“Isbahaysiga Mucaaridku waa sharci darro, waxaanay ka hor-imanaysaa dastuurka Dastuurka JSL” Gudoomiyaha Kulmiye ee USA.‏

0
91

dhoore picMarka ugu horaysa waxaan halkan ka salaamayaa dhamaanba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay daafaha aduunka ka joogaan. Waxaan doonayaa in aan wax yar ka idhaahdo isbahaysiga ay samaysteen Xisbiyada Mucaaridka Somaliland iyo golaha la baxay madasha wada tashiga.

Ugu horayn, madasha wadatashigu waa gole sharci daro ah oo aan meelna ka soo gelin diiwaanka shuruucda Jamhuuriyada Somaliland. Madasha wada tashigu raga ku jiraa waa geesiyaal iyo rag taariikh balaadhan qarankan ku leh, hase yeeshee taasi uma saamaxayso in ay jabiyaan shuruucda dalka u taala oo uu ugu sareeyo dastuurkeenu. Hadaba, anigoo adeegsanaya dastuurka Jamhuuriyada Somaliland iyo xeerarka aynu dajisanay ee ay ansixiyeen baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland khaasatan xeerka lagu maamulayo asxaabta qaranka, aynu wax yar is dul taaqno qodobada sharciga ah ee ay jabiyeen asxaabta mucaaridku iyo madasha wada tashigu.
Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland wuxuu dhigayaa;

XUBINTA 2AAD
MABAADI’DA GUUD QODOBKA 11AAD
NIDAAMKA SIYAASADEED

  1. Nidaamka Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Soomaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.
  2. Tirada Xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan Saddex (3) Xisbi.
  3. Iyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo Xisbi siyaasi ah, waxa reeban in Xisbi lagu dhiso Gobolaysi iyo Qabyaalad.Waxa halkaas ka cad in nidaamka siyaasada Somaliland uu ku salaysan yahay ka asxaabta badan isla markaana wadanka laga ogol yahay oo kali ah sadex xisbi. Madasha Wada tashigu waxay jabiyeen qodobkaa dastuuriga ah isla markaana waxay samaysteen urur ka baxsan sadexda Xisbi ee uu jideeyay Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland. Ta labaad, macnaha sadexda Xisbi waxa weeyaan in shacabka la siiyo ikhtiyaar iyo in ay soo kala doortaan cida ay is leeyihiin danihiina waad ka dhex arki kartaan. Ta sadexaad, waa in ay sadexda xisbi kala madax banaanaadaan oo aanay isku siyaasad noqon, hadii kale micnaha looga jeedo asxaabta badan ayaa lumaya loomana baahna hadii ay isku mabda’a noqdaan.
    Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer LR 14/ 2000 Wuxuuna soo saaray Xeer Lr. 14/2011Xeerkani wuxuu si fiican u iftiiminayaa asxaabta siyaasada iyo wax yaalaha laga rabo. wuxuu kaloo si fiican u sharaxayaa in aan xisbiyada siyaasadu aanay isku biiri karin ama aanay midoobi karin hadii ay dhacdana in ay tahay qari dastuuri xubnaha ku kaca arintaana in xisbigaasi laga saaro hadii ganaax siyaasadeedna la dul dhigo.