oo aanu noqon mid cid gaar ahi ay wadato oo aany u sinayn bulsho waynta Somaliland, yadoo waliba ergoyinka shirka aan lagu qaybin hab beeleed ee lagu qaybiyo hab goboleed, taas ayaa ka cunsuriyad yaraanaysa hab beeleedka.

 

Waxan rajaynaya inay ka soo bixi doonaan go’aamo dhaxal gal ah oo dhalinyarada taageerta xisbiga wadani u cuntami doona, oo lagu farxi doono.

Waxaasi ku adkaynayaa dhamaanba ka qaybgalayaasha shirkaas dhalinyarada in ay ku adkaadaan ilaalinta aminiga qaranka gaar ahaan iyo wadar ahaanba, waayo maanta halkaa aynu marayno waxaynu ku gaadhnay nabada iyo kala danbaynta aan haysano, markaa ilaalinta nabada iyo kala danbayntu waa dantena guud oo aynu ku gaadhayno horumarka iyo barwaaqada lana tartami karayno guud ahaan beesha caalamka oo dhan.

Waad Mahadsantihin

Allaa Mahad Leh

By: Mohamed Hamud Ali

Burco – Somaliland

Hamudson@Gmail.Com