Ma dhab baa in Madaxweynayaasha Somaliya iyo Somaliland Ismaaciil Cumar Geelle ka dalbadeen in wadahadalada dib loogu soo laabto

0
57

Madaxweynayaasha Labada Dal Ayaa Hore Ugu Heshiiyay In Madaxweyne Geelle Soo Dhex Gali Karo Marka Loo Baahdo

shirHargeysa(Waaheen)-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay in uu Madaxwaynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ka dalbado in uu dhexdhexaadiyo ismariwaaga wadahadalada burburay ee Somaliland iyo Somaliya.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa la sheegayaa in uu codsigiisa u gudbiyay Madaxwayne Geele isla markaana uu sheegay in Somaliya ka leexatay hanaankii wadahadalka labada dhinac u socday,Mudane Siilaanyo ayaa la sheegayaa in Geele uu waydiistay in uu dawlda Somaliya ee uu hogaaminayo Xasan Sheekh ku qanciyo in raga kasoo jeeda Somaliland uu ka reebo wadahadalka,isla markaana beelaha Waqooyi oo dhinac ah iyo Koonfurta oo dhinac ah loo wadahadlo mar haddii labo dal oo isku biiray ahaayeen ayuu ku dooday Madaxwayne Siilaanyo.

Warkan ayaa kusoo beegmaysa xili Raysalwasaaraha Somaliya oo hogaaminaya wafti wasiirka Arimaha Dibada Dr.Hadliye oo kasoo jeeda Awdal Iyo wasiirka duulista Iyo Hawada Cali Jaamac Jangali oo kasoo jeeda gobolka Sool ku sugan yihiin dalka Jabuuti.

Lama sheegin in Madaxwayne Geele codsiga Madaxwayne Siilaanyo kala hadli doono Raysalwasaaraha Somaliya iyo inkale lama oga qaabka loo soo afjari doono ismariwaaga labada dhinac ee Somaliya Iyo Somaliland oo dhinac walbaba rajaynayo guul ay dadkiisu ku qancaan.

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya ayaa heshiis hore ugu gaadhay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle soo dhex gali karo marka loo baahdo.