Suldaanka Yibraha Oo lagu Caleemo Saaray Hargeysa

0
176
11024741_664193183686050_1797148525248042233_nHargeysa(Waaheen)_Munaasibad si ballaadhan loo soo agaasimay oo lagu caleemo saaray Suldaan Ibraahin Cabdi Huseen oo  ay yeelaneyso  Beesha Yibraha  ayaa maalintii shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa. Xafladan oo ay kasoo qayb galleen siyaasiyiin, Cuqaal,Sulaadiin, Culimo Awdiin iyo marti kale ayaa waxa lagu Boq-ray Suldaabka Guud ee  Beesha Yibraha Suldaan Ibraahim Cabdi Xuseen, oo ah hogaan-dhaqameedkii ugu horeeyey ee ay Beeshu ku yeellato Somaliland. Xubno ka mid ahaa ka soo qayb-gelayaasha Xafladaas, oo ka hadlay madasha, ayaa dhammaan-tood waxay Duco iyo waano u jeediyey  Suldaanka lagu caanno-shubay.Suldaan abu-suufiyan oo kamida madax-dhaqameedka Somaliland, oo munaasibaad hadal ka jeediyey dar-daaran u jeediyey hogaan-dhaqameedka xaflada lagu caleemo saaray. waxanu yidhi” waxan Suldaan Cusub odhanayaa Saddex arrimood oo kaliya, waa mid ee Suldaan iska ilaali Gacan Gudhan Gar eexo iyo Gudoon jilic-san Saddexdaas iska ilaali, waxa kale oo aan ku odhanaya midna kuguma oggin Sadexdaas aan sheegay illaahaynaa Xilkaasi waa mid  Culuse haku fudeydiyo alle-na ha inaga aq-ballo”. Waxa kale, oo Madasha isna ka hadlay Siyaasi Barkhad Jaamac Xirsi oo dhowaan iska casilay xil uu ka hayey Xukuumada Siilaanyo, Barkhad oo si weyn ula Dar-daarmay shacabka, Suldaan-kana uu Duceeyey ayaa waxa hadaladiisi ka mid ahaa sidan” waxan idiinku waaninayaa inaad sidaa aad maantaba tihiin ee aad iskugu duuban tihiin inaad iskugu duub-naatan, Suldaankana waxan illaahay uga Baryayaa inuu ka dhiggo kii dhammaan-teen ina wadaa an-faca”.Waxa kale, oo isna Goobtaas hadal kooban oo duco ah ka jeediyeey Suldaan Naasir, kaaso Suldaanka Beesha annaas ee Yibraha lo yaqaan uu ku hambalyeey dadkii soo xushay Suldaanka, isagoo kusoo dhoweeyey

Suldaan Ibraahin Cabdi Huseen  madasha dhaqan Suldaan Naasir oo amuurtaas ka hadlaaya waxa uu  yidhii” Marka hore Suldaan  kusoo dhowoow Madasha dhaqanka ayaan ku leeyahay, waxana  kugu soo dhoweynayaa aniga oo kaasoo horreeyey,  waxanan illaahay kaaga bar-yaaya inuu kugu asturo waxan kale oo aan idiin leeyahay Berrigii Hore Suldaanka waxa la raacin jiray xoolo ee xoolihiina la oggaada oo Suldaanka gaadhigii , GEELI iyo Fardihii ayaa la idinka rabbaa ” ayuu yidhii Suldaan Naasir.

Waxa iyana Madasha ka hadlay Boqor Ugaas Axmed oo ka mid ah wax garaadka Beesha Muuse dheriyo kaaso suldaankan Cusub ku waaniyey inuu Noqdo mid wax ka qabtaa dannaha Beesha annaas ama Yibraha Boqorku waxa uu suldaanka xasuusiyey inuu Suldaan uu yahay Yiraha Deggen dhulka Somaliland oo dhan. Boqor Axmed waxa uu yidhii” Suldaan waxan kugu ogay inaad tahay Nin isku soo ururin karaa Yibraha kala joogga Laas-caanood ilaa Boorama, Lawyocado meel kasta oo Somaliland ah-baa waxad tahay Nin hanankaraa xil-koodaas waxan ku farax-saney inaan kaaso qayb gallo Suldaanka Beesha Annaas ama Yibraha oo maanta Gartay inay sammeystaan Madax-dhaqan”.

Suldaan Ibraahin Cabdi Huseen Gaba-gabadii halkaas ka hadlay, ayaa ka dareen celiyey Caleemo-saarkiisa iyo tallooyinka dhaqan ee loo jeediyey. Waxa kale oo uu ka waramay qorshihiisa ku aadan masuuliyada hogaan-dhaqameed ee uu qaaday.

isagoo arimahaas oo ka hadlayana waxa uu yidhii” wax-garad ka iyo maal-qabeena Qurbo joogta iyo dadka kale ee kaasoo qayb gashay munaasibada la igu caleemo saarayo waxan idiin leeyahay illaahay ha idiinka abaal-mariyo, waxanan idiinka cod-sanayaa inaad igu soo ducey-saan Xilkan la ii saaray oo Barwaaqadiisa iyo dhibaatadiisa leh waxanaan illahay ka baryaaya inuu iga dhiggo mid Cadaali ah, anigu hoggaan dhaqan baan ahay meeshana siyaasad looma immaan dawladana alle ha inoo Barakeeyo ” . ayuu yidhii Suldaanka Cusub ee ay yeelato Beesha annaas ama Yibraha lo yaqaani waxa kale oo uu Baaq uu diray Qurbo jooga beeshan oo uu ku waaniyey inay kaasoo qayb qaatan maal-gashiga dalka Suldanku waxa uu yidhii” waxan Baaq uu dirayaa Qurbo jooga Beesha oo aan leeyahay kaasoo qayb qaataa dib u dhiska ka socdaa wadankeena oo maal-gashi ku sammeeyaa “.