Madaxweyne ku xigeenka oo u ka hadlay doorashooyinka Mucaaridkana u Jawaabay.

0
83

Xisbiga Talada Dalka Haya ee Kulmiye iyo Xukuumadda oo is garabsanayaa ayaa ka fal celiyay arrimaah doroashooyiknka.

munaasibad lagu qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu xisbigaasi ku soo bandhigay sida uu diyaarka ugu yahay doorashooyinka madaxtnimada, waxaanan halkan idiinku soo gudbin doonaa nuxurka khudbad dhinacyo badan oo uu halkaasi ka soo jeediyay madaxweyne ku xigeenka somaliland cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici, waxaanu yidhi “ waxaynu ognahay in gudiga doorashoooyinka qaranku cadeeyeen wakhtiga ay bilaabmayso diwaangalinta codbixiyayaashu.sadexda xisbina ku raaceen arinkaa. Muda xileedka xukuumadu marka uu dhamaado 26 june 2015 waxaa la raacayaa tastuurka.xukuumada ayaa sii wadi doonta hawlaheeda,dalakuna nabad ayuu ahaan doonaa ilahay idankii.
Walaallayaal;
Dhowr iyo tobankii sano ee xisbiyadu jireen marka doorashoyinku soo dhawaadaan waxaynu galnaa xaalad kacsan , shacbiga waxaa lagu dhago barjeeyaa xajiin leh,qabyaalad,aflagaado shakhsiyadeed, o laysu marinayo hawada, mararka qaarkod waxaa la gaadhaa heer aad u liita, dadaka waxaa k hadlaaye waa intii ay umadu u arkaysay hormoodka,waa siyaasi,waa madaxdhaqameed,waa aqoonyahan, waa dhalinyaro iyo haween.

Maanta, xisbiyada qaranka iyo shacabigaba waxaa la gudboon in ay ka baydhaan jidka yooyootanka,waa inaynu kor u qaadno aragtideena, sababta oo ah qabyadeena yaa badan waxaynu leenahay cadow aan ogolayn Qaranimadeena ,
Waa hubaal in intii xibiga kulmiye talada dalka hayey in waxa badan lau kordhiyey kaabayaasha dhaqaalaha,amaanka,tacliinta iyo adeega bulshada,
Xisbiyada qaranka waxa aynu u samaysanay in ay falkiyaan talooyin wax ku ool ah o umadani ku gaadho nolol ka wacan tan ay maanta ku jirto , uma aynaan samaysan in ay inagu keenaan murug iyo xafiiltan dhexdeena ah,
Xisbiyada mucaaridka waxaanu ugu baaqaynaa inay u garnaqsadaan hab sharciga waafaqsan,kana dhowrsanaadaan wixii xamaasad kicinaaya,
Xisbiga kulmiye waxa uu aaminsanyahay in midnimadu ka wanaagsantahay khilaafka,waxanu hubnaa inta aynu heshiiska ku nahay ayaa ka badan intaynu isku diidanahay.
Xisbiga kulmiye waxa uu diyaar u yahay inuuu dhagaysto talada mucaaridka, wuxuu diyaar u yahay wixii duul duul ah ee kaga yimaada mucaaridka, waxaanu leenahay khilaaf kasta ha lagu dhameeyo wadahadal iyo isqancin.